XISBIGA KULMIYE WAXAA ISKA KHALDAMAY MADAXWEYNE BARACK OBAMA IYO XILDHIBAAN DONALD PAYNE!!W/Q: MINGISTE

Xisbiga Kulmiye waxaa iskaga khaldamay  Madaxweyne  Barack  Obama iyo  Xildh. Donald payne!

(Kulmiye waxay la kulmeen  Xildhibaan Donald Payne oo la mid ah,Xildh.DUUR-Xildh. DHUGAD iyo Xildh.NAC –NAC oo Maraykan ah, cidna citiraaf iyo dhaqaale may siin kareen,isna waa sidaas oo kale).

Maalmihii ugu dambeeyey waxaan  ka  khariyey amase ka  daawaday saxaafada,taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ,  ragg masuuliin waaweyn ah oo  aad ugu faraxsan  kulankii dhex maray ninka  la la yidhaahdo Donald  Payne iyo  qaar ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga kulmiye. Waxaan arkay Saxaafada Somaliland oo aad u qaada dhigaysa kulankii  madaxda kulmiye iyo Donald Payne.Xisbiga Kulmiye-na  waxaabay  kulankaa ku  tilmaameen  “in  xsibiga kulmiye uu Somaliland gaadhsiiyey meel aanay weligeed gaadhan,oo xataa Xukuumadu awoodi kari weyday !!

Markaan arkay  hadalada iyo qoraalada Kulmiye iyo guud ahaanba Mucaaridka,ayaan waxaan si fudud u fahmay in ay iskaga khaldameen Xisbiga Kulmiye  ,Madaxweyna Dalka Maraykanka(USA) iyo ninka Congress-ka ku jire ee la yidhaahdo Donald Payne. Waxaa ii muuqatay in ay u baahan yihiin Kulmiye iyo guud ahaan mucaaridkuba  in la fahansiiyo cida ay la kulmeen in uu yahay nin Congress -ka ku jira ee maaha Madaxweynihii wadanka USA.Ninka aad la kulanteen wuxuu ahaa Xildhibaanka loo yaqaan  Donald Payne,shaqadiisu waxay uun la mid tahay shaqada ay  qabtaan  Xildh.DUUR IYO Xildh. NAC-NAC.  Barack Obama iyo Donald Payne  waa isku eg yihiin oo waa laba nin oo madaow,kana soo jeeda qaarada aynu ka tirsanahay eeAfrika,ceebna ma aha in laysku khaldo.

Weliba haddii aan aad idiin sii fahansiiyo  Donald Payne waa  xubin ka tirsan  Guddi hoosaadka Golaha loo yaqaan Congress-ka wadanka USA,mana jirto wax Xil gaar aha oo uu u hayo,Congress-ka iyo Dowlada midkoodna,marna waxaa la sheegaa in uu yahay nin u dooda xuquuqda dadka Madow ee uu ka soo jeedo amase ku nool gobolka laga soo doortay.

Ceeb ma aha,mana dhib badna in la arko Donald Payne,waxaa arki kara,dadka degaanka kula nool,waxaa arki kara dadka dhiibataadu haysato ee degaankiisa ka soo jeeda,waxaa arki kara aniga,waxaa arki kara idinka ,waxaa arki kara cidkasta oo doonaya in ay la sheekaysato,Cidii doonaysa in ay balan ka sameysataana waxa kala xidhhidhi kartaa Webkiisa. Waxaa fiican in si fiican loo fahmo in Donald Payne aanu  Somaliland  citiraafi karin,citiraafna looma weydiin karo,shaqadiisana meelna kagama jirto in uu aqoonsado ,dal aan Dowladiisu aqoonsan. Donald Payne wuxuu aaminsan yahay in aan la citiraafin Somaliland meelo badan ayuu kaga hadlay in uu aaminsan yahay in Soomaaliya aanay kala goin,sidii doonaysaana way heli kartaa qoraaladiisa. Donald Payne wuxuu aaminsan yahay,in Somaliland ,Soomaaliya iyo weliba Puntland miis ay soo wada fadhiistaan oo ay ka wada hadlaan sidii ay dib ugu midoobi lahaayeen,taas oo hore Dowlada Somaliland u diiday,markhaatina laga wada ahaa mucaarid iyo muxaafidba.

Mucaaridku miyey ilaaween:-

  • In gabadha wariyaha ah, ee caanka ah MAHA , ay dhowaan kula kulantay magaalada Addis ee dalka Itoobiya  Xog.Guud ee UN-ka,oo weliba u sheegtay in ay ka timid Somaliland,miyaanay la kulmin cid ka sareysa,Donald Payne,maxaa loogu dabaal degi waayey ?
  • Miyaa  iloowdeen in  Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayaa in ay hore u tageen dalka USA,oo weliba ay ku tageen marti qaad rasmi ah,oo ay la kulmeen madaxda ugu sareysa Arimaha Dibada ee USA sida Jendayi Frazer.
  • Miyaa iloowdeen in aynu Dowladu Soo casuuntay madaxdii ugu saraysay Wasaarada arimaha Dibada ee wadanka USA,sida Jendayi Frazer  markii ay Hargeysa timid ,miyaa ilowdeen  in aad la kulanteen waftigaa hore oo ka derajo sareeyey Donald Payne.
  • Miyaa ilowdeen wixii aad hore ugula hadasheen Jendayi Frazer,maantana ma filaayo in aad wax dhaama kula soo hadasheen Payne.
  • Miyaa iloowdeen in todobaadkan Wasiirka arimha dibada ee Somaliland uu Addis kula kulmay kaaliyaha 1aad ee Xog arimaha dibada ee USA-maxaa idiin diiday in aad dabaal degtaan?
  • Miyey daan ogeyn  in Madaxwenihii hore Somaliland  Md Cigaal (ILAHAY HA U NAXARIISTE) uu la kulmay Donald Payne,oo uu sheegay in uu yahay nin aan Somaliland wax xiisa ah u haynin.
  • Waxaa la yaabay ragga waaweyn ee maanta ku faraxsan,ee amaanaya,ee dadka ka dhaadhicinaya  la kulanka  Payne,

Tusaalle:-

Haddii wadanka USA uu ku jiri lahaa xaalada ay Somaliland maanta ku jirto,oo Somaliland ku jiri lahayd xaaalada uu Maraykanku ku jiro,oo wafti USA-ka yimi oo citiraaf doonayaa ay inoo yimaadaan oo ay la kulmaan Xildh.DUUR,Xildh.DHUGAD,Xildh.NAC-NAC,miyey citiraaf iyo dhaqaale midna ku kordhin lahaayeen waftigaa inoo yimid.Waxaa si fiican u hubaa in ay wafti ku wareerin lahaayeen cayda Dalka Somaliland,cayda Madaxweynaha,Cawil iyo Ciro.

Sidoo kale waxaan u sheegayaa dhamaan mucaaridka Somaliland iyo taageerayaashoodaba in Somaliland ay gaadhay meel ka saraysa Donald payne  oo ay hore uga dalacday ninkaa,ee saaxiibayaaloow  hoos ha inoo dhigina ,dibna  ha inoo Celina.

Waxaa fiicnaan lahayd in mucaaridka ay fahmaan in Geeska Africa xaalada maanta  ka jirtaa ay ka baaxad weyn tahay  kulanka Donald Payne loona baahan yahay in gacmaha lays qabsado sida dalka iyo dadka looga badbaadiyo xaaladaha culus ee ka taagan Geeska.

Mucaaridkana waxaan kula talin lahaa,in ay fahmaan in dalka aynu wada leenahay,wanaagiisuna uu yahay wanaageena dhamaanteenba,dhibtiisuna tahay dhibteena dhamaanteenba.

Walaal caawi AGOONTA Somaliland-si adigana ILLAHAY kuu caawiyo . DAHABSHIIL account No. HRGD14759.

Mahadsanidin

Qalinkii AAbdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Web Stats