ASBAABAHA BARAKEEYA GURGA IYO NOLOSHA. BY : SH.XUSSEN SULUB FINLAND

ASBAABAHA BARAKEEYA GURGA IYO NOLOSHA

1-QURAAN AKHRIS: Guriga oo Quraanka lagu akhriyo Nebiga NNKH waxa uu yidhi guriga lagu akhriyo quraanka Malaa’igta ayaa degta Shaydaankuna wuu ka cararaa kharkuna wuu u bataa

2.ALLE KA CABSI: iyo Ilaahay oo la rumeeyo ilaahya scw waxa uu yidhi hadii Dadka ku nool Qaraya ama Magaalo ay ilaahay ka baqaan oo rumeeyaan waxaan u furaynaa Barokooyinka Dhulka iyo Cirka

3-BISINKA ALLE: oo waxkasta lagu bilaabo hadii aad tidhaa marka aad wax Cunayso iyo marka aad Gurigaaga galayso bismilaah shaydaanku waxa uu yidhaa gurigiisii wuu inaga soo xidhay qado iyo cashatoona kuma lehin ee inaga keena

4-CUNTADA OO JAMEECO: lagu cuno Nebigu NNKH waxa uu yidhi Jameeco wax ku cuna oo ha kala qaybsamin Barakadu waxa ay ku jirtaa Jameecada Cuntada midka waxay ku filan tahay laba ta labadana saddex

5-SUXUURTA:Nebigu NNKH waxa uu yidhi Suxuurta ,Suxuurta waxaa ku jira Barko waa Soonkee

6-BIYAHA SAM-SAMKA: Nebigu NNKH waxa uu yidhi Biyaha Sam-samku waa biyo barakaysan oo Daawo ah ee caba

7-ISTIQFAARKA: oo la badiyo Nebiga NNKH waxa uu yidhi waxay badiyaan Barakada qofka Caadaysta  Istifaarka ilaahay dhibkasta kasta oo haysta wuu ka saaraa meel aanu filayn wuu Arsaaqaa

8-LAYLATU QADRKA:Habeenkiisa oo ka khayr badan kun Habeen

9-LABADACIIDOOD: u soo bixidooda waxaa ku jirat Barko

10- MAALKA XALAASHA AH: barako ayuu leeyhay Ilaahay wuu fiican yahay ma aqbalo wax aan fiicnayn, Sahal waxa uu yidhi ilaahay haw naxareestee Cunista Xaaranta waxa ay kentaa in jidhkaagu diido khayrka Cunista Xalaashana waxay keentaa in lagu waafajiyo kharka Jidhkaaguna ogolaado khayrka

11-BADINATA ALXAMDULILAAH: ilaahay waxa uu yidhi haadaad nagu shukridaan waan idiin siyaadin

12-RUNTA: oo la sheege Nebigu NNKH waxa uu inoo sheegay in Runtu ay damiso Cadhada Alle

13-BAARINIMADA WAALIDKA: iyo Ehelka oo la xidhiidhiyo khayrka ayay badiyaan

14-KALAHAADA: Nebigu waxa uu yidhi markaad risiqa dalbaysaan u kalaha

15-GUURKA: iyadoo la guursado waxaa ku jirto Barako

16-SALAADA: oo la tukado waxa ay leedahay fadli badan cidhibta danbe waxaa leh Dadka Tukada

17- ILAAHAY OO LA TALO SAARTO :Nebigu NNKH waxa uu yidhi hadii aad ilaahay talo saaran lahaydeen xaqa uu u leeyhay in la talo saarto waxa uu iidiin arsaaqi lahaa sida uu u arsaaqo Shinbiraha waxay baxdaa iyadoo Caloolahoodu madhan yihiin waxa ay soo noqotaa iyadoo Calooshoodu buuxdo

جعل الله حياتكم مباركة أينما كنتم وجعلني واياكم من الخالصين المخلصين المتوكلين علي الحي القيوم .

اللهم أمين

اللَّهُمَّ اجْعَلْ عَمَلَنَا كُلَّهُ خَالِصَاً لِوَجْهِكَ الكَرِيمِ

وصلي اللهم وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي أله وأصحابة وأتباعة بإحسان الي يوم الدين

والحمد لله رب العالمين.

Xuseen sulub jama

husseinsulub14@yahoo.com

Finland

Web Stats