Siyaasada Sicir Bararku Waa Gole-Ka-Fool Socona Mayso. Adeega Zaadka Waa Lagu Gefay.Sababaha Keenay Sicir Bararka & Xal Cilmiyaysan. “ Qormada Kowaad”

Madaxwayne Siilaanyo waxay qaaday tallaabooyin Gole-ka-fool ah oo aan cilmi  dhaqaale iyo maaliyadeed “ Fiscal & Monetary Policy “.  Adeega ZAADKU & Edahab  shaqo kuma laha sicir baraka . Waa adeegyo bulsho oo loo baahanyahay , muddo dheerna shaqaynaayay. Waxaan hoos ku sharxi doona sababaha keenay sicir bararka iyo tallaabooyinka ku haboon ee lagu xalin karo.
1). XADIGA LACAGTA  “MONEY SUPPLY
 Sicir bararaku wuxuu ku xidhanyahay  xadiga lacagta  ee suuqa ku jirta . Marka  lacagta suuqa ku jirta  badato,  waxa kor u kaca sicirka alaabta iyo khadamaadka “ goods & services” .  Sidu Eng Mohamed  Xaashi  Cilmiiftiimiyay , Wasiir Samaale saddex jeer ayuu soo daabacay lacag xad dhaaf ah oo  aan loo baahnayn.Lacagta xumi   waxay eryata  lacagta wanaagsan “ Bad money chases out good money “. Lacagta lasoo dabaacay waxay eryatay doolarkii oo qiimaheesa kor u kicisay.Lacagtaasi waxay  ka baxsanayd  “Budgetka” dawladda waxaana loo isticmaalay Doolar Uruursi US Dollar Hoarding’”, Olole siyaasadeed, Xaflado iwm. Markay doorashadu soo dhawaatay 70 ka  Wasiir & Wasiir Ku Xigeen waxay uruursanayaan doollar inta aan xukunka lagala wareegin.
2). KOOTO XIDH “ OLIGOPOLY “ 
 Somaliland waxay qaadatay nidaamka dhaqaale ee loo yaqaan  suuqa xorta ah “Free Market Economy “.   Xukuumadu waxay habkaas ku bedeshay  kooto xidh ‘Oligoboly”. Marka ganacsiga  kooto loogu xidho qof ama laba , waxay u suurta gelinaysaa  in  alaabta ay soo dejiyaan ku iibiyaan sicirka ay doonaan. Tusaale ahaan, shidaalka “ Fuel”  waxa kooto loogu xidhay koox-yar oo weliba lagu daray Haamahii  shidaalka. Sicirka Foostada baatroolka ahi wuxuu gaadhay  $ 114 per barrel bishii  May, 2014. Maanta qiimaha foostadu baatroolku  waxuu  marayaa  $ 45 per Barrel, balse litreka shidaalku  hoos uma dhicin gudaha Somaliland. Wuxuu weli taaganyahay halkii uu taagnaa May, 2014. Faraqa waxa jeebka ku shuubta kooxda yar ee kootada loogu xidhay  shidaalka  . Taasna waxa sababay kooto-xidhka uu Kulmiye keenay ee  lagu  naas nuujinaayo Gafanayaal iyo dhiigmiirato uu ka mid yahay  Gafane Ina Aw Saciid.
3) DOLLARISATION. Dhaqaalaha Somaliland waxa lagu tilmaamaa “ Dollarized economoy “. Waxay la macno tahay marka Xukuumaddu  kalsoonida kala noqoto   lacagta dalka “ Legal tender”  isla markaa  isticmaasho,kaydsato, kuna sicir goosato  Dollarka  Maraykanka.   Doolarku   waxa dalka kasoo galaa   qurbajoogta, dhoofinta xoolaha nool iyo NGO’s.  90% waxa dolarka urursada  Ganacsatada waawayn ,  iyo Xubnaha Xukuumadda.  Markuu doolarku suuqa ku yaraado qiimahiisu kor ayuu u kacaa, noloshuna way la kacdaa , waxaana ku dulman muwaadinka  aan doolar haysan . Dawladaha   “ Dollarised” ka  waxa ka mid ahPanama, Ecuador, Salavdor oo dhaqaalahoodu  ku xidhanyahay USA.  
4 )  KORDHINTA CASHUURTA  DADBAN “ INDIRECT TAX “.
 Cashuurta Dadbani  “ indirect Tax “ waa cashuurta la saaro alaabta ganacsiga ee laga soo dejiyo dekedaha  sida bariiska, timirta, dharka, saliida  iwm.  Marka la kordhiyo Cashuurta dadban , ganacsadahu sicirku kordhiyaa,  waxa dhaca sicir barar dhibtuna waxay gaadha saboolka.Xukuumada Somaliland  waxay  si isdaba-jooga u kordhisaa  cashuuraha dadban.Waxa  ugu danbeeyay cashuurta  xad-dhaafka ee dhawaan la dulsaaray kontainerada   oo kor-kacay 67%. 
La soco qormada danbe “ Xalka  Sicir Bararka “
 
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

Advertisement

Ku Xayeysiiso