“AXMED SIILAANYO XIL UMA BAAHNA EE XANAANO AYUU U BAHAN YAHAY ” M. JAMAC ABGAAL.
Maxamed Jaamac Abgaal oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee xisbiga talada dalka haya ee Udub ee gobolka Awdal ayaan sheegay in Gudoomiye Siilaayo uu u bahan yahay in la xanaaneeyo maadan oo uu imanka da yahay sidoo kalena waxa uu sheegay in ay iminka tahay doorkii dhalin yarada uuna iskaga hadho tartanka uu kursiga u tar tamaayo.
Mr Abgaal waxa uu maanta sidaasi ka sheegay shir jaraaid ku qabtay huteel Rays oo ku yaala magaalda Borame,sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay golaha guurtida taas oo uu ku sheegay in uu ahaa golaha uru sareeya golaha waxanuu sheegay in ay ugu wacan tahay khilaafka markii loo badalay in booska ruux baneeyo ama ka dhinto dhaxal laga dhigay
Mar uu ka hadlaayey Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in aanuu maanta xil u baahnay ee uu u bahan yahay xanaano taas oo uu sheegay in uu yahay oday wayn oo qadarin inaga wada mudan.
“Maanta Axmed Siilaanyo xil uma baahna ee xanaano ayuu u bahan yahay , iyada oo ay xaqtahay in kolba xilka cidi qabto waana arin dastuuri ah ”
Sidoo kale waxa uu dhaliil u soo jeediyey golaha wakiilada taas oo uu sheegay in ay sharciyadii lagu kala hagi lahaa dalka sida sharicaga guurtida lagu soo dooranayo oo kale ayanay wali samayni taas halka uu yidhi waqtigii ay dalka wax u qaban lahaayeen waxay ku dhamaysteen is qab qabsi iyo iska daba wareeg.
Warqabadka Togaherer
Hargaysa
