Asalaamu calaykum dhamaan reer Somaliland, Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka iftiimiyo wejiga dhabta ah ee saldhigan milatari ee
Imaraatku doonayaan, Bal aanu u jaleecda cududa milatari ee uu leeyahay Imaratku waa eber oo ciidamo uu dibada u diri karo ma laha,
Maraykanka ayaa gacanta ku haya sida californiya, Waxaa Imaratka ugu dambeysay ciidamo rasmiya uu yeesho 1989 dagaalkii ciraaq iyo
Kuweyt, Wakhtigaa wixii ka dambeeyey waxaa si rasmi ah ula wareegay amaankooda maraykanka, Ciidamadoodii wixii ajaanib ahaana
wey ruqseeyeen.
Sidaa awadeed waa ayo ciidanka Imaratka uu sheeganayo ee uu keenayo berbera? Shaki la’aan waa maraykanka oo doonaya
in uu kharash jaban ku kireysto saldhigan mihiimka u ah ee uu waagii siyaad bareuu ku kireysan jiray 4,000,000 $ bilwalba,
isagoo ku hoos gabanaya calalka tusmada u ah imaratka.
Su’aasha labaad maxay ithoipia u diidaysa inay imaratka kireystan? sidaad la socotaan diyaaradahan bilaa duuliyaha ah ee habeen walba
aanu ka seexan la’nahay waxay saldhig ku leeyihiin ithoipia, Waxay fahamsan yihiin shaxdan oo lacagtii kirada ayey seegayaan.
Ugu dambeyn, Siilaanyo waa ilduufkii labaad ama dantiisa gaar ah ha ka hormariyo dalkan uu u dhaartay ama si kale haka noqotee, Waa inuu
ku kalsoonaada dalkiisa oo uu kula gorgortamaa dalalka shisheeye, Tusaale ahaan ugu yaraan 2milyan $ ayaa maalin walba ithoipia ka helaan
cawskan nalagu falay , Maxaa u diiday Siilaanyo sidii madaxweynaha dalka aanu jaarka nahay gartay uu kula gorgortamay kenya,Siilaanyo inuu ictiraaf
iyo ganacsi furanba ku raadiyo 2 milyan ee aan asxaanka naloogu hayn, TAn saldhigan berberana waa taa aan sare ku soo sheegay oo kale
waa inuu maraykanka toos ula hadlaa oo uu ictiraaf buuxa iyo kiro u qalma berbera ka qaadaa, Dadkayagii abaaro ayaa aafeeyey
aduunkuna wuu nagu daawanayaa sidaa aawadeed waa inaynu wuxuu Allah na siiyey aduunka ka iibinaa inaga oo aan daciif iska dhigay.
WabilLahi tawfiiq
Sharma’arke MAxamed Cumar Qoti