ISAGAA ISU GEYSTEE MAXUU CID GUHAADIN…W/Q:ABDIKADEER ABDI HASSAN

Published on: Jan 16, 2010
ISAGAA ISU GEYSTEE MAXUU CID GUHAADIN

Tani waa mid mudan in laga taxadiro markaad maraysid , xaalada uu cali uu maray waa mid kusoo noqnoqota laakiin qoomamo ku reebta markuu si guracan uga gudbo , waase mid uu kala siman yahay dhalinyar badan oo reer Somaliland ah oo sidiisa oo kale u dhaqma

Cali waxuu kasoo toosaa guri uu calafkiisu tawakal saaranyahay , laakiin isagu  ma tabo mararka qaar maadaama uu leeyahay asxaab badan , kuwaasooy ku heshiiyeen doonta mirqaanka iyo kolayga dabadiisa,  waxay had iyo jeer ka fikiraan halkay jaadka bari ka heli doonaan ,

Taasi oo bada inay maalinba halka ay taagan tahay ka doontaan, maalmahani ay ku jiraan way ka duwan tahay sidaa,   oo uma helaan jaadka sidii ay u heli jireen, maadaama uu jaadkii qaali noqday , iyo sicirbarar jira awgeed oo dadku hakiyeen dhaqaalahii dheeraadka ahaa ee ay ku bixin jireen waxii ka baxsan masaariifta guryahooda..

Waxase ay niyada ku hayaan in maalin dhow ay noqon doonto mid gowsahoodu mashquuli doonaan , maadaama ay dalka kusoo fool leedahay doorasho taasoo ololaheeda  kubaxaan lacag badan

Maanta waxa laysugu yimid kolaygii oo laga arrinsanayo , halka mirqaankooda maalin walba kaafin doonta inta ololahu socdo , waa cali iyo saddexdiisii mirqaan-ruug

CALI:  anigu waxaan jeclaan lahaa inaan ku biirno xisbiga talada  haya maadaama ay iyagu hayaan taladii iyo dhaqaalahii dalkaba ayna inaga iibsanayaan codkeena , waaryaadhaheen mudo badan baa qaadiro ina dishee qaadka aan doonano ,

Durba waxa gacanta iyo riyaaq isugu daray laba kamid labadiisii asxaab oo u bogay halka uu isagu taabtay  kumaase aan ku raacin  waa mustafe oo ah ninka isagu ugu qayilka badan laakiin hadiyo jeer talaabaduu qaadayo cidhibteeda eega , kana fikira halkay ku foorarto

MUSTAFE:   “waaryaadhaheen mid aan ilownay ayaa jirta keliya waxaynu ka fikirnay mirqaanka sodon cisho oo kaliyo laakiin taasii waa dhamaanaysaaye aynu ka fikirno mustaqbal  dhowr sano ah ”

Dhamaan lawada yaab waxay ka yaabeen hadaladani uu kahadlayo ee mustaqbal iyo arimahiisaba ah

CALI:  waar mustaqbal waa kan ma  mid tani kawanaagsan ayaad haysaa oo afar sanoo mirqaana ayaad haysaa

MUSTAFE: mayee ma ogtahay waxa jira maalin aad adigu talada dalka  hayso ood maamusho dadka ku maamuli doona waana maalinta aad bixineysid codkaaga niyow aniga waxay ila tahay in aan ka taxadirno codkeena oonu iibsano waayo codkeena oon iibsanaa waa mustaqbalkeena oon uu iibsano waynu aragnay dawlada hada iyo waxqabadkeeda waana ogahay inaad hadiyo goor ku andacootaan inayna dawladi jirin oo cadaaladi jirin idinkoo og taasi maxaad ugu codeynaysaan ood codkiina uga iibinaysaan

Waxaad ka fikirtaan mustaqbalkiina haka fikirina qaad afar cisho ah

ALI:  waar niyow malaha  gaariyaad noosoo  dhagaysatay , orod tani la tag Tv-ga qaranka halkani mirqaan ayaa loo yimide ,

Mustafe waa ka kacay isagood moodo maalintaa inuu layimid wax noloshiisa kaduwan  calina  bishii ololeha   daankiisa iyo laan isma deyn ,  waa maalmo ololehiyo waxaa dhacday axmed inay qabsatay masuuliyada xaafadooda maadaama uu ahaa curadkii ugu weynaa xaafada  dugsigii uu dhiganayey maalindhaaf ayuu u tagi jiray, aqoon badan  malaha laakiin waxuu is yidhi Malaga yaabaa inaad xukuumada shaqo ka heshid maadaama aad u keentay dadkii aad isku barateen maqaaxida oo dhan sidaasina ay kusoo baxday , HAA  HAA   waa laga yaabaa ayuu maskaxdiisa geliyey ,

Waxuu la xidhiidhay nin aad ula shaqayn jiray cali iyo kooxdooda maalmihii ololeha hadase ah wasiir , waxuunbuu niyada geliyey markuu wasaarada lugta  geliyo inuu janadii aduunyada uu lugta geliyey,

Maxuuse kala kulmay , waxuu arkay wasaaradii dhexdeeda ooy tuban yihiin  dad badan oo sita shahaadooyin jaamacadeed iyadoo qaar kalena kasoo baxayaan iyagoo murugaysan,  su’aalihii  cali uu ku yidhi wasiirku waxay ahaayeen

  1. QOLOMAAD TAHAY ( si dadban loo dhigay) ?
  2. MAXAAD SHAHAADO SIDATAA  ?
  3. ODAYO MA WADATAA  ?

Maalmihii danbe waxa soo shaacbaxday in dawladani ay ka daran tahay tii  hore jirtay iyadoo cadaalad daro masaakiinta la duudsiiyey  ,

Dhulkoodiina wasiiro kala boobeen uu jiro wasiirkii cali ololihii wada shaqayn jireen

Cali waxuunbaa kasoo hadhay kelmad ah tani dawladi ma jirto

Hadaba daw ma tahay inuu dawlada canaanto adigoo og waxuu isagu sameeyey

Waxaan leeyahay boqolaal kun oo dhalinyarta reer Somaliland ayaa ku fikiraya sidii ay ololeha uga faa’idaysan lahaayeen lacag iyo qaad ay ka helaan kolba kuwa talada haya iyagoo hadhowna ku andacoonayaa in tahriibkooda ay u sababtahay xukuumada jirta

CODKAAGA OOD IIBSATAA WAA MUSTAQBAALKAAGOOD IIBSATO

ABDIKADEER ABDI HASSAN

UNIVERSITY OF HARGEISA

HARG-SOMALILAND

Raam006@hotmail.com

Web Stats