WAA SIDEE XAALADA CUSBITAALKA GUUD EE MAGAALADA BURCO?WARBIXIN

Waa side xaalada Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco?


Waxay ahayd goor subaxa abaaro 9:30 AM, jawiga waa uu fiicnaa cirkana daruuraha mayeyga ayaa haysatay, dadweynuhu waxay ku raaxaysanayeen cimilada ku gedaaman cirka, qof kasta waxaa u dhaqaaqay hawl maalmeedkiisii caadiga ahaa waxaanu ahayn koox suxufiyiinta ujeedadayadu waxay  ahayd in aanu wax ka ogaano xaalada shaqo ee sidoo kale arinta dhabta ah ee Cusbitaalka maadaama uu yahay goob lagu daryeelo bukaano kale duwan.

Waxaanu soo gaadhnay irida ku xayn daaban cusbitaalka bilicdiisa ayaa ah, mid soo jiidanaysa qof kasta oo jaleeca, waxaana aanan marnaba halmaamikarin hal ku dhegyada ku xardhan wajahada hore ee Cusbitaaka isla markaana ka tarjumaya qiimaha nolasha aadamaha u leeyahay caafimaadku, intaa ka dib waxaanu gudaha u sii galnay cusbitaalka oo aanu soo dhoweyn fiican kala kulanay Madaxda Cusbitaalka iyo Masuulka ugu sareeya Wasaarada Cafimaadka ee Gobalka Togdheer, oo waqtigaa ku sugnaa gudaha cusbitaalka hadaba marka aad jeedaaliso qaybaha kale ee duwan ee cusbitaalka uu leeyahay ayaad arkaysaa si hufnaanta iyo hawl karnimada leh ee wax u socdaan sawirkan iyo kuwa kale oo badan waxay tusaale u yihiin muuqaalka cusbitaalka guud ee Magalada Burco.

Waa cusbitaal balaadhan oo ay ka hawl galaan in kabadan 230 shaqaale Waadhadhka hoostooda waa nadiif hawlwadeenada caafimaadkuna labiska ay ku shaqo gelayaan nadaafad ayaa ka muuqata iyo weliba faya-dhawrka guud cusbitaalka, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaashu waa ay ku filan yihiin daawooyinkuna kuma yara waanu balaadhan yahay cusbitaalku waxaad gudaha ku arkaysaa gaadiidka gar-gaarka deg dega ah oo diyaara hawshooda, dadyawga kale duwan ee ku nool Magaalada iyo Gobalka guud ahaan waxay soo dhoweynayaan sida ay wax u soconayaan sidaa daraadeed socodkayagu waxaa uu noqday xilli xaalada guud ee cusbitaalka lagu sifayn karo mid isku filan.

Hadaba cusbitaalka Magaalada Burco oo ka mida kuwa ugu waa wayn uguna qadiimisan cusbitaalada Somaliland ayaa soo maray marxalado kale duwan waana mid hada lagu tilmaami karo kaalin mug leh ka qaadan karo daryeelka caafimaad ee dadweyanaha reer Burco, waxaase su’aashu tahay horumarka intan le’eg uu qaaday cusbtaalka yaa u sababa?

Shaki kuma jiro inay ganacsatada reer Burco kuwa ugu ladan ama ugu jeebka rooni kaalmo mug leh ufidyaan cusbitaalka waxaa iyana caawiya qurba jooga reer Togdheer, gaar ahaan kuwa ku dhaqan wadamada UK, iyo Scandanavianka, sidoo kale hay’adaha samafalka ee ka hawl gala deegaankan ayaa taakuleeya cusbitaalka gaar ahaana hay’ada COOPI, waata sahashay in aanay caajisin shaqaaluhu waxaanay tuurta u ridatay gunooyinkii hawlwadeenada cusbitaalka waxaa jira hay’ado kale oo ay ka mid yihiin WFP, WHO, MEDAIR,  oo iyaguna aan ka maqnayn waxtarkan.

Arintan si kastaba ha ahaatee hadii dhinaca kale loo dhigo waxaa jira qaybo agabkii lagu hawl geli lahaa aanay ku filnayn, qaybta qaliinka deg-dega ahi waxa ay ka mid tahay kuwa aanu agabku u dhamaystirnayn, waxaase shacabka Burco laga sugayaa inay u huleelaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen sawirkan muuqaalka fiican haday taasi dhacdana waxaa uu ku danbayn doonaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco mid looga soo hayaamo guud ahaan dalkan Somaliland iyo dibadiisaba .

Diyaariye: Cabdisitaar Sabri

cabdicabdilaahi@hotmail.com

Web Stats