Qabyadda Gurmadka Abaaraha iyo Qorshaha la.aanta Doorashada JSL.ABAARTA MISE DOORASHADA ?.
Iyamaa Mudan Shacabka iyo Doorashadda ?
Dalkeena Baddi gaar ahaan Goboladda Bariga :- waxaa ka jirta Abaaro aad u Ba’an oo muddo soo jiitaamaySey , isla-markaana maanta taagan heer aad u daran oo biyaha iyo Cunto la’aantuba ay xadhkaha goosatay.
Weli lama hayo Roobkii iyo Raxmaadkii Alle u shubi jiray dadka iyo duunyaduba:- Jilaalkiina waa bilaabmay .
Dadku waa alle suge iyo cir dhowrayaal maruun eegaaya in alle subxaana watacaalaa Raxmaadkiisa u shubo , isla-markaana lagaga baxo baahida Bani,aadamka Oonka, Aafada iyo Saxariirkan dhacay.
Abaartan ayaa ka midda : Abaarihii ugu xumaa ee Somaliland soo mara .
sida dad badani ay sheegeen in marka ay dhamaato uun magaca ay qaadato madaama weli aanay soo afjarmin lakiin dadka qaar ayaa u bixiyey SIMA , kama ay tegin dad, duunyo iyo tacab kaleba. Dadku weli waa tabcaansan yihiin oo Beerka ayey ku hayaan dhulka . Dhimasho , Nafaqo daro iyo Cuduro-ba way jiraan kuwaasi oo dad iyo duunyoba saameeyay.
Anigu cidkasta oo ay khusayso ayaan ku dhaliilayaa in waqtigan doorashada laga hadlo iyo waqtigeeddii ha ku dhacdo. Waxa iska cad in caqliga aanu Ilaahay siin koox kaliya oo Bulshada ka midda., Lakiin aynu u baahanahay . in qofku fikiro oo u aqoonta Ilaahay siiyey xaaladaha yimaada ku waajaho.
Dadka u baahan in loo gurmado waliba xaalad aad u daran ku jira . Su.aal Sidee baa ayey ku dhacaysaa qof daruufahaas ku jira oon socon karaynba. inuu cod bixiyo oo goobta doorashada u soo socdo. mase joogaa goobtii uu iska diiwaan-geliyey ?
Waa in aan garanaa oo keliya : in dhinaca Gurmadka oo keliya laga qayb qaato oo ujeedadayduna tahay iskuma wadi karno Gurmad iyo Doorasho aynu kala du.no. ma dhibbaa ku jirta ? qaar aan sabab lahaynba waa la kordhin jirey.
waqi mucayina ayaa dib loo dhigi karaa . maxay ina yeelaysaa tollow?
Xilli adag oo abaareed ayaa lagu jiraa, haddana Raxmada ALLE Lagama quusan lakiin xaalada jirta : Qaybaha muhiimka ee Bulshaddu ka koobantahay waxay dhamaan sheegeen inay Doorashadu dib u dhac ku imanayo, madaama lagu jiro wakhti abaar aad u daran oo dadka hore u soo marin .waxaan se qabaa in cid walba oo tidhi Doorashadu way dhacaysaa in aanay waxba hubsan ee ay ku deg degtay,waxaan leeyahay siyaasiyiinta . dib ha u dhigan xafladaha iyo hawlaha doorashada ku saabsan. Maaha maalintii Aynu Doorasho Ka Sheekayn Lahayn , Balse loo baahay yahay in loo jeesto ama ay inaga muuqato in Gurmad la Sameeyo oo keliya, ABAARTA MISE DOORASHADA ?.
Hawshaa mudadda Doorashooyinkana Komishanbaa ayaa u xilsaaran , go’aan rasmiya ayaa looga baahanyahay iyo inay sheegaan inay Doorashadu dib u dhacayso ayaa laga sugayaa, waar dadku wuxuuu rabaa waqti la xaqiijiyo “Dibu-dhaca Doorashada”. oo bulshada xabad ku noqotay . xitaa dad malaa u dheg-taagaya . “In Ay Danahooda Qabsadaan”.
Miyey Dhacaysaa Doorasho Iyo Waa Waqtigee..?
Doorashada oo waqti mucayana ayaa laga sugayaa in Gudida Komishanka doorashadu shaaciyaan. haddii ay dhacdo: dib u dhigaasi , dib loo dhigay .
Waxay keenaysaa in cidkasta oo ay khusayso siiba xukuumadda Ganacsatadda iyo Xisbiyadaba u madax banaanaadaan ka qayb galka Taakuleynta Abaaraha.Daad-gureynta iyo Samata-bixinta dadka.
Iyamaa mudan shacabka iyo doorashadda ?
Xaalad Abareed ayaa jirta :- halays taakuleeyo oo cudada meel ha la iskugu geeyo ceeb maaha ee waa camalsane ha xumaysan.
Gudidda Doorashadda waxaa laydinka sugayaa:- Doorashadii waqtigeeddii ayaan ku qabanaynaa/ qabankari.mayno oo duruufo abareed ayaa dalka ka jira. si cad umadda ugu muujiya ku dhiirada. Waa xilkii laydiin doortay.
Waxa laga sugayaa in komishan ahaan aydaan noqon . sidii kuwii idinka horeeyey ee caalamku la yaabi jirey .
Wa bilaahi tawfiiq.
Adan Yusuf Elmi.