WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND
Nimankii waxay ula hadleen sacad iyo sucaad ciidanka booliiska ee magaalada dooko ka dibna waxa u yimi daqiiqado ka dib gaadhi ah nooca lineloparka ah oo ay wataan sedex nin oo sodaan ah way salaameen nimankii watay gaadhiga sacad iyo sucaad waxayna ku salaameen salaanta islaamka Asc wr wb sacad iyo sucaad waxay ugu jawaabeen cws wr wb waxay yidhaahdeen wax yar markay waraysteen soo fuula gaadhiga ayey yidhaahdeen waxayna u sheegeen sacadna inuu dusha koro sucaadna shidhka gasho balse way diiday sucaad inay shidhka korto iyadoo sacadna dusha saaranyahay waxay u sheegeen inay dabayl jirto dusha ku dhibaysana sucadna way ku adkaysatay inay fuulayso halka uu ka fuulo sacad gaadhiga dood yar ka dibna waxa dusha koray nin taliyaha saldhiga ahaa oo shidhka saarnaa halkaasna uu sacad shidhkii gaadhiga ku soo galay
Sacad iyo sucaad mudo ka dib waxa lakeenay saldhigii magaalada halkaas oo si fiican loogu soo dhaweeyey oo lookeenay cuntooyin looga sooqaadaayey magaalada hudheeladeeda balse meeshu hadana ahayd xabsi cunto maxaabiseedna taalay balase iyaga lagu qadarinaayey islaanimada iyo wadankooda xaaladaha ka taagan halkaasna ay ku mutaysteen labo cashoo xabsi ah .
Sacad wuxu la xidhnaa niman soodaan ah aadbay ii soo dhaweeyeen marka laga reebo meesha aanku xidhnayn oo aad u uraysay kaadi lagu dhex kaajaayo baaldiyo yaalay daraadeed iyo buuriga tubaako ay ad u isticmaalaan soodaantu oo ay hortaada ku tufayaan
Sucaadna waxay la xidhnayd hablo soodaan ah oo lagu soo xidhay dagaal iyo arimo la xidhiidha waalid adeecid la,aan iyo xidhashada maryaha iwm
Sacad iyo sucaad markii subixii sedexaad waagu baryey waxaa la geeyey maxkamada degmada waxaana la hortaagay qaadiga si loo eego xukunkooda ka dibna waxaa la soo joojiyey edega la taago dadka eedaysanayaasha ah si loo bilaabo dacwadooda waxana la su,aalay ugu horayn sacad su.aalo yaryar oo ay ka mid tahay da,diisa iyo inuu xaas leeyahay iyo in kale waxaanuu u sheegay da.diisa 22 yrs xaasna aanu lahayn waxaa kaloo la waydiiyey intaa in leeg iyana sucaad waxayna ugu jawaabtay da.da 19 yrs xaasna maya ka dib qaadigii wuxuu su,aalay wax sharci ah inay haystaan iyo in kale waxay si wada jir ah ugu jawaabeen inaanay haysan maya .wuxuu qaadigii su.aalay sababta u yimaadeen soodaan
sacad ayaa ugu jawaabay xaalad amni ayaan u nimi sayidalqaadi qaadigii intuu ilmeeyey ayuu yidhi ku soo dhawaada wadanka soodaan waxaanuu wayadiiyey waxay isu yihiin sacad iyo sucaad ma ehelbaa tihiin ayuu waydiiyey waxayna ugu jawaabeen maya ee waan is jecelnahay waxaanu ugu duceeyey inuu ilaahay jacaylkooda ugu guuleeyo
waxaanu u sheegay in aan la celinayn ee loo gudbinaayo xero ku taal magaalo kasala la yidhaado oo lagu ururriyo somalida dhalandhoolka ah iyo ereteriyaanka qaxoontiga ah ka dibna waxa lagu celiyey qolka lagu xidho maxaabiista maxkamada inta ay ku suganyihiin maxkamada halkaas ayuuna askari ku qafilay wax yar ka dib waxa soo hor maray qolkii ay ku xidhnaayeen
Sacad iyo sucaad iyo niman xabashi ah oo kale ninka haysta askarta maxkamada waxanuu arkay sacad iyo sucaad oo ku xidhan halkaas waxanuu su.aalay maxaad ahaydeen? anagu somali ayey ugu jawaabeen markaasuu ugu jawaabay antumul islaam hatil miftaax ayuu ku yidhi mid ka mid ah askartiisa ayuuna ka qaaday furayaashii qolka
waxaanu kaga furay gacantiisa una sheegay inay usoo baxaan laydha wuxuu kaloo ugu diray mid ka mida askartii ka hoosaysay sharaab sucaad sacadna shaah way cabeen wayna istareexeen daqiiqado ka dib waxa lagu celiyey jeelkii degmada si loogu gudbiyo kassala sidiibaana subixii loogu gudbiyey kassala.
La soco qaybta 3aad oo xiiso badan
Qallinkii Sa’id Moh’ed Hirsi
