WAA SIDEE XAALADDA GUUD EE CISBITAALKA MAGALADA BURCO.

WAA SIDEE XAALADDA GUUD EE CISBITAALKA MAGALADA BURCO.

Warbixin By:Xamda Smart

Cisbitaalka guud ee Magaalo Madaxda G/Tog-dheer ee Burco oo ka mid ah Cisbitaalada ugu Faca iyo Taariikhda Waynle marka la Eego Dhanka baaxadiisa iyo waliba Dhismaha uu ku Fadhiyo, Gobolada kale ee Somaliland Marka laga reebo kan Caasimada Hargaysa,
Ayaa hadaba mar aan maanta Booqnay aniga iyo tiro Wariya yaal ah, waxaanu kula kulanay qaar ka mida Shaqaalaha ka howl gala Cisbitaal ka iyagoo sharaxaad guud Naga siiyay xaalada iyo adeegyada kala duwan ee uu Cisbitaalku Qabto.

Waxaana ka mida ahaa Dadkaasi nooga warbixye Cusbitaalka Marwo:Aamina Abokor oo ka shaqaysa Qaybta Emergencyga, waxayna markaa Iyadu faah faahin naga siisay xaalada guuud ee Cisbitalka iyo howlaha uu fuliyo iyo waliba
Dadka ugu badan ee ay Wakhtigan Qaabilaan, sidoo kale Dadka ku sugan siday xaaladoodu tahay iyo waliba Qaybaha uu ka kooban yahay Cisbitaalku…

Hadaba Marwo Aamino oo aanu wax ka Waydiinay bal inay jirto cida hada Gacanta ku haysa fulinta Howlaha Cisbitaalka iyo Qalabaynta Waxaa ay noo sheegtay inay haatan gacanta ku haysao howlahaa cisbitaalka oo dhanHAY’ADDA COPY.

Sidoo kale waxanu isla goobta kula kulanay oo aan waraysi la yeelanay ,mudane ibraahin C/laahi oo isagu ah ama ka howl gala Qaybta JAJABKA RAGGA.Waxa uu noo sheegay in dhaawacyada ay Qaabilaan haatan ay ugu badan yihiin Dadka ku Dhaawacma shilalka isagoo ka dhawaajiyay inay soo gaadheen Dhaawacyadii ku wax Yeeloobay Qaraxyada ka dhaca Magaalada Laas_caanood Waloow uu sheegay in laga Wareejiyay ku wii u Danbeeyay Maalintii shalay.

Si kastaba ha ahaatee Xaalada Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco ayaa ah mid aad u Degan iyadoo markaanu indha indhayn Guud ku samaynay Beeshinada iyo waadhadhka ay Dadku jiifaan Haatan ay Melaha Qaar iska cidlo cidlo yihiin .oo aanay joogin Dad aaad u badan,wakhtigan hada la Joogo.

Ugu danbaynti Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco ayay ka hawlagaal Dhakhaatiir aad u badan oo gelinka hore u soo shaqo taga, waxana hadda aad moodaa in  tayadiisu ka soo raynayso sidii beryo dhexdii ah uu ahaa.

Reported by:
Xamda Maxamuud Axmed
Burco Somaliland
email:smart_xamda2@hotmail.com
Mob: 252,2,4431879

Web Stats