Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo ((1-Dhinaca Asluubta iyo Akhlaaqda)).By: Sh.Sacad

Written by: Ibrahim
Published: 24/01/2013 @22:00     

Assalamu aleykum, Salaan dhammaan bahda warbaahinta iyo sida hufan ee aad u soo bandhigtaan xogwarranada iyo dhacdooyinka, waxaanan halkan idiinku soo dirayaa qoraalo Waano iyo wax-sheeg  u ah dadka webkiinan ku xidhan ee Qurba-jooga ah iyo inta ku hareeraysan ee qolqol-jooga ah.
 
Salaan kadib, waa maqaalkii Axadda oo maanta soo habsaamey, waxaanan qormadan ku falanqeynayaa mid aan ku tibaaxey Maqaalkii hore ee„Dalkii hooyo xumaan w iyo wanaag waxaan kusoo arkey“. Qaybta Qurbo-joogta oo aan sheegey iney waddanka dhib ku hayaan qaarkood, dhibtaa oo dadka qaarkii isoo weydiiyeen inaan sii faahfaahiyo, hase yeeshee aanan halkan kusoo wada bandhigi karin, waxase ka mid ah sidaan sheegey:
((Qurbo-joog j Balwad iyo xumaan wadanka u soo waarida oo gabdhihii yaryaraa ka baxsan waayeen, fasahaadka ay wadaana lacag iyo Doolar ku faafinaya)). Akhlaaq xumadaas oo aad ka dareemeysid dariiqa ay marayaan oo ay ka dhex muuqdaan Dadka kale, waxaanad ku garanaysaa dharkooda aadka uuga duwan kuwa wadanka joogey iyo qaab-xumada ay qaarkood ka soocan yihiin.
a.       Waxaan aad uugu dareemey marka habeenkii la gaadho, meel aad ku soo caweyseysana ka timaado, waxaad arkeysaa Suuqa hoose ama meelaha ay u damaashaad tagaan oo weli shidan, guryaha ay galaan oo lagu sii qulqulayo ama laga soo dareerayo iyada oo wada socodka gabdhaha iyo wiilashu aaney kala soocneyn, waxaana uugu daran Guryaha  ay u kireysteen iney ku caweeyaan oo waxay doonaan ku sameeyaan, taas oo aaney caadi ahay dadka galaya ama soo baxayaa.
Si aan loogu qaadan inaan ku talax tagayo, arrinkaasu wey jirtaa oo mararka qaarkood waxa loo diraa Ururkan ama Hay’ada „Wanaag farista iyo Xumaan reerbka“, hase yeeshee aan awood iyo Xoog midna u haysan beddalaada xumaantaasi, taas oo Askartiina laga qaadey, shidaalkii iyo Gunadiina laga jarey si ay meeshu Xumaantu xorriyad u ahaato!
b.      Lebiska Ajnabiga  ee ay soo waaridaan iyo socod xumada ka muuqata Qurbo-joogtu. Waxaad arkeysaa gabdho iyo wiilal wada socda ama kala socda oo si aan caado iyo dhaqan midna ahayn u labisan oo xataa Dirac aan suuqa loola bixin intey gabdhuhu kusoo baxaan qaawan oo  Rag iyo Dumarba la eegayo, ileyn waaba laxishoodaa oo Dadkaa la ixtiraamaaye, waxay u baratey Gabdhaasu Xorriyadii qaawanaanta ahayd ee Qurbaha oo aan laysla hadal, markaas wey indho adkaatey oo cidnaba kama baqaneyso, Inan loo yaqaan waa reer hebel oo cirdiga iyo Sharafteeda wax kula hadheysana ma aha, sababtase waxa leh:
a.       Waalidka keeney ama ay la socotey ee soo direy, ee aan horeba u sii barin iney tageyso Dalkii hooyo oo dhaqan iyo Diin lagaga dhaqmo, meelaha qaarna aan looga baran Gabdh iyo Haweenku iney cawradooda suuqa keenaan oo sidaa u socoto.
b.      Dadka iyo Qaraabada ay u timid ama dadka ay kusoo degtey ama la saaxiibtey oo Doolarka ka gurta oo kolba meel soo tusa mooyee aan u sheegin Xumaanta ay leedahay is qaawintu, taasna Qolqol-joogta dalka ayaa ka Mas’uul ah.
c.       Culumada Dalka oo aan Barnaamij u sameyn wacyi gelinta Dadka soo xagaa baxay ama Dalka u yimid iney soo arkaan Dadkoodii iyo Dalkoodii, kuwaas oo aan looba qaban soo dhaweyn iyo fahansiin sida dadka looga dhaqmo ama intey joogaan sida looga faa’iideysto, taas oo u baahan in Barnaamij loo sameeyo.
d.      Dawladda iyo Mas’uuliinta  oo aan meelna ku qorin sida dadka soo galayaa u dhaqmaan, waayo Waddan kastaa wuxuu leeyahay habdhaqan iyo caado ka sarreysa  cida u imanaysa meel kasta oo ay ka yimaadeen, si loo xafido Akhlaaqda iyo Aadaabta guud ee ay ka Mas’uul tahay si khaasana iyada kusoo noqoneysa dhibtu.
c.       Guurka iyo lacagta lagu bixinayo oo aad moodid iney aad uugu qaali gareeyeen Dadkii wadanka joogey, taasina keentey iney Gabdhuhu wada sugaan Qurbo-joog , hase yeeshee Guurkaas oo badankiisu ku dhamaado fashalin oo gabdhihii ay ballamo Been ah u qaadaan, kadibna ay kaga baxaan, ama aaney marka horeba ka run sheegin xaqiiqdooda iyo wuxuu ku sugan yahay, taas oo keenta hiyi kac iyo iney Gabdhuhu sawirtaan Hir aan run ahayn, kadibana kusoo noqdo warrankeedu. Sidaa daraadeed waa iney Gabdhuhu iska jiraan!.
d.      Socodka Jidadka iyo isticmaalka farsamada xiriirka ee kala duwan sida Tilifoonada oo ay keeneen filimo xunxun oo ay ku diraan si lama filaan ah, ilbaxniamdaas oo Qolqoljoogii barteen oo kaba sii dartey, Internetka iyo isticmaalka Bogaga aan ku habooneyn dhalinyarta iska daa kuwa ka xaaraanta ah ee Muslin ahaan aan la geli karin.
Mararka qaar waxay ku bixiyaan waqtigii ay Dadkooda ku baran lahaayeen dhalinyaradaasi iney in badan dul fadhiyaan kuraasta Internetka si ay ula xidhiidhaan saaxibadoodii ay ka yimaadeen, mar marna filimo iska duubo iyadoo dhalinyartu wada joogto kuwaas oo isticmaalaya is dhexgel aan fiicneyn, kadibna xumaanta halkaasi kasii gudbiya ama inta la joogta u gudbiya.
Miyaad rumeysan kartaa haddii aad maqasho in Xumaanta wadanka ay geeyaan aan weli looga arag wadamada ay ka tegeen ama aaney iyaga u suurto gelin, laakiin ay heleen meel iyo dad ay la sameeyaan xumaanta iyo dhaqan bi’iskaasi.
Qaadka ay dadka intey joogaan u qaadaan, Khamriga qaarkood loo soo waarido oo aad maqashaan –Jarikaano ayaa kolba meel lagu qabtey-, Geerasheynta foosha xun ee Guryaha loo kirreystey, gawaadhida iyo sida qaabka darran ee ay u wadaan ama Music uuugu dhageysanayaan, ……….Ceebey ku meedey iy Qurbo-jooga ayaa ku keeney!!.
Ugu danbeyntii, Qurbo-joogtu intey xumaan geeyaan ee Akhlaaq xumo ahi waa xog u baahan in lasoo ururiyo oo aan meel lagu soo wada koobi karin, waxase loo baahan yahay in wax laga qabto oo la xaliyo dhibtaasi, sida kor ku qoran Xalku waa in Dadka arrinkaasi ka Mas’uulka ah oo qabta shaqadii iyo waajibkooda oo ay kasoo baxaan, Waalidka, Culumada, Dawladda iyo Qaraabada intuba, si iyaguna ugua faa’iideystaan waddanka intey joogaan, dadka ay u tageena aaney u fasahaadin iyagana aaney fasahaadkaasi loo sahlin.
Wuu socdaa……. Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo Dhinaca ………..?
Sacad Subaan Ina Kaarshe cade
Subaan99@yahoo.de

Поделиться в соц. сетях

Share to Google Buzz
Share to Google Plus
Share to LiveJournal
Share to MyWorld
Share to Odnoklassniki
Wararkii ugu dambeeyey
Saif Al Islam Qadafi
Togaherer 19 june Garsoore John Jones oo   difacaya wiilka uu dhalay Hogamiyhii Hore wadanka Libya
G8 Leaders
Togaherer 19 june Hogaamiyasha Wadamada ku jira G8 ee hore uga maray Dhinaca warashadaha ayaa go'aan
Warar
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Diintu Waa nasteexo

Halkan Hoose riix si aad u Eegto wax cusub

 

Juma Speech Fadiilatu Sh. Osman Ali Huseinالجمعة 3 جمادي الأول 1434هـ – 15 مارس 2013م


Literature and Special Events By: Togaherermedia