JEEL IYO JACAYL, SACAD IYO SUCAAD (QISO DHAB AH )QAYBTII 3-AAD
Jeel Iyo Jacayl, Sacad Iyo Sucaad (Qiso Dhab ah).Qaybtii 3-aad
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND
Waxaanu kaga furay gacantiisa una sheegay inay u soo baxaan laydha wuxuu kaloo ugu diray mid ka mida askartii ka hoosaysay sharaab sucaad sacadna shaah way cabeen wayna istareexeen daqiiqado ka dib waxa lagu celiyey jeelkii degmada si loogu gudbiyo kassala sidiibaana subixii loogu gudbiyey kassala. Sacad iyo Sucaad waxay ka baxeen magaaladii Dooko waxayna maalin ka dib gaadheen magaalada shariifeyn ee ka tirsan kassala markay siimareen magaalo lagu magacaabo showka oo ay habeen u hoydeen .
Waxay ugu tageen magaalada Shariifeyn Soomaali gaadhaysa ilaa 400 oo qof, isla markiibana waxay bilaabeen Sacad iyo Sucaad inay si gooni-gooni ah u waraystaan dadkii ay meesha ugu tageen. Sacad wuxuu u wardoon-tagay xaggii Ragga markuu Baabuurkii ka degey, halka ay Sucaadna bilawday inay la kulanto Haweenkii halkaa ku sugnaa, waxaanay ogaadeen Xog-waraysiyo badan ka dib in meesha noolasheedu aad u adagtahay xaga cuntadeeda iyo Jiifkeeda.
Cuntada halkaa lagu cunaa waxay ahayd kaliya Biis lagu soo qaado Dameer dushii, kaasoo haddii la hordhigo cuntadaa uu sidona aanu cunayn Dameerku, halka jiifkana ay kaga seexdaan dadka meesha joogaa Jawaanno, qaarkoodna, halka qaarkoodna aanay Ciidda Dhulka waxay iska xigsiiyaanba haysan, ku darsoo meeshuna waa meel aad u boodh badan, muddada la joogaayana ay tahay muddo ilaa 2 bilood gaadhaysa inta laga helaayo warqad laga qaato Kassala. Markaad waraaqdaa hanatana aad u gudbayso magoolo lagu magacaabo Sitow Cishiriin.
Sidaa daraadeed, waxaa naftiisa la yara sheekaystay Sacad oo is waydiiyey meesha si kale ma lagaga bixi karaa wakhtiga oo dheer, run ahaantii qof socdaal ahna hal habeen inuu meel joogo waa wax ku adag, waxaanu ogaaday inay jiraan dad iska lugeeya ilaa Sitow-Cishirinka meesha lagu magacaabo dad ku dhex dhuunta Gaadhiga marba la saaro dadka hela Waraaqda lagu gudbaayo. Labadaas arimoodba way ku adkaadeen Sacad, waayo? waxaa la socota qof Dumar ah mana awoodo inuu lugaysiiyo amaba ay ku wada dhuuntaan Gaadhiga dhangadaha hareeraha lagala taaganyahay ee dadka qofka ku dhuumanaya haddii lagu qabto dhangada lala dhacaayo.
Haddaba, waxaanu go.aansaday Sacad inuu iska sugo wakhtigiisa, iyadoo dadka yidhaahda waan is-qabnaa muddo ka yar muddada dadka kale lagu siiyo Waraaqda, waxaanu u tagay Sucaad oo ku yidhi waxaan odhanaynaa waan is-qabnaa, ka dibna sidiibay kuwada tashadeen Sacad iyo Sucaad, go’aan wada-jir ahna iskula qaateen.
Sacad iyo Sucad intay joogeen magaalada Shariifeyn waxay la kulmeen ciqaab hal maalin ah oo aad u badnayd oo ay suuxday sucaad markii halsaac cadeed jilbaha loogu hayey ulna dhabarka lagala dhacaayey. Ciqaabtaas oo aan ahayn mid ay mutaysteen iyagu, balse ay la qabeen dadka Soomaalida muhaajiriinta ah, oo si guud loo ciqaabay, gaar ahaan kuwii Xeradaa ku sugnaa oo dhan, ka dib markii labo nin oo Ereteriyaana lagu dilay Masjidka ku dhow Xerada, kuwaasoo ay Niman Soomaali ahi ku dileen oo ka mid ah dadka dhalandhoolka ah ee Tahriibka ku marayay halkaas.
Waxa dilka labada Nin ee Ereteriyaanka ahi ka dhashay ay isku arkeen Masjidka dhexdiisa, isla markaana ay su.aaleen Soomaalidii ma wayso qabtaan, ka dibna ku jawaabeen nimanka Ereteriyaanka ahi haa ka dibna waxay kuwii Soomaalida ahaa su’aaleen ilaa Soomaalidu waa sunta Hargaha’e sidee loowasaystaa markaasay garan waayeen, ka dib waxay yidhaahdeen ka baxa Masjidka Gaalayahay nimankiina intay yaaceen ayey ku dhaceen god dheer madawga wakhtiga oo habeen ahaa awgii. Godkaas oo ahaa ceel markaa Biyaysnaa ama ay biyo ku jireen, waxaanay labadii Nin ee Eretarian-ka ahaa mid ka mid ahi ka jabay Dhabarka, halka ka labaadna ka Dhintayba.
La soco qaybta 4aad ee Sheekadan oo aad u xiisa-badan
Sa’id Moh’ed Hirsi
(kuuriya777@hotmail.com)
Sweden
