Barnaamijka toosinta, iyo tayaynta bulshadeena By: Aqoonyahan Mustafe Rayaale (masters of sociology)

Barnaamijka toosinta, iyo tayaynta bulshadeena

Mawduuca manta:- Khiyaamada ganacsadaha iyo mooganaanta macmiilka!. Ganacsade haddi sharci dawladeed ku xidhiwaayay diin iyo iimaan miyuu kuxidhiwaayay?

 By: Aqoonyahan Mustafe Rayaale (masters of sociology)

Barnaamijkan lamagac baxay toosinta, iyo tayaynta bulshadeena, waa taxane todobaad leh ah, oo aydun kala socondoontaan shabakadan caalamiga ah, kaas oo aanu ugu talogalay inaaan idin kula wadaagno, daraasad cilmiyaysan oo diiradda saaraysa,  3 arimood oo muhiim ah, kuwasoo kala ah, a) 8 sanno ee u danbaysay maxaa horumar u qabsoomay bulshadaydeena? B) maxaa ugu waawayn mushkiladaha bulsho iyo kuwa siyaasiga ah ee hadda dalka kajira, sidee se loo xalinkaraa? C) maxaa ugu mudan in bulshadeena sabankan lagu dhiirigaliyo.? mid mid ayanu idiinla wadaagi doonaa insha allaah.

Manta waxaynu kusoo qaadanaynaa qodob mushkilad wayn ku ah bulshadeena, haddaan xal loo helinna khatar wayni ay kadhalankarto. Qodobkaasi ayaa waxa uu yahay qiyaamo qaawan oo ay sameeyaan ganacsatadeena qaar-kamida sida ay daahfurtay daraasad cilmiyaysan oo arimahani laga sameeyay.

Hubaashii waa doqoniimo, damiir xumo iyo dadnimo la’aan in qof muslim ah oo muwaadin sheeganaya islamarkaana inala wadaaga, diir, diin, iyo dal, uu khiyaamo intaa le_eg ula badheedho dalkiisii iyo dadkisii, waxay daarasadni shaaca ka qaaday in ganacsatada dalkeena qaarkamidi magacaabi maynee, ay debeddaha ka keenaan alaabo tayadeedu aad uga hoosayso intii adduunku ugu talogalay,  ee waxtarkeeda looqiyaasay, tusaale ahaan bal kawaran , DAAWOOYIN bilaa tayo ah, iyo kiniino aad quruurux moodo oo bukaanka lagu gurayo uun waxna aan ka tarayn, subxaanalaah, somalida dhexdeeda waxba kuma qarsoomaane iyaguunbaa isfashiliyay oo kasheekeeyay.

Bal akhriste qiyaas raashin ama alaab wakhtigiisu dhacay, oo intoo date-ka laga bedelo dadkii laga iibinayo, subxaanakka yaa caddiim, intay khatar caafimaad leedahay, kudarsoo ganacsadahaasi wuxuu doonayaa inuu faaiido, oo tollow ma inuu dad walalihii ah waxyeelo ayuu faaiido kubedelanayaa?

Tayada alaabta aysoo saaraan wadama qaarkood iyo shirkadaha qaarkood ayaa dadka soo jiita oo aad loo dalbadaaa, tusaale ahaan, dharka turkiga ah, dadku way jecelyihiin, bal kawaran ganancsatada inta wadan kale lagusoo sameeyo warshadda ay ka samaysanayaan ku odhanaya waxaad noogu qortaa _|”made in turkey” si looga iibsado lacag qaali ahna usiiyaan, dhinaca kale waxay daraasadu tilmaantay dad iyagu usoo shaqo tagay waxyaabo aysan cilmi ulahayn, oo intuu xoogaa ka bawsaday, ama khibrad kayara helay, kadib hungurigu u geeyay inuu sheegto inuu arimahan takhasus u leeeyahay, tusaale ahaan waxay daraasadi tibaaxday in nin dhakhtar ahi shaybaadh qof u diray, kadib shaybaadhihi usoo qoray qofkan waxaa haya kansar, kadib markuu dhaktarki u sheegay wixii shaybaadhuhu kahelay uu qofki isagoo ooyaya kabaxay dhakhtarkii illayn kansar aan dawo lahayn ayaa lagu sheegee, laakiin nasiib wanaag dhakhtarki wuxuu u raaciyay talo ahayd bal inuuu dalalka jaarka ah iskasoo baadho gaar ahaan Ethiopia, qof bukaanka ahaa wuu qaatay taladii dhakhtarka isagoo niyad jabsan oo quus taagan, ayuu Ethiopia tagay kadib waa labaadhay waana laga waayay kansarkii lagu sheegay, dabeeto naxdintii farxadbaa kadanabaysay. Subxaanakka yaa cadiim, marka tusalahani wuxuu kutusanayaa mushkiladda ay leedahay waxaan cilmigaaga ahayn oo aad kushaqayso.

halkan kumasoo koobi karnee dhibaatadaa khiyaanada ganacsadayaasha ayaa aad bulshadeena usaamaysay.

Khataraha kadhalankara haddii aan xal loo helin.

  • Waxyaabaha kadhalankara haddi mushkiladaha noocan ah aan xal loo helin waxaa kamida, DHIBAAATOOYIN CAAFIMAAAD oo suurtogal ay tahay in maarayntoodu adkaato.
  • Waxaa ka dhalankarta dhibaato bulsho, oo haddii dhaqanka khiyaanada iyo beentu bulshada kubaaho oo dadku u arkaan wax caadi ah, waxay kadhiganatahay bulsho diinteedii, dalkeediiba dhaawacday.

Sikastaba ha ahaatee haday sii

Suaal iswaydiin mudan ayaa waxay tahay maxaa sababay mushkiladaha noocan ah? Daraasadu waxay xustay in waxyaabaha sababta u ah ee ugu waawayn ay kamidyihiin, 1- sharciga iyo fulinta dawladda oo an sidii loobaahnaa ahayn, 2- qalabkii lagu baadhilahaa (lab) oo aan dalka oolin, 3- iyo ganacsadaha oo an masuuliyad isasaarin.

Haddaba ganacsadow hadduu sharci dawladeed ku xidhiwaayay, oo cidi si joogta ah kuugu dabagaliwayday miyay diinta ku xidhiwayday? miyuu damiirku kuxidhiwaayay? oo miyay dadnimadu ku xidhiwayday? Subxaaanakka yacaddim

Talooyin Daraasadda:-

  • Ganacsatada waxaanu leenahay illaahay ka cabsada oo haddii sharci dawladeed idin xidhiwaayay diintu ha idin xidho, oo damiirku ha kuxakameeyo, oo masuuliyad muuji, addunyaduna waa imtixaane ha ku dagmin.
  • Dawladda iyo haayadaha kushaqo leh arrimaha ganacsiga iyo qiimaynta tayada alaabta, fadlan hayadaasi ha qaadaan talaabooyin waxku ool ah, oo lagu xalinayo dhibaatooyinka noocan oo kale ah.
  • Laga hawlgalo sidii loo helilahaa qalabka baadhidda tayada, gaar ahaan waxyaabaha asaasiga ah, sida daawooyinka, iyo cuntooyinka.
  • Haayadaha ay khusaysaa waa in ay dabagal joogto ah sameeyaan oo ay talaabo ka qaadaan dadka iibinaya waxyaabaha dhacay, ama tayadoodu ka hoosayso intii caalamku u qorsheeyay.
  • Columo awdiinku iyo aqoonyahanku waa inay door ka qaataan iftiiminta mushkiladdan islamarkaan ummad kawacyigaliyaan.
  • Shacabku waa inay wax ka iibsadaan dadka diinta iyo iimaanku xidhayo ee aan qiyaanadu ka suurtoobin.
  • Warbaahintu waa codka ugu xoogga badan ee manta bulshadu leedahay sidaa daraadeed waa inay kaalinteeda ka qaadato daawaynta mushkiladan bulsho.
  • Ururada bulshadu, iyo shaqsiyaad u ololeeya arimaha bulshadu waa inay kadhiidhiyaan wax kaste oo bulshada waxyeelo ku ah.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso