15kii Oktoobar 2015ka, subax Sabti ah ayaa la i keenay maxkamadda. Waxa arooryadaas la xidhay jidadka soo gala maxkamadda oo lagu jaray dhir iyo dhagax. Sidii loo ilaalin jiray dhagar-qabayaasha ayaa la iila macaamilay. In heegan buuxda la galana waxa sabab u ahaa dawladda oo il gaar igula socotay, wadne-gariir laga qabo dadka dhinacayga ka socda ee buuxdhaafiya maxkamadda iyo warbaahinta oo ah hubka kowaad ee u hiiliya dhibbaneyaasha la duudsiyo.
Judhii aan maxkamadda soo galay ayaa la igu jeebbeeyay shabagga hoolka Rafcaanka, iyada oo aan la ii oggolaannin in aan fadhiisto xero-guusha (xarunta maxaabiistu ay ku sugaan dhegaysiga dacwadda). Gudaha hoolka ayaa la iigu keenay quraacdii, dadkana waa loo diiday in aan war iyo weedh is-weydaarsanno.
Albaabka dhismaha aan ku jiro iyo gudihiisaba waxa ku darbanaa askar kaalin weyn ka qaadanaysa cadaadiska iyo cabudhinta la igu hayo. Inkasta oo ay dacwaddu ahayd mid furan, haddana dadka qaarkood waxa laga celiyay dibadda oo bannaanka ayaa lagu hor joogsaday. Aniga oo og in dad badani duleedka tuman yihiin ayaa uu Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Hargeysa Maxamed-Case uu lahaa “Albaabbada waanu wada furnay, cid soo gashana waanu weynay”.
Waxa la dhegaystay gebagebadii ay soo gudbiyeen qareennada iyo xeer-ilaalintu, iyada oo maxkamaddu go’aamisay in labaatan daqiiqo loo nasto ku dhawaaqidda xukunkayga. Qof ahaan waxa aan farxay markii la i odhan waayay “Maxaad codsanaysaa?”, oo ah su’aal inta badan la weydiiyo dadka la filayo in garsoorku xukun ku rido. Halkii ay dadku shaaha iyo cabbitaanka dibadda ugu baxeen, anigu waxa aan u jaqaafiyay dhinaca baytal-mayga/tuushka si aan u maydho. Kolkii la isu soo noqday ayaa ay gudaha soo buux-dhaafiyeen bulshadii kadinka laga joogsaday, madal ay ilyartu is-qabatay ayaa xukunkii loogu sara-kacay!
Garsoore Khaalid Cabdi Shiil isaga oo tixraacay eedda la ii soo jeediyay ee xeer-ilaalinta, xogihii maragyadu bixiyeen, difaacaygii iyo dooddii qareennada waxa uu sheegay in aan caddayn loo heli karin eedaha la ii jeediyay oo ahaa kuwo jaban. Sidoo kale waxa uu sheegay in maragyadu aanay caddayn ku filan u helin been-abuurka la ii xambaariyay. Ugu dambayntiina waxa uu go’aamiyay in xorriyadda la ii soo celiyo.
Maxaa sacab iyo riyaaq is-qabsaday! Maxaa raynrayn lala oogsaday! Muxuu qaso iyo qamuunyo la yuurursaday xeer-ilaaliyihii liidka ahaa! Maxaa goblan iyo guul-darro ku habsatayay kuwii xukuumadda lagu sheegayay! Maxaa wadhi iyo weji-xumo ku ciiray isbahaysigii dibindaabyada iyo sharka u heellanaa! Maxaa fool-xumo u hoyatay ciidankii macangagga taageerayay! Maxay murugadii la muusannaabeen kuwii hafarka miciin biday! Maxay mahadho oogsatay! Maxaa laga maadsaday gacan-yareyaashii makalaadda waday! Maxay gacalku dhoolla-caddeeyeen! Maxay nacabku cadho iyo ciil la carraabeen! Muxuu dhiiggu ku kacay dulin iyo qaniin micida lisan jiray! Illeen indha-adayg looma dhinto.
Wallaahi billaahi waan ilmeeyay farxaddii, sidoo kalena waxa aan arkayay walaalladay iyo wehelkayga oo isha sacabka marinaya. Muxuu dareen-waduhu gudbiyay dawanno maanka ka yimi oo mafsuudimo walwaalaya! Maxay xiska iyo wadnuhuba damaashaadka la dabbaal-degeen.
Xeer-ilaaliye Farxaan Mire Cismaan oo bisad ka yaraaday ayaa yidhi “Rafcaan baanu ka qaadannay”. Garsoore Khaalid Cabdi Shiilna waxa uu yidhi “Xitaa haddii aad rafcaan ka qaadateen, waa in hadda la sii daayo. Ka fura katiinnada, waxa lagu soo xidhayaa waaran ay maxkamadda rafcaanku u goyso. Fadhiguna wuu xidhan yahay”. Waxa ayaan-darro ah in aan dheg loo dhigin go’aankii maxkamadda, waxaa na af-duub igu kexeeyay ciidankii booliska ee tacaddiga kaalinta weyn ku lahaa. Aniga oo laba-dibleysan ayaa la igu celiyay xabsigii aan ku xeraysnaa.
Khadra Maxamuud Gahayr oo walaashay ah ayaa xeer-ilaaliyaha ku tidhi “Maxaad naga daba socotaa, sawdiga waxba nagu waayay?”, judhiiba waxa uu codsaday in la xidho, wakhti kooban kaddib ayaa se la sii daayay. Ma maqli jirteen “dibi goondho (hirdi) badani madaxa ayuu u dhintaa?” Ninkaasi subaxaa masayr iyo hinaase ayuu u god geli lahaa. Ciyaartii dhex martay qareennada iyo xeer-ilaalintu waxa ay ku dhammaatay shan iyo eber ay guushu ku raacday bahdii xaqa iyo samaha raadinaysay.
La soco qaybta 11aad haddii Alle idmo.
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com