CIIDAMA DENMARK OO XOOG KU SOO FURTAY MARKAB LAGA ABDUUBATAY MAANTA GALINTII HORE.
Ciidamo marinasika dalka Denmark ayaa xoog ku galay markab laga leeyahay dalkaasi oo ay qafaasheen kooxo burcad badeed Soomaali ah.
Dhacdadan ayaa ka dambeysay markii koox burcad badeed ah ay afduubeen markab laga leeyahay Denmark hase yeeshee ku gooshayey calanka dalka Barbados.
Markabkan oo ahaa nooca ganacsiga ayaa lagu magacaabaa Ariella waxaana burcad badeedu afduubtay gelinkii hore ee Jimcihii maanta xilli uu ku sii jeeday Gacanka Cadmeed.
Afhayeen u hadlay ciidamada Europe ee la dagaalanka burcad badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya John Harbour oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in marki markabka Ariella la afduubay uu gurmad weydiistay ciidamo Danish oo ka ag dhowaa goobta iyadoo ciidanka badda ee Denmark ay si deg deg ah uga jawaabeen dalabkaasi.
Markab dagaal oo lagu magacaaboAbsalon oo kaashanaya diyaarad helicopter ah ayaa ciidamo gaar ah oo deg deg ah u diray markabka si ay burcad badeeda uga furtaan, kuwaasi oo rasaas digniin ah ku riday burcad badeeda oo iyaguna goobtii ka cararay.
Waxaa afhayeenku sheegay in ciidamada Denmark ay u suuragashay inay soo fasaxaan markabka iyo shaqaalihiisaba.
Shaqaalaha saaran markabka oo tiradoodu ahayd 25 ruux ayaa galay qol gaar ah oo la yiraahdo ‘qolka amaanka’ illaa ay u yimaadeen ciidamada u soo gurmaday.
Waxaana markabka laga baaray inay burcad badeed kale saaran tahay, iyadoo markaasi ka dibna markabka Ariella uu sii watay safarkiisii.
Waxay dhacdadan lagu tilmaamay midii ugu horeysay oo ciidamda Midowga Europe ay burcad badeed xoog kaga furtaan markab ay afduubeen.
Baashe Maxamed
Bosaso
