WAAYA-HAAN SALUUGAYE IGU SOO SIRGA-CANAA!
Marka hore waxan halkan ka salaamayaa in allaale intii ka soo qayb gashay dooddii Mr s.c.dhiin, oo aan lee-yahay waa mahadsan tihiin, cabdulqani, qoorgees, m.tiriigle iyo dhamaan akhrista-yaasha mareegtan, wxana aan si gaar u salaamayaa Mr dhiin oo isga badka soo dhigay fekredo ah wadaninimo, kuwaas oo ka madax banaan waxa ay isku eryadaan kuwa u garaaca sacabka mucaarid iyo muxaafidku, waxay ku koobnayd oo keli ah bal siiddii wax wada jir ah oo loo dhan yahay la isula eegi lahaa iyada oo danta guud laga shidaal qaadanaayo, malaase dadka qaar ka mid ah baa u arkay in aanay la jaan qaadi karin arimaha xag-jirnimo ee ay ku soogan yihiin, taas oo ka dhigtay in ay dib isaga taagaan in ay ka dhiibtaan waxa ay la tahay, waayo sababta uu qoraagu u inoo soo hor dhigay-ba waxay ahayd falan-qaynta danaheena iyo talo wadaag la isu keeno maskaxo badan bal in ay xal laga helo, lagana baydho xumaan haddii ay jirto oo la isku raaco, waxase aan arkaa in ay rag badan ka bariiqatay, kana murkucatay, una jeedin wax toosin ee ay meeli u cadahay dhinacyada isku lisaaya ee loo yaqaano mucaarid iyo muxaafid, waana midh subxaana la’ in la isku af garan waayo, oo xataa la diido in laga wada hadlo, lana saxo khaladka la xalaa-laystay ee inaga dhigay halka uu ruux kastaaba og yahay, taas oo muran ah, is haysi, kala lulud, xamaga la isla ledo, oo uu mid-ba ka kale siddii mas diklaa ah uu qoorta is kaga duubo, isaga oo isku deyaaya in uu ciijiyo ka ay ku kala duwan yihiin amuuraha ku kala xidhay cadeed ka soo bax iyo ka dhac, ee ay mar qudha isugu garaabi la’ yihiin, waa nasiib daro weyn in umada reer somaliland aanay intooda badani yihiin kuwo aan dooc iyo dareen midna aan la socon waxa laga wado hareera-hooda kuwaas oo ah xoola raacato, kuwii wax ka dhaadhicin lahaana ay yihiin kuwaa aan salaanta iska qaadayn, ee aan eray-ba isla dhaafi karayn, wuxu yidhi laf cambe:- waa duni ninkii aad ahaa, aakhiroow kacaye, waa duni la kala iibsadoon, nala ogaysiine, waa dini wadaadkii adimay, eedo laga sheegtay, Sidaas awgeed ma jirto cid ka baari ah wax la isku masabi-daayo ee la kala sheegaayo, maadaama uu sheekhii al-laahu- akbar yidhi daalac loo raacay, oo la lee-yahay maxaad noogu qayli-naysaa dhegaha nooga bax uma baahnin waaniyo wax u sheege, markaas haba sugin in dalka iyo dadka wax khuseeya ama inaga dheexya, oo inoo dan ah la iska maqlo, nin walbana gees u faquuday, oo uu meel u gaar ah uu qool loo samaystay ku shakaalan yahay siddii qaalin iib ah oo saylad la keenay, waxa aan shaki ku jirin in ay wax aan dhici karin waan-waan la isugu yimaado, iyo isu caqli celini wax la kala qaataa, ee uu qof waliba uu mid kale u faruur xidhan yahay siddii awr gaabis ah oo la rabo in uu daba rax-leeyo ka hogaanka ku wata si aanu meela uga tegin ee uu edeg ugu xarays-naado had iyo jeer inta uu ka gaadhaayo ujeedada uu ka lee-yahay ee dabeed uu debeda u tuuraayo marka uu ka dhigo kuuf laga dhamaystay goosarad timira, kuwa sdaa inoo galay ina kala qaybiyey, ee uu midba maalinta ay sartu ka xun tahay uu qaylo dhaan ka wadhaayo si uu u guubaabiyo umada oo ay u kacaan, isaga oo ku gasaan-gasaaya wax baa jira, kuna raad gadanaaya dalku khal-khal buu ku jiraa ee aynu mudaaharaadno, dabeed ay mur qudha isla sare kacdo kuna dhintaan dad bilaa denbi ahi o waan waxba galabsni, iyak oo lgu galaafto dan gaar ah oo nin iska wato, raban in uu ku maxaafsado reer hebel iyo doorasho kii helaa toona aanu wax naf ah o uu inoo hayaa jirin haba yaraatee, laakiin salaan uu u fuulo amuuraha isaga kaga xidhan inoo isticmaalaaya ujeedo qarsoona ka wata waxa ayku hodayaan shicibku, oo tiisa mooyee wax kale oo aan ka filaa ama ay tahay sheeko munaafaqad la inaku kala dilaalaayo mooyee, iyada oo laguugu sheegaayo siddii waxa uu maleegayaa kursi doon, hadhoowna uu ay tahay ishii aragtaay burur aan dib loo arkayn. Nabadra sibraa igaga yaal,iyo dhiigan sibiq leeyey,sakalaha kuwaa igu ridiyo, seetadan i gooysay,surmigiyo haraad kuwa na baday,ee saafay hilib-kayga, saymo oodan kuwaa igu furee,”khalad” saxii mooday,sabool-kiyo kuwaa maataddii,silica sii raacshay,soortii kuwaa naga jaree,deeda noo saaray,,saxariirka maruun baan ka bixi,subax an dheerayne,u samraay ayaamaha siciid,saxalku wuu tegiye, Waxa ka sii daran qurba jooga haddii aan nahay bal inaku kuwa foodaaya ee dalka jooga ma nihin waana ay u badanahay kuwa isku sii dira ee isku dhidhiya, a hano ilaa imika nin kala qabta oo runta u kala sheega, mucaarid iyo muxaafid midna ma qabnaayo ka uu taageeraa marka uu khaladka samaynaayo ee waxan ku siinaa gacan iyo dhiiri gelin weyn, inaka oo sii buunbuunina,wax yaabaha dhacayaa ee a sartu ka qudhinsan tahay, bal u fiirsada mareegaha ku abtirsada somaliland sida ay u dhan yihiin waaynu la kala safanahay, bel ahaan, idaoo aan hoosta ka wadno nin jeclaysi aan meel inoo wadayn, faa’iido ay lee-dahayna aanay jirin, waxa keli ah ee ay keentana waakala durug la sii kala fogaado micn la’aan ah, dhashana in cirka ku laasho rajo wacan oo wax kuool ah, iyo in cagta loo dhigo dhibta taagan ee kolba noqta kud ka guur oo qanjo u guur iyo diriq iyo rero kla rar n aan loo baahayn ay xumaato, cuqdad, cadaawad la kala weji dadbaa ay noqoto dhaalka laga helaa,hadba goorta aynu ka waantoobayno idnka ba sheegi doona sidani si maaha’e, waa in aynu wax ka bedelaa, haddii anyu rabno in ay wax hagaagaan. * N.B Intaan lagu dagin is garo waa digniin dhab ahe.abdi-shotaly,
