OGAYSIIS GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO BOOQASHO KU IMANAYA MAGALADA STOCKHOLM EE DALKA SWEDEN

Waxaa booqasho ku imanaya magaalada STOCKHOLM, caasimadda dalka Sweden gudoomiyaha xisbiga UCID, Inj. Feysal Cali Faarax, maalinta jimcada ah ee bishan Janauary 29 tahay, 2010. Haddaba, muddo gaaban, iyada oo uu gudoomiyuhu joogi doono dalka Sweden, waxaa nasiib wanaag ah in uu gudoomiyuhu haysto wakhti uu kula kulmo dadweynaha Somaliland ee deggen Stockholm iyo nawaaxigeeda, maalinta sabtida ah ee bishan January 30:ka ay tahay.

Waxaa uu dadweynaha kula kulmi doona Qolka Rinkebysalen, oo ku yaal folket hus, Xaafadda Rinkeby.

Wakhtigu waa 16.00,  Sabtida, 30 – 01 – 2010

Waxaa dadweynaha si habsami iyo sharaf leh uga codsanaynaa in wakhtiga dhawraan, islamarkaasna uga soo qeybgalaan.

Salaan qiimo iyo qaayo weyn leh

Axmed Cabdillahi Cawaale

Xoghayaha Laanta UCID

Sweden

Web Stats