DADKA WAX QORA QABYAALADA HAWGA DHEERAADAAN SIDA GUDOOMIYA UDUB E DALKA QATAR.W.Q;MUSTAFE ILEEYE

Qoraalka uu soo qoro qofka bini aadmiga ahi waa mid keeni kara khasaare iyo faa’iidaba mana garankartid hadalka qofku inuu dhadhami doono sida uu dhadhamo qoraalkiisu. Anagoo kala ah dadka reer LIVERPOOL UK magacyadoodu hoos ku qoranyiin si xiiso leh ayanu u akhrisana qoraalka Gudoomiyaha UDUB qatar Mr. Sanwaa Cumar Yare. Dhawaan ayay waraysi la yeelatay shabakada weyn e Oodweynenews marki aanu dhagaysanay waraysigisii judhiiba wuxu afka ku dhuftay Shabakada Hadhwanaag inuu jecelyahay taasi oo noo xaqiijisay Inuu yahay shaqsi ka run sheega dookhiisa Qabyaaladina ka dheertay. Intaas waxa noo dheer miisaanka hadalkisa iyo codkarnimada ilaahay ku manaystay taasi oo nasii jeclaysiisay Gudoomiye Sanwaa taageeradayadiina sii laba laabtay Sanwaa Guulayso waligaa.

Sidaanu ka maqalnay dad wax kasheega Gudoomiyaa, waa nin kasoo jeeda Gobolka Oodweyne hadana shabakadi laga waraysanyay oo ay isku reer yihiin ayuu u sheegay inu jecal yahay Oodweynenews iyo Hadhwanaagnews labadaba. Dadka reer somaliland ayaanu ku dhiiri galinaynaa inay ku daydaan Sanwaa iskana ilaaliyaan Shabakadaa ay reer ahaan u jecelyihin iyagoo amaanaya dhaman shabakada ay isticmaalan si loo helo kalsooni lagu qabi karo shabakad kasta.

Anagoo soo gunaanadayna qoralkayaga, mahad gaara ayaanu hawada u marinaynaa Gudoomiye Sanwaa, dhaman shaqaalaha shabakadaa Hadhwanaag iyo Oodweyne oonu la qabno Gudoomiyaa inay yihiin kuwo ula dhaqma dadka reer Somaliland si isku mid ah qofkastana siiya xoriyatal qawl. Ha noolaato Somaliland ha noolaato Hadhwanaag oo ha jirto oodweynenews.

MACA SALAAMA

QALINKA DIYAARIYAASHA MAQAALKAN:

Mustafe Ileeye Axmed.

Hibo Xuseen Khayre.

Kaltuun Aw Yoonis.

Axmed Cali Dhunkaal.

Faysa Aadan (Ina Gabay).
Maxamed Cayngal .

Caasha Farxaan Amiin.

Ibraahin Muse Cawaale.

LONGLIVE SOMALILAND
Liverpool, Uk

Web Stats