Kulmiyyihii Xujoowyoo
Xisbigiisii Wuu Dumay.
Abwaan: Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure (Aboor).
Xog Ogaalkii Wuxxu Yidhi
Kulmiyyihii Xujoowyoo
Xisbigiisii Wuu Dumay
Xukkunkiisu Waa Beeen
Xaaraama Quuutaa
Lacagtii Xantooobsaday
Xaaaluf Buu Dalkii Baday
Layslama Xisaaabtamo
Boobku Waw Xalaaaloo
Shiccibkoo La Xado Iyyo
Hanti Loo Xaraashiyyo
Xatooyyay Ku Noolyiin
Xeerkiyyo Sharcigii Mee
Distoorkii La Xoooryoo
Muwaaddinkaa La Xidhayyaa
Xornimaday Ka Qaadaan
Caddaaaladdu Xaqsoor Ma Leh
Xaqul-Qawlna Maba Jiro
Sinnaaantay Xaqirayyaan
Dadkana Way Xasuuuqaan
Xannaaanada Bulshada Iyyo
Xaydaankii Noloshshiyyo
Xidhiidhkii Aqooontiyyo
Xarun Caaafimaad Ma Leh
Cashuuurtaa Xad-Dhaaf Ahoo
Maceeeshaddaa Qaaaliyoo
Mushahaaaro Ma Gooyn Kartoo
Maaatadaa Macaluulay Weliy
Qabyaaaladdaa U Xeeeroo
Qolyo Laysku Diro Bay
Qooondaynayyaan Weliy
Qarashna Uu Ku Bixiyyaa
Guuulwade Xammaysanoo
Xusulduub Ordaaayya Oo
Xoolihhii Dadweynaa
Loo Xantoobiyyaa Jira
Idaaacaddii Xayire Oo
Iyagay U Xidhan Tahay
Tiifiigii Xor Maahoo
Xantooduu U Furan Yahay
Xilka Kiii Ay Dooonaan
Iyagaw Xambaaarshoo
Xildhibaannadiisuna
Xorba Maaaha Mudanuhhu
Xaajadiisu Waa Gaar
Xan Iyyo Beeen Waxxaan Jirin
Sawirro Laysku Soo Xidhay
Dadweynaa Ku Xadayyaa
Xeeelad Siyaaasadeed Ma Leh
Xaawaley Tolkeeda Caayaysuu
Sawir Xusuuus La Gelayyaa
Xaflad Weyn U Dhigayyaa
Xididkiyyo Walaaalahha
Xulkii Reeer Togdheer Baa
Xanaftuu Dhex-Dhigay Weliy
Dadku Soo Xusuuustaa
Dadweynii Ku Noolaa
Dacalladii Galbeed Kaa
Degmooyinkii Lixda Ahaa
Kala Dira Direeyyoo
Beeelihii Wacnaan Jirey
Iddarayska Iyyo Baho
Habar Lammaantii Barigaa
Belaayuu Dhex Dhigayoo
Degelladii Dhulbahantena
Ciiidan Buu Daf Siiiyyoo
Dadkii Buu Xasuuuqoo
Weliyna Uu Dul Jooogaa
Dagaalkii Sokeeyyaha
Kuwii Daaddeheeyyee
Dadkayyaga Xasuuuqaa
Doorashooyyin Naga Raba
Alla Doorigaa Daya
Demmanaa Siduu Yahay
Daan Daansanaa Wuxxu
Ma Dameer Bakhtiyey Baa.
Dhammaad.