MAANSO LA YIDHAA DHULKIINA AAMINA ABWAAN HAMSE RIIRAASH

Dhulkiina aamina maanso gaaban

Maansadan aan u bixiyay dhulkiina aamina runtii waa maanso aan ugu talagalay in bal dadka aan u sheego siday dhaqanada shisheeyo iyo galbeedkuba dhalinyaradii u asiibtay inkastoo maansada tani aad u gaabantahay hadana waxaan ugu talagalay in dadbadani aamini doonaan in dhulkoodu u ka qiimo badanyahay wadamaada yurubta iyo maraykankaba waxayna ku bilaabmaysaa sida tan

Dhaqanadan shisheeyoo dhafakaarka keentay

Dheelmisoo halowdoo dhulkeena soo gashay

Dhalintii asiibtoo dhulalkale ku beertay

Si kastay u dhacdaba waa dhaqan gadoomis

Dhaayeheenay aastoo dhuyaalbay abuurtee

Dhilowyahan sidiisay dhawr jeer ka yeeshee

Dhaxalkii awoowana dhabay u aastee

Si kastay u dhacdaba waa dhaqan gadoomis

Dhabarkay garaacdoo waykala dhantaashee

Dhuwrwaabay abaartay dhoobada cunayee

Dhibaatay samaysoo dhursugtay ilowday

Si kastay u dhacdaba waa dhaqan gadoomis

Dhoobay u ururisoo dhagahay istaagtee

Dharagay ka qaadoo dhowdhow abuurtee

Dharkalana la xidhayoo dhaqankeen laga dhoof

Si kastay u dhacdaba waa dhaqan gadoomis

Dhoohnaan la aadyoo dhege beel la noqoyee

Dhirtii la go’yoo lala dhacyay go’dintii

Dhaqaalo lugu waalyoo la isku wada dhantaalmee

Si kastay u dhacdaba waa dhaqan gadoomis

Dhamaantiin istaagoo dheemalkiin lasoo baxa

Tahriibtan dhanxiirkana dhabtii u joojiya

Dhowrsanaanta muujooo dhulkiina aamina

Xamse riiraash

Web Stats