XIDDIGUHU CISMAANOOW HALKII XALAY MAJOOGAAN
XIDDIGUHU CISMAANOOW HALKII XALAY MAJOOGAAN
Maqaalkan wuxuu jawaab u yahay qoraal uu warbaahinta ku qoray ninka lagu magacaabo Mingiste 03/02/2010i. Qoraalakan oo cinwaankiisu ahaa “Waan akhriyay qorshaha waxqabadka ee Xisbiga UCID, Xaalada dalkana waxba kalama socdo”
Mingiste maaha markii ugu horeysay ee maqaaladan naxliga xambaarsan uu qoro. Waxa hore u jiray maqaalo taxane ahaa oo cinwaankoodu ahaa “Xaalada dhabta ee Xisbiga Kulmiye” oo ahaa maqaalo uu ku dhaliili jiray Kulmiye. Waxaa kale oo la xusuusan yahay inuu raali gelin ka bixiyay maqaaladaa, haddii uu xaqa ku taagnaa muxuu raaligelinta u bixiyay?
Waxa kale oo uu dhaleeceeyay Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga UCID oo uu qoray aqoonyahano uu horkacayo Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo ah nin Mingiste ka aqoon, siyaasad iyo dadnimo badan. Sida la ogyahay dhamaan, muxaafid iyo mucaaradba loo arkay inuu yahay talaabo geesinimo ah oo Xisbiga UCID ku talaabsaday loogana baahan xisbiyada kale inay soo bandhigaan barnaamijooda siyaasadeed.
Wa kuma Minigte?
Migiste waxa ay balwad ka noqotay inuu warbaahinta ka caayo xisbiyada mucaaridka ah aadna u taageera Xisbiga UDUB.
Waraysi uu siiyay Bishii Juun ee kal hore, Tifatiraha Qaarada Yurub ee Shebekada Somalilandpatriots.com, Xirsi Cismaan wuxuu Mingiste sheegay inuu xubin ka yahay Golaha Dhexe ee UDUB, markaa side buu dhexdhexaad u noqon karaa? Waa nin qandaraas ku qaatay inuu aflagaadeeyo xisbiyada mucaaridka ah. Weli lama arag meel uu wax kaga qoray Dawlada iyo Xisbiga UDUB.
Mingiste waxaan kula talinayaa, suxufi la iskama noqdee, cilmi iyo aqoon bay u baahan tahay ee ASKER Norway iskuul ka gal, si qalinkaaga curdinka ahi u qaangaadho.
Waxaan ku soo gunaanadayaa arrinta Mingiste oo an leeyahay
xiddiguhu cismaanoow halkii xalay ma joogaan .
waa : xoghaynta saxaada yurub ee xisbiga UCID oo idin leh
ilaahaybaa mahad iyo maamuusba iska leh
