KOMISHANKA SOMALILAND DOORASHADII MIYAY ILLAAWEEN MISE JAB BAY MAAGAN YIHIIN?W/Q;XAMSE CABDI IBRAAHIM

ugu horrayn waxaan salaamayaa saxaafada sida sida hagar la’ aanta ah somaliland ugu shaqaysa iyo weriyaashooda meel kastoo caalamka kaga sugan yihiin sxb yaal waxaan jecelahay inaan maqaalkaygan ku falanqeeyo bal kaalinta ay komishanku somaliland kaga jiraan iyo sida aad moodo iany khabar maa fishka u yihiin .

waxaa beryahan gobollada somaliland laga dareemayaa dhaqaaq ololale ah uu xisbiga udub si qarsoodi ah uwado iyadoo aan komishanka wax ogalaansho ah laga haysan komishankuna mooji inay arrintaa ogyihiin iyo inkale waxaa loo baahnaa inay kahadlaan xaaladaha noocas oo kale ah horana udub waatii olalaha isaga bilawday iayadoo lays haysto .

kollay anigu dhaliili maayo komishinka cusub laakiin waxay iga tahay baraarujin iyo talo talada oo aad urursataana adiga ayay ku anfacaysaa waxaan kaloo sxb yaal idinkula talinayaa inaad xilakaa culus ee laydiin igmaday aad sidiisa uga soo baxdaan oo sidaacad umada insha allahudoorashada fooda inagu soo haysa ukala saartaan ilaahna wuu idinla qabanayaye .

waxaan kaloo sxb yaal idinkula talinayaa inaad hadashaan oo aad saxaafada u sheegtaan waxa idiin qabsoomay iyo wax idinka qabyada ah taasi waxay inoo horseedi doontaa guul iyo barwaaqo idinkana sharaf iyo magac ayaad insha allaah ka heli doontaan .

waxaan kaloo sxb yaal idinkula talinayaa inaad siwada jir ah uwada shaqaysaan oo aad isku duubnaataan waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (fari foolmadhaqdo) waxay kaloo ku maah maahaan(gacmo wada jir bay wax kugooyaan) labadan maah maahood waxay is bar bar dhigayaan guusha ay isku dubnidu leedahay iyo xumaanta tafaraaruqu leeyahay .

waxaan kaloo sxb yaal idinkula talinayaa inaydaan samayn waxyaalaha dalkeena burburka uhorseedi kara ee ay kamidka yihiin laa luush iwm oo aad qaadataan.

ugu dan bayntii waxaan sxb yaal hadalkayga ku soo gunaanadayaa dalku maanta idinkuu idin sugayaa waxaan lafilayaa sida aad wax tidhaahdaan waxaan rajaynayaa inay inoo hagaagto in sha allah somaliland maanta idinka ayaa mustaq balkeedii gacanta ku haya waxaan idinkaga tegayaa nabadeey iyo doorasho xalaal ah oo aad dalka kaqabataanwasalaamu calykum warxma tullahi wabarakaatu

best wishes

xamse cabdi ibraahim

xamse_4@hotmail.com

Web Stats