HORUMAR LA’AANTA DALKEENA 1991 ILAA 2010 ..W/Q:NUUX BUUX GEELE

1991 ilaa 2010

Maalintu waa Jimce, waaxay ahayd maalin muslimiinta aduunka ku nooli ku wada ciidayanaan, salaada jimcaha,dhinaca kale hadii aan ka eegno waa sanadka cusub ee Miilaadiga 2010, inagoo hore ugu soo debaaldegnay sanad guuradii Hijriya 1431 bishii December, waa laba sanad guuro oo dadka aduunka korkiisa ku nooli ay ku xisaabtamaan, bal waxa u kordhay ama ka dhinmay nolosha qofka binu aadmiga ah.

Walaalayaal dhamaan umada reer Somaliland meel kasta oo ay aduunka ka joogaan waxan leeyahay sanad wacan oo wanagsan ilahay ha inooga dhigo labada taariikhoodba, ilaahayna ha inoogu bedelo wax wanagsan waxaynu sanadaihii hore soo maray, dalkeenana ilahay ha inooga dhigo mid caalamka la siman oo calankiisu ka ag muuqdo calamada aduunka UN.

Dhamaan umada reer Somaliland waxan weydiinayaa su’aal aan nafteyda weydiiyey, jawaabteedana waxan ka sugayayaa walaalahayga reer Somaliland !.

Muwaadin waxan nafteyda weydiiyey, MAXAA SOMALILAND U QABSOOMAY 1991 ilaa 2010 MAXAANSE U QABSOOMIN ! ?

Jawaabta an nafteyda ku qanciyey waxay noqotey dad wanaagsan oo wax qabsadey, horumar samaystey, nabad galayo ku wada nool, laakiin u baahan dawlad cadliya oo waxtar muuqda oo la taaban karo ku hogaamisa dadkaa wanagsan ee walaalaha ah.

Walaalayaal waxaynu soo maray marxalado kala duwan oo dhibtooda iyo dheeftooda lahaa, waxaynu ka soo gudubney caqabado fara badan oo aan la soo koobi karayn, da’ayarta dhalatey 1991 mooyee qofkastoo jirey horteed, wuu dareemi karaa marxaladaha aynu ka soo gudubney.

Muwaadin umada reer Somaliland 1991 waxay go’aansadeen in ay nabad ku wada noolaadaan, meydka la wada aaso, dhiigana la iska maydho, nolol cususb iyo horumar loo siman yahay lagu dhaqaaqo,gacan shisheeyena aanay soo dhex galin, hogaanka dalkana SNM mudo laba sano ah ay hayaan, la isku raac dhibaato may dhicin, taagtooda ayay talaabsadeen iyadoo wax dhaqaale ah ama mucaawino dibadeed ka helin beesha caalamka. Thx

Waxa la soo gaadhay sanadkii 1993 in laga wareejiyo SNM hogaanka lana doorto hogaan cusub loona gudbo, marxalad ka duwan tii hore , SNM talada way qaadatey waanay wareejiyeen hogaankii, waxa la wareegay Maxamed xaji Ibrahim Cigaal (AHUN).

Madaxweyne  Maxmed xaaji Ibrahim Cigaal dalka waxa uu ku hogaamiyey waayo aragnimo iyo aqoon ilahay ku manastey, waxanu sameeyey system iyo maamul kala danbeyn iyo sharci leh, lacag, baasboor,xisbiyo iyo haykal dawladnimo, inkastoo turunturooyin iyo kaca kuf ka jirey hadana, marxalad adag oo uu kala soo dabaashay Somaliland ayaynu soo maray, waxanu la heshiiyey beelihii wax saluugsanaa oo nabad ku soo dabaalay Somaliland iyada oo aanay gacan shisheeyey inasoo dhex galin.

Madaxweyne M x Ibrahim Cigaal waxa uu geeriyoodey sanadkii 2003

(AHUN) waxa hogaankii dalka la wareegay sida sharciga iyo dastuurkii aan u codeyney dhigayo madaxweynaha manta dalka hogaamiya Mudane Dahir Riyaale Kaahin kana soo jeeda gobolka aan ka soo jeedo ee Awdal.

Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin iyo xisbiga talada dalka haya ee Udub waxay bilaabeen oo ay dardar cusub iyo qawda maqashii waxna ha u qaban,

Waxan xasuustaa safaradii ugu horeeyey ee u wefdi ugu baxo wadamo kale Mudane  Riyaale waxay ahayd socdaladii uu ku kala bixiyey Africa, sida  Djibouti, Ethiopia, sinigal, Ghana, south Africa intaana guul la taaban karo oo midho dhashay kamuu keenin.

Waxa uu socdaal ku tegay Europe United Kingdom, Belguim, Germany, Norway, safarda wax midho ah oo ka dhashay ma jiraan, warshad qiimehedu ahaa $300,000,000 dhagaxeeda uu dhigay oo ilaa hada aan qabsoomin oo Germany baa inoo dhisaya uu yidhi mooye, waxa kale oo u qabsoomay in uu ilko ka soo samaysto Germany iyadoo dadka reer Somaliland dhaman u baahan yihiin wax ilka u sameeya.

Waxan xasuusta safarkii ugu danbeeyey ee uu ugu kicitimay USA safarkaas oo isagana wax ka qabsoomay anu jirin, xataa albaabka laga xidhay wasiirka arimaha debeda mar uu isku deyey in uu soo garaaco albaabka .

Muwaadin xisbiga talada dalka hogaaminaya waxa uu talada dalka hayey waa mudo ku siman 7 sano, wax u qabsoomay oo kaliya waa in dhalintii wadanku qaxdo, aqoontii wadanka bada liibiya iyo Europe u dhaxaysa meydkooda laga soo guro,waxa u qabsoomay waa in dastuurkii iyo sharcigii uu ku yimid laabo, oo kordhin iyo iibiiriya guurtida la weydiiyo dalka lagu xukumo, dimoqraadiyad iyo doorasho la laabo, oo kolba shisheeyey loo yeedho si loo dhex dhexaadiyo mucaaradka, balse miyuu ilaawey in dadka reer Somaliland aanay waligood shisheeye iyo axmaaro ugu yeedhan si loo heshiisiiyo, waa mid nasiib daro ah, sharaftii umadana wax u dhimaysa!!

Muwaadin 7 sano oo xisbiga talada hayaa uu isku deyey in uu Somaliland horumar gaadhsiiyo, waxa uu kasbadey in wasiiradii dawladu marka ay debida u soo baxaan la kulmaan kaliya beelaha ay ka soo jeedaan, si ay u helaan waxooga gacan Marisa, sida wasiirka arimaha gudaha Cirro iyo wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub iskadaa in ay la kulmaan madaxda wadamada ay siyaartan sida aan ka wada warqabno waxa uu wasiirka siciid sulub shir jaraa’id oo ku qabtey caasimada Somaliland markii uu ku noqdey, waxa uu cadeeyey in aanu wadanka ingiriiska cid masuula kula kulmin, balse uu Adis abeba kula kulmey safiirka ingriiska ee jooga adis abeba,kaas oo uu ka codsadey in dawlada ingiriisku wadooyin u sameeyaan Somaliland, waxase la yaab ah, wasiirku waxa uu umadiisa u qaban waayey in uu ka rajeeyo in uu safiir u qabto!!.

Muwaadin waxa is weydiin mudan xisbiga talada dalka hayaa intaa ay soo qabteen todobda sano wax ka badan ma qaban karaan, oo meel u hadhay iyo cid ay wax u sheegi karaan ma jirto, ²dayaxu wuu soo baxaa waanu dhacaa².

Muwaadin waxaa inalla gudboon in aynu ku dhaqaaqno, sanadka cusub iyo talaabo cusub, waxaynu ka war qabnaa in sanadka cusub safarkii ugu horeeyey ee Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ugu kicitimay dalka maraykanka oo aan horey u ogeyn in albaabkii Udub ka xidhmay uu soo farayo,  waxaynu ka war qabnaa in muwaadinada Ilhan Maxamed Jaamac oo xisbiga Kulmiye ah ay ka qayb gashay shirkii ka dhacay dalka Bosnia and Herzegovina Sarajevo,waxaynu ognahay in dalkeenii doorasho ku soo fool leedahay, waxaynu ognahay in dalkeenii qas iyo qalalaase lagu wado oo guurti ha la isku shaandheeyo iyo gantaalo cid loo qabtey aanay jirin kolba meel la dhigayo,waxaynu ogsoonahay in aan dalkeena taladiisa inagu leenahay, oo aynaan cid ku eegi karayn aan u daneyneyn dalka ee iyagu danaysanaya , markaa walaalayaal, bal aqoontiina iyo afkaartiina iyo marxalada dalku marayo, aan isla eegnee su’asha iga soo qanciya.

Muwaadin aniga waxay ila tahay sanadka cusub, in aynu samayno hogaan cusub madax cusub, iyo dardar cusub oo aan dalkeena ku gaadhsiino horumar, hadiise la sii dugsado xisbiga 7 sano wax ku qaban waayey in uu wax inoo qabto, waxay ila tahay in ay ina qabanayso maahmaadii ahayd

ILAYN DOQONI QIIQ KAMA KACDEE DAAMANKAY MEERMERISA !

MUWADIN ilahay sanadka sanadkiisa ha inagu simo inagoo barwaaqo iyo bash bash  ku nool iyo Somaliland oo caalamka laga aqoonsado amiin dhaha

Nuur Buux Gele

ngele32@gmail.com

Web Stats