Heshiiska xisbiyadda iyo soo jeedintii dib u Dhigista Doorashadda
Madaxtooyadda waa Qayrul-Dastuuri
Marka koowaad ilaahay abaaraha ha inaga soo jabiyo bulshadeenii reer guuraaga ahayd duruuf adag ayay ku jirtaa Ilaahayow Raxmaadkaaga dhaqso maraqa uga fur Aamiin Aamiin Aamiin.
Waxaan halkan jeclaystay inaan idiinku soo gudbiyo khaladka sharci eek u jira heshiiska sedexda xisbi ee dib u dhigista doorashadda Madaxtooyada .
Su,aalaha ay tahay inaanu is waydiino oo jawaabo sharci loo helo waxay ka mid ah kuwan
- Yaa ku dhawaaqaya inay dalka abaar baahsani ka jirto?
- Waa maxay doorka Maxka,adda sare?
- Dastuurka jsl muxuu ka yidhi habka doorashadda Madaxwaynaha?
Dalkan jsl waa dal wax uu leeyahay Dastuur ka kooban 130 qodob guud ahaan una kala qaybsan shan qaybood, qaybahaasina waxa leeyihiin xubno, shaqnta qaybood ee uu dastuurka, waxaana Afti dadwayne lagu Ansixiyay 97% Sanadkii 2001 31May in kastoo gobolada qaar aan laga qaadin aftidaasi duruufo jiray awgood, sidii aanay doorashooyinkii 2002, 2003, 2005 uga qabsoomin Goboladda dalka qaarkood sida Sool Sanaag Bari iyo Buuhoodle, wallow ay xaaladu ka duwan tahay oo diiwaang galintii codbixiyayaashu ay inta badan ka hir gashay Goboladda dalka, intaasi waa iska hor dhace, aan gudo Galno jawaabaha su,aalahan
- Ku dhawaaqidda abaaraha
ku dhawaaqida abaaraha waxa u xil saran xukuumadda sababtoo ah wax jira hayada ka hortaga Aafooyinka NERAD iyadaana qarankan uga masuul ah inay sheegto hadaba xaalada abaraha halka ay marayaan siina war galinaya Madaxwayanaha iyagoo qiimaynaya xaalada markaas lagu jiro iyo sii odoroska hadii roobku dib u dhaco saamaynta ay dad iyo duunyahba ku yeelanayso iyagoo xogta la wadaagaya Hayadaha Caalmiga aha.
Xukuumada ayaa ku dhawaaqaysa inay jirto abaar baahsani iyadoo racinaysa Gobolada ama Degmooyinka ay ka jirto abaartu isla markaasna iskugu yeedhaysa cid kasta oo ay khusayso inay ka qayb-qaataan Gurmadka , baaq qaylo dhaan ahna diraya Aduun waynaha, sidoo kale waxa fadhi wada jir ah kaga doodaya abaaraha dabiiciga ah Labada aqal ee Golaha wakiiladda iyo Golaha Guurtida jsl sida ku xusan Qodobka 38aad farqadiisa 6aad Xarafka (X) ee Dastuurka jsl
- Maxkamadda sare
Ma jiro go,aan Maxkamadda sare jsl ama Maxkamdda Dastuuriga ahi ay ka gaadhay doorashada Madaxtooyadda, waayo ma jirin laba dhinac oo ku muran sanaa xiliga doorashada loo asteeyay, sababtoo ah Golaha guurtida ayaa ansixisay Muddo kordhintii 2015kii ee 22 bilood ahayd kuna eeg 28/3/2017, inkastoo ay guurtidu baal martay jadwalkii ay Gudida Doorashooyinku soo Gudbiyeen iyo soo jeedintii xisbiyada qaar oo ay sideed bilood oo dheeraad ah ku dareen isla markaasna ka baxsan qorshihii komishanka doorashooyinka.
Hadalkii ka dhashayna uu sababay inuu Madaxwaynuhu waydiisto talo bixin ama Tafsiir sharci ka bixiyo go,aankaas guurtidda Maxkamadda sare halkaas oo aan is leeyahay wax ku haboonaa inuu Go,aanka Guurtidda sidiisa ugu Gudbiyo Komishanka Doorashooyinka intuu Digreeto ku sameeyo waayo Guurtidu umay Hambayn Komishanka inay Asteeyaan Maalinta ay doorshaddu Qabsoomayso, markaas sida uu Gudoomiyaha Maxkamdda sare xiligaa uu sheegay in tafsiir sharci madaxwaynuhu soo waydiistay.
Sidaas darted ma jirto xukun maxkamadeed oo meesha yaalaa waxaana tusaale kuugu filan kala qaadistii labada doorasho Wakiilada iyo Madaxtooyada waxa ansixiyay golaha wakiiladda sidii kal hore dhacdayna Madaxwaynuhu wuxuu ka codsaday inay tafsiir sharci saarto maxkamadu kala qaadista labada doorasho,
- Habka Doorashada Madaxwaynaha iyo Muddo Kordhintiisaba
Dastuurka jsl Qaybtiisa 3aad waa Waaxdda Fulinta xubintiisa 1aad Qodobka 83aad ayaa si cad loogu qeexay Habka doorshada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha, Marka laga tago xeerka doorshadda Madaxwaynaha iyo Golayaasha deegaanka Xeer Lr 20/2001. Bal hada u fiirso Qodobkan hoose ku Qorini sidan ayuu u qoran yahay
QODOBKA 83AAD
HABKA DOORASHADA
- Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.
- Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
- Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.
4 Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.
- Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto
Waxaan halkan ka fahamaynaa ama inoogu cad in doorshadda madaxwaynaha dib u dhigisteeda inaan loo adeegsan Karin Abaar Muddo kordhinta madaxwaynuhu wuxuunbay ku iman kartaa Laba shardi hadii laga helo 1) Duruufo la xidhiidha Nabadgalyada 2) dib u dhac ku yimaada Habka Codaynta Liistada. Sidii Xiligii Madaxwyihii hore jsl Daahir Rayaale Kaahin, oo laba jeer muddo kordhin loo sameeyay sababtuna ay ahayd diiwaan galinta codbixiyayaasha sanadadihii 2008 2009 ilaa jun 2010kii.
Waxa kale oo aan halkan ku iftiiminyaa Doorashada Muddo kordhinteeda lagu salaynayo Abaabaraha aafooyinka IWM qodobka 42aad ee Dastuurka Qaybtiisa 2aad Waaxda Xeer-Dajinta xubinta Koowaad waxuu u qoran yahay sidan :-
QODOBKA 42AAD
MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA
- Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.
- Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore.
- Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.
Hadla iyo dhamaantii waxaa halkan inoogu cad inaan doorashadda Madaxtooyadu dib loogu dhig Karin asbaab ka baxsan mida dastuurku jideeday, wax kale oo iyaduna idiin iftiiminay faraqa u dhexeeya Muddo kordhinta Golaha wakiiladda iyo Madaxtooyada oo Dastuurku si cad u kala sheegay, ta soo jeedinta inaanay qabsoomayn doorashadu waa arin farsamo oo Gudida Doorashooyinka ayaa u xil saran iyagiina inamay odhan doorashadii ma qaban karno oo waxaas ayaa naga dhiman balse waxay soo jeediyeen in goobihii dadka laga diiwaan galiyay qaarkood dadkii ka hayaameen abaarta jirta awgeed sharciguna aanu u ogalayn in qofku gobolkuu doono ha iska diiwaan galiyee inuu goob kasta ka codayn karo oo jsl gudeheeda ah.
Waxaanu soo jeedin lahayn in doorshadda xiligeedii lagu qabto 28/3/2017 iyadoo la dabakhayo Qodobka 83 farqdiisa 5aad ee Dastuurka jsl lagana codeeyo Magaaloyinka dalka ilayn lagma Hayaamine, Gurmaddka dadka abaaruhu saameeyeena la xoojiyo, sidaas waxaan u leeyahay reer Magaalka iyo reer Guuraaga mar kasta waxa cod badan dadka Magaalooyinka degan igmana aha kaambayn aan xisiga Kulmiye ugu ololaynyo Xaasha laakiin ha lagu dhaqmo Dastuurka iyo shuruucda dalka ilayn Haduu Nidaamkeena dawliga ahi burburo Aafo ka wayni Ma jirto oo Golayaashii Qaranku Muddo dhaaf wadda noqdaan xataa sumacdii dunida aynu ku lahayn way sii daciifaysaa. Dadka abuuruhu hayaana halaga wada qayb qaato oo ha loo shaqeeyo sida wasiiradda Maaliyadda Jsl Marwo Samsam Cabdi Aadan, heshiiska xisbiyadda iyo soo jeedintooda Muddo kordhintuba ma waafaqsana Dastuurka jsl.
Garaqaan Hussein Mohamed Jama