Farriin Ku Socota Madaxweynaha Somalia: Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo,

Mudane, marka hore, iga guddoon hambalyo iyo duco in Eebbe kuu fududeeyo kuna guuleysiiyo xilka cusub ee madaxweynenimo. Hambalyada ka dib, waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa arrimaha soo socda:

Xukuumadda aad u dhisayso Somalia waxaa habboon inay xubnaheedu ka kooban yihiin kuwo ka soo jeeda ama u dhashay dadka iyo dalka Somalia (Koonfurta) oo qudha si loo xalliyo dhibaatooyinka ka taagan Somalia maadaama ay iyagu u tudhayaan dadkooda iyo dalkooda. Arrinta “Somaliweyn” maaha wax jira maanta ee waa uun riyo aan la garanayn waqtiga ama samanka ay hirgelidoonto. Waxay maanta figradda Somaliweyn noqotay hugun ay ku shaqaystaan shakhsiyaad ka yimid Somaliland, Kilinka Shanaad, iyo Waqooyi Bari Kenya si ay dadka Somalia uga boobaan jagooyinkooda iyo maalkooda ay ku tashan lahaayeen, awoodna u siin lahaa inay soo ceshadaan nabadagelyadooda iyo dawladnimadooda.

Somaliland, Jabuuti, Kilinka Shanaad, iyo Waqooyi Bari Kenya looma oggola dad ka tirsan ama ka yimid Somalia oo gala Barlamaanadooda iyo xukumadahooda waayo uma dhalan. Xubnaha aan Somalia (Koonfurta) u dhalan ee maanta ka buuxa baarlamaanka Somalia ma helidoonaan degaano laga soo doorto mustaqbalka oo ku yaal Somalia sababta oo ah waxay ku yimaadeen doolaal xukun iyo maaldoon ah. Dadka Somalia (Koonfurta) waxaa lagu beerlaxawsadaa in Muqdisho tahay hooyada Somalida sidaas daraadeedna aan la kala xigin ama la kala lahayn dawladnimada Somalia iyaga oo aan waxba tarin Somalia, ciidan iyo dhaqaalaba.

Somalia waxay noqotay maanta hilbo bisil oo 5ta Somaliyeed wada raqaan kalana boobaan, waana sababta ay u hagaagiweyday Somalia. Hugunka Somaliweyn ee curyaamiyay Somalia waxaa ku soo dhuunta dad ka qaybgala awoodda dawladnimo ee Somalia una dhashay Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo qaar ka mid ah si qarsoon wakiil ugu yihiin labadaas dal loona adeegsado in aanay Somalia degin. Sababihii burburiyay Xukunkii Moxamed Siyaad Barre waxaa ka mid ahaa in dawladnimadii ay wada lahaayeen Waqooyiga iyo Koonfurta uu ka dhaxaysiiyay 5ta Somaliyeed oo aan wada lahayn dabadeedna uu shacabkii dalka ka gadooday iskana tuuray isku-dulnoolaanshihii.

Dalka Somaliland maaha maamul goboleed ka tirsan Somalia balse waa dal qaranimada ka hor qaatay Somalia dabadeedna shacbigu ka noqday midnimadii 30ka sano ku ekayd ee uu la wadaagay Somalia (1960-1990) kadib markii dhibaatooyin laxaad leh oo dad iyo maalba leh ay u geystay Somalia. Midnimda Somaliland iyo Somalia (Koonfurta) maaha muqaddas ee waa rabitaan shacab. Midnimada dalkaaga ayaa muqaddas ah sababta oo ah dhulkiisa iyo dadkiisu waa isku xuduud iyo isku taariikh sida dadka iyo dhulka Somaliland ay midnimadoodu u tahay muqaddas sababta oo ah waa isku xuduud waana isku taariikh. Kuwii kaa horreeyay waa ay kala fogeeyeen labada ummadood sababta oo ah waxaa halhays u ahayd: “Midnimada Somaliland iyo Somalia waa muqaddas”, taas oo aanay awood lahayn inay hirgeshaan balse uun kaga cadhaysiisay ummadda Somaliland. Xubnaha u dhashay ama ka soo jeeda Somaliland ee Somalia ka buuxisay Baarlamaankeeda iyo xukuumadeeda waa gef weyn iyo caadaawad la rabo in lagu mijaxaabiyo qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland taasuna waxay aad u sii kala fogeynaysaa labada ummadood. Arrintaas awgeed, ma habboona in Jamhuuriyadda Somaliland wax wadahadal ah la yeelato Somalia inta Somalia ka tanaasulayso mijaxaabinta.

Shakhsiyaadka Somaliland ka yimid ee jagooyinka u soo doontay Somalia awood uma laha inay Somaliland ku soo ceshaan Somalia ama xataa tegikaraan Somaliland maadaama sharci adag ka yaal. Dal waxaa keenikara shacab oo qudha. Walaalnimo, deris-wanaag iyo is-ixtiraam oo qudha ayaad isku fahmikartaan madaxda iyo shacabka Somaliland. Qofka madaxda ah marka uu ku dhaqmo xaqiiqada ama wixii suurtogal ah waa guulaystaa laakiin marka uu xaqiiqda iska indhatiro kuna dhaqmo khayaali ama waxaan suurtogal ahayn waa uu fashilmaa.

Hadaad ummadda Somaliland u adeegsato “midnimadu waa muqaddas” ama aad isku daydo inaad siyaasad ahaan ula dagaallanto ama milliishiya beeleed ku abaabbusho, ogow waxaad maraysaa wadadii ay mareen kuwii kaa horreeyay ee fashilmay, waxayna keenikartaa in Somaliland dhammaan xidhiidhka u goyso Somalia. Somaliland waa u diyaar walaalnimo ama colaad, marba midka ay ka aragto madaxda Somalia. Somalidu been waa sheegtaa, beense ma maahmaahdo. Waxay ku maahmaahdaa: “Ina rag Walaalnimo wuxuu ku dhaamo la waa.” Waxaa kale oo ay ku maahmaahdaa: “Midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran.” Waxaan uga jeedaa, maanta waajibka kowaad ee madaxweynow ku saaran waa inaad dhisto dalkaaga Somalia (Koonfur) oo ay ka taaganyihiin dhibaatooyin laxaad leh kana fogaato inaad isku mashquuliso waxaan dan u ahayn dalkaagaSomalidu waxay u kala taagantahay maanta Shantii (5) qaybood oo gumaysigu u kala qaybiyay sida dalal badan oo ka tirsan Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Amerika. Shanta (5) Somaliyeed waa u simanyihiin midnimo ee maaha arrin khusaysa Somaliland iyo Somalia oo qudha, lamana garanayo inay hirgelidoonto iyo in kale.
Xataa Somaliland xaq loogama laha inay wadahadal la gasho xukumadda Somalia ee baarlamaankeedu iyo xukuumadeedu ka koobanyihiin 5ta Somaliyeed ee maanta ka jirta Muqdisho. Somaliland waxay xaq u leedahay inay la hadasho xukuumad iyo baarlamaan ay leeyihiin dadka Somalia (Koonfurta) oo qudha waayo Somaliland iyo Somalia oo qudha ayaa is-raacay 1960 ee isma raacin Somaliland iyo 4ta kale ee Somaliyeed. Wadahadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Somalia waa inuu ku salaysanyahay wadahdal laba dawladood oo siman maadaama laba dawladood ay is-raacday 1960 kaas oo keena is-aqoonsi, walaalnimo iyo iskaashi.

WAA BILLAAHI TAWFIIQ

Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahimgagale@gmail.com
Taariikh: February 12, 2017

Advertisement

Ku Xayeysiiso