Video

YAA CAAWINAYA

Posted by Togaherer Team at September 19th, 2009

Published on: Dec 10, 2009 7:15
Alle Dartii u Caawi Hooyadan Alle SWT waxa uu yidhi isu naxariista Ana waan idiin Naxariisane.
gabadh2
Fadlan Hal Penny Hal dollar oo la isu geeyaa wax ayay tarayaan ee u gar gaar Hooyadan Tabaalaysan.

Hooyadan soomaaliyeed  ku tabaalaysan Magaalada Ceerigaabo ayaa ka badbaaday gaadhi la sheegay dhamaan dadkii saaraa ku geeriyoodeen, wadada u dhexaysa magaalada Ceerigaabo iyo Boosaaso.hooyadan ayaa magaceedda la yidhaahdaa Saynab Jamac Ismaaciil Mataan .
gabadh1

hooyadan  waxay wax ka soo gaadheen MADAXA’ waxay ka jabtay Qoorta iyo Daanka Hoose labadiisa Dhinac ba.

Hase Yeeshee waxa hooyadan  ka Cabanaysaa Nabad Ka soo gaadhay ISHA bixid, gabi ahaanba waxa jabay labada Goor ee isha bini aadamka ilaaliya misna ilaahay galadii waxa badbaaday ISHII oo meel cidla ah iska taala, hadaba waxa hooyadan lasoo mariyey dhamaan dhakhaatiirta wadanka iyagoo Taal iyo Maaro u waayey inay samayaan Labada Goon Ee Isheeda oo Gabi ahaanba Bur bursan waxa bukaan jeef loogu soo caliyey magaaladda Ceerigaabo iyagoo Ehelkeedii kala soo Quusteen dhamaan dhakhaatiirka dalka Waxayna Awoodi waayeen inay ka bixiyaan dhakhtar debedeed Taas ayaa sababtay inay ula qayshadaan dhamaan ummadda Islaamka meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan cidkasta oo fahmi karta luuqa Soomaaliga .

Mar labaad Ehelada  hooyadani waxay ummudda islaamka doonayaan inay ka taageeraan Dawaynta hooyadan oo muda Sanad ah ay la soo mareen dhamaan dhakhaatiirka Dalka oo dhan una Caal waayeen.

fadlan ka soo xidhiidh ehelada Gabadhan Telefoonadda Hoose ku Qoran

Tell: 00252-5-689008 (Mobile)

Tell:00252-2-4205219 (Mobile)

tell:00252-24206191(moble)

C/naasir khaalid siciid (sharafka)
ceerigaabo /saanaag

Yaa Caawinaya Cabdi Muxumed oo ah Nin Mucjiso ah oo Laxaadka Araga iyo Maqalakuba ka Maqanyihiin oo ku Dhibaataysan Degmada Wajaale.
cabdi muxmed_2
Cabdi Maxamuud Aw Xasan ,waa nin dhalinyaro ah oo laxaadka Aragga iyo Maqalkaba beelay isagoo 7 sanno jira.Taa waxaa u dheer, in dhammaan qosyskoodii aabihii,hooyadii ,walaalihii ,ay geeriyoodeen, kana  nool yihiin  oo keliya   isaga iyo inanka walaalaha ay yihiin , ee immika isaga gacanta ku  ha ya, walaw  walaalkiina uu yahay nin iska dhibaataysan , oo isaguba gar gaar u  baahan. Cabdi waxaa uu wax ka maqalaa Baabacooyinka Gacmaha marka uu hoos dhigo qofka la hadlaya.

Weriyahayaga Timacade News ee magaalada Tog-wajaale, C/rasaaq Muxumed Aw Daahir (C/rsiaaq Dhego) , oo arrintaa markuu  maqlay ku booqday halka uu ku nool yahay wiilkani,ayaa wareysi la yeeshay  walaalkii, oo magaciisa la yidhaado, Axmed Maxamuud, waxaanu yidhi ,” Walaalkay meella  ka ma tagi karo, waxna uma qaban karo, waxaa keliya een gargaar mar mar ka  hellaa dadka jaarka ah , oo waxaanu cunno nagu kaalmeeya,mararka qaarkoodna maba hello. Buulka aan ku nool  nahay na  waxaa nagu caawiyey nin dadka degaanka ka mid ah.”

Axmed wuxuu ka codsaday  weriyaha Timacade News ee magaalada Tog-waja ale , inuu dhammaan ummadka Somaliyeed u codsi ka gaadhsiiyo, oo ilaahay dartii qofkii awoodi karaa wax u soo taro.
Ilaahay subxaana watacaale, nimcooyinka uu inna siiyey waxaa  ka mid ah  lixda  la xaad, markaan dhexdeenna isku gar gar gaarnana, wuxuu inoo fidinayaa  nimcooyi nkiisa faraha badan een la qiyaasimkarin.

Haddaba, annagoo ka jawaabayna codsiga nooga  yimid walaalkeen , waxaanu   idi nka  codsanaynaa,  in qofkii ilaahay dartii u soo  caawinaya nin kaa dhalinyarada ah ee  laxaadkiisii Aragga iyo Maqalkba beelay, een cid caawisaana   jirin ,  in wixii aad ku tari  kartaan ugu soo hagaajisaan cinwaanka hoosta ku qo ran.


Xawaaladda: Qaran
Account # : 1511
Telephone: 00-252-446-9301
Faahfaahin:Timacadenews@hotmail.com

FADLAN ALLE DARTII UGU GARGAAR GABADHAN YAR EE BUGTA WAXAY U BAAHANTAY GARGAAR DEG DEG AH

FADLAN ALLE DARTII UGU GARGAAR GABADHAN YAR EE BUGTA WAXAY U BAAHANTAY GARGAAR DEG DEG AH

Ummadda Islaamka ah waxaa laga codsanayaa in ay gar gaar caafimaad u fidiyaan Amran Maxamed Muuse, waa inan (Gabadh) yar oo jirta sanad iyo 4 bilood, waxaana haleelay xanuun culus sida aad sawirka ku aragtaan.

Amran waxay u baahan tahay dhakhtar iyadoo dhakhaatiirta dalku cadeeyeen inaan waxba lagaga qaban Karin dalka gudihiisa, una baahan tahay qaliin degdeg ah oo wax lagaga qabta xaladeed caafimaad.

width="Image
Safiya Axmed waa hooyo-da Amran, waqtigeeda oo dhana waxay ku qaadataa Amran daryeelkeeda iyadoo ay adag tahay inay wax kale qabato . Duruufta dhaqaale ee qoyska ayaa iyana aad u xadidan mana awoodaan kharashka caafimaad iyo ta daryeel –ba.

Image and video hosting by TinyPic
Duruuftaa jirta awgood qof kasta oo muslim ah , waxa si naxariis leh looga codsanayaa inay hawshaa wax ka qabtaan kuna so gargaaraan Inantan iyo qoyskan dhiban, Ilaahay miisaanka aakhiro ayuu idiinku labalaabi doonaaye.

Magaca: Amran Maxamed Muuse (Hargeysa)
Akoonka (xisaab Sanduuq) = 1447
Xawaalada Qaran: Hargeysa

Waxaa lagala xidhiidhi karaa
1. Yuusuf Axmed Xuseen 0025224606464
2. C/Fataax Ibraahim Sheikh 0025224035590
3. C/Kariim Axmed Mooge 0025224400137

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

———————————————————————————————————-

YAA CAWINAYA CARUUR DADOODU U DHAXAYSO 4 ILAA 16 SANO OO CAMAAD DARO HAYSATO

Yaa caawinaya Carruur Da’doodu u dhaxayso 16 illaa 4 sano jir oo caafimad darro tii u xumayd haysato una baahan Gargaar Bini aadanimo.
QOYS WAYN

Burco: Guri ay jiifaan ugu yaraan 3 carruur ah oo caafimad darro dhinaca tamarta iyo maskaxda ay haysato, ayaanu markii 2aad Bookhasho ku tagnay saaka, Hadaba xaafadda dakaasi joogaan ama ay ku nool yihiin oo ay na gaysay weriye Farxiya C/laahi Maxamed oo ah saxafiyiinta madaxa bannaan ee ku sugan Gobolka ayaa markii anu isha ka qaadnayba aanu ka naxnay muuqaalka hoyga ay ku jiraan iyo weliba dhawaqa aan kala Go’a lahayn ee ka baxaya gudaha xaafada, iyadoo isla markiiba indhahayagu qabteen Guri yar oo Buul caws ah ama kuwa loo yaqaano aqal soomaali oo dayac badani uu ka muuqday, hadaba qoyskan danyarta ah ayaa haysta illaa 3 carruur ah oo dhammaantood maskaxda, Jidhka, lafaha iyo dareemayaasha intaba ka liita isla markaasna u baahan Daawayn iyo sidii caafimad ay ku heli lahaayeen, hadaba marka aad Guriga illinkiisa marayso waxaad maqlaysaa dhawaqa carruur aad u yar yar iyo hadaaqa ilmaha jira 3da bilood iyo wixii la mid ah balse marka aad Guriga hore u gasho waxad arkaysaa in waxa dhawaqayaa ama hadaaqayaa ay yihiin ilmo 16 sano jir ah iyo mid kale oo 10 sano jir ah, sidoo kale waxa jirta igabadhyar oo kale oo 4 sano jir oo iyana sidoo kale u xanuusan iyo weliba Hooyadood oo markaasi ag fadhiday carrurtaasi, C/samad axmed sulub iyo maxamed axmed axmed sulub waa labada wiil ee 16ka iyo 10 sano jirka ah isla markaasna xaaladooda caafimad aad u liidato,iyadoo weliba ay jirto Gabadh yar o kale oo 4 sano jir ah oo magaceeda la yidhaa Nimco axmed sulub, hadaba waxaa aan Guriga ku sugnayn markii aan bookhanay aabaha carrurtan oo isagu markaas carrurta ugu maqnaa caano, hadaba sida sawirada idinka carrurtan oo isagu markaas carrurta ugu maqnaa caano, hadaba sida sawirada idinka muuqataba carruurtan ayaan lahayn awood ama tamar ay ku fadhiistaan ama ku sarajoogsadaan iyagoo xilli walba iska dhul yaal ah oo sidaas aan markii 1aad ugu soo galnay u jiifa halka markii danbe mid walba hooyada carrurtani soo sara fadhisisay, iyado gacmaheeda ku haysa haddii ay sii daysona aan xejin karayn fadhiga.

Hadaba Crruurtan yaryar ayaa hooyada carrurtani Saado Ibraahin Xirsi ay noo sheegtay in cudurkani haleelay mid walba markii ay dhasheen balse ay ku  dhasheen caafimad qab markii hore.

ugu danbayntii waxanu waraysi yar oo kooban ka qaadnay Hooyada Carruurtani dhashay aya waxay noga sheekaysay xilliga ay caarrutani sidan noqdeen iyo bal inay jiraan carruur kale oo la mid ah kuwan oo ka dhintay ama nool oo cusbitaalo ku jira. Faahfaahinta carrurtan oo dhanna waxaad kaga boganaysaa Warysiga hooyada carruurta dhashay.
Hadaba waraysigan kooban oo uu qaaday weriye C/lahi Cali Caydiid
ayaa u dhacay sidan:

S-Hooyo Ugu harrayn magacaa?

J-Magacayga waxa la yidhaa Sado  ibrahin xirsi

S-Carruuta Aabahoodna?

J-waxa la yidhaa axmed Sulub

S- waa hagaag Hooyo carruurtani muddo intee leegbay sidan ahaayen?

J- carrurtan iyagoo yar yar baa la helay, qaar iyagoo 8 Bilood jiray qaarna iyagoo affartanka ka baxay.

S- Hayye carruur kale oo hadda dhakaatiir ku jirtaa miyay jiraan mise waa saddexdan uun imminka inta xanuunsani?

J-haa imminka waa saddexdan uun lakin afar wiil baa xanuunkano kale u dhintay oo noocan ahaa ka ugu waynina 9 jir ahaa.

S-Hayye, Cid idinka Gargaarta oo gacan idiin fidisa marna ma hesheen se baaq ma u dirateen dadka iyo shacabka walaalaha ah ee muslimiinta ah bal inay wax idinka caawin karaan?

J- may hooyo cid na gargaarta ama gacan noo fidisay ma jirto cidna baaq hore ugumanan diran ilahay ka sokow, mida kale annagu dad reer miyi ahbaanu nahay imminka ayaanu magaalada soo galnay markii xoolihi naga dhammaadeen carruurtan ayanu magaalada keenay Guri kiro ahna waanu ku jirnaa oo cid naga bixisa anay jirin, reerkale oo anu kula jirno Guriga ayaana na damiintay.

S-bal wiilashan magacyadooda noo sheeg?

J-Kan C/samad baa la yidha kanna maxamed.

S- waa immisa jir carruurtu?

J-Kan waa 16 sano jir kanna waa 10 sano jir inantaas yarina waa 4 sano jir.

S- Hayye Dhakhaatiir Gudaha ah carruurta ma gayseen?

J- waanu geynay dhakhaatiirta Gudaha oo dhan lakin ilaahay weli shinbirkii nama siin.

S- Wax dhakhtar ah oo idinku yidhi waxbaanu ka qaban karnaa oo waa cudur la dawayn karo ma jiraa intii aad dhkhaatiirta u gaynayseen?

J- may.

S- markaa maxaad ka codsanaysaa imminka dadka ku dhegaysanaya ee walaalaha muslimiinta ah?

J- wixii wax na tari karaya ee nagu tari kara carruurtaas inaan dhakhaatiir dabadeed ku gayno waanu u baahanahay, mar walbana ilaahay waxanu waydiisana inu shimbirkii na tuso, ummada walaalaha ah waxan leeyahay ifka la isugu tudhaa ee dadkaas waxad u kari kartaan waa loo baahanyahay.

Hadaba carrurtan iyo qoyskan masiibadu ku habsatay o ay ka muuqato DIIF iyo silicii ugu xumaa Cid kastoo wax taraysaa ha ugu soo hagaajiso
Account Numberka DB5800 D/shiil Burco. idinkoo ku soo qoraya :
Saado Ibraahin Xirsi  faahfaahintana ka soo dhiga :ku shuba account No: DB5800 waana caawimaddii carrurta Tabaalaysan.

By:
Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
2522,4411480
Mustafe_480@hotmail.com

Web Stats