SANWAA HA LOOGU DHAARTO IN AY SOMALILAND DAWLAD TAHAY EE AYNA AHAYN BEELO.W/Q:CALI CIISE
Marka hore waxaan salaamaya saxaafada xorta ah ee Somaliland, inta kidib waxaan aad uga naxay yarka Sanwaa ee miskinka ah ee ay UDUBtu qafilka ku xidheen ee ay furihiina ka qaateen waxaad mooda inaanu la socon waqtiga iyo waayaha Somaliland oo u hada soo toosay, xallkiisina noqday in u beelaha walaalaha ah ee wada degan Somaliland isku diro oo wax berri hore laga ilbaxay u maciin moodo isaga oo ay cadho xuni ka muuqato iyo muraaro dilaac u ka qaaday xisbiyada mucaaridka sida loo soo dhoweeyo markay wadanka ku soo noqdaan halka Ina Riyoolena la qariyo marku wadanka imanaayo sidi qof tahriibah oo wadan kale jooga.
Hadaba waxaan ku sheegaya Sanwaayow Beelaha Somaliland way ka koreen isku dir iyo hadal miskiinimo oo la iskaga hor keeno ee yan saxiib trainku ka tegin Somaliland way dhaqaaqday oo hadal xumo iyo waxa ay UDUBTA waqtigeedi dhacay wado waxba u noqon mayso ee adigu ciil iyo cadho ha u dhiman saaxib.
Somaliland ha noolaato kuwa beelaha xumaanta la doonayana ha dheceen.
Caliciise uk
