Shirkada isgaadhsiinta dhinaca interntka ee SO! Oo Dalka Ku Soo Kordhisay Adeeg Cusub Oo Ah Fibre Opticga Guryaha

Shirkada isgaadhsiinta dhinaca interntka ee SO! Oo Dalka Ku Soo Kordhisay Adeeg Cusub Oo Ah Fibre Opticga Guryaha



Shirkada SO! Ltd waxa ay wax wayn ka bedeshay baahida internet ee Somaliland ee ku xidhnaw shirkada adeegyada shirkada.

Shirkada isgaadhsiinta dhinaca interntka ee SO! Ltd ee dalka ku soo kordhisay internet xawaarihiisu sareeyo ee Fibre-Optic-ga  ayaa bulshada isticmaasha ay aad u mahadiyeen iyagoo ku tilmaamay in shirkadani dabooshay baahidi bulshadu u qabtay internet-ka  ee dhinaca shaqada iyo isticmaalka gaarka ah waxaanay ku sifeeyeen dawadii net-ka in uu yahay Fibre-Optic-gu oo uu daaweeyay dhamaan baahidii loo qabay internet-ka aan goo’ga lahayn qaadi karana macaluumaad badan, xaawarihiisuna uu dheeraynayo goobaha isticimaala internet ka shirkada SO! Ltd  waxa ka mida ah meheradaha ganacasiga ee caasimada Hargaysa, haayadah caalamigaa ee dalka ka hawlgala, haayada dawalada sida Wasaaraddaha iyo Guryah degmeeda Ibraahim Koodbuur oo hada xadhiga Fibre- Optic-ga guryahu uu diyaar ku yahay isagoo dhawaana uu  wada gaadhi dooni caasimada Hargaysa balse waxa imika uu shaqadiisu ka socotaa Galbeedka caasimada Hargaysa iyo waqooyiga oo gobo badan hada gacatna lagu hayo, guud ahaan noocoyada kale duwan ee intarnet-ka ay shirkada SO! Ltd bixiso ayaa laga isticimaala caasimada iyo magaaloyinka Galbeedka Somaliland sida Borama,Gabilay,Wajale iyo Arabiyo iyadoo shirkaduna dhamaan magalooyinkaas xarumo ku leh  oo dhamaan adeegyada internetka SO! so gasho laga isticmaalo waxaana hada uu xadhiga fibre optic-ga ku sii socdaa Gobalka Saaxil oo dhawaan daaha laga rogi doono xarumahoodii oo bulshada loogu adeegi doono, iyadoo Gobalka Togdheerna uu ku xigidoono Gobalka Saaxil.

Shirkadu waxa ay si wayn uga qaybqaadataa kobcinta bulshada ee dhinacayada kaabaha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada waxaanay si wayan uga qaybqaadatay abaaraha ba’an ee dalka ka jira waxa ay dhiirigalisa dhalinta ciyaaraha oo ay tartamo iyo qalabka ciyaarah ugu deeqday, waxaanay doorlibaaxle ka qaadatay ciyaarihii gobalada ee ugu dambeeyay oo bulashadu ku raaxaysatay muuqaalada TV-yada kabaxay ee quruxuda badnaa ee lagu gudbinayay internet ka xawaaraha badan ee fibre optic-ga .

SO! so gasho waxa ay dhamaan dhalinyarada reer Somaaliland ee waxa barta ay ka caawisay dhinaca internetka iyadoo u jabisay qiimaha bishii ee MIFI ee adiga 4G-ga oo ay uga dhigtay $15 dhamaan ardayda waxka barta Jaamacadaha Dalka, Dugsiyada sare iyo kuwa dhaxaba iyo dhamaan ardayda dhigta goobaha waxbarasho tana aytahay fikir shirkadu ku dhiiri galinayso waxabrashada dalka si aradaydu macluumadka internet-ka kaga xidhma si dhibyar u helaan, waxaanay dhawaan shirkadu soo kordhinaysaa adeega TV-yada ee IPTV  kaasi oo lasocoda fibre optic-ga iyadoo sidoo kalana dhawaan caasimada hargaysana lagu isticimaali doono super-Wi-Fi oo ah wireless caasimada hargaysa dhamaan ay wada isticimaali doonto oo qofkastaa hawada ka helayo wireless ka shirkada SO! Ltd.

La jaanqaad aduunka casriga ah oo booqo xarumaha shirkada SO! Ltd kuleedahay

si aad uga hesho internet xawaare sareeyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso