Sixirbabarka Somaliland Xal Looma Waayine Xog Dhab Ah Baan Lahayn.

Sixirbararku wuu ka dhacaa adduunka howgu badnaadan wadamada africanka ahi waxaana sababa factors badan lakin sixirbabrka Somaliland waxaa ugu wayn ee sabababy waa saddex qodob oo  kala ah:-

 

  • Lacagtii dollarka ahayd ee inaga soogeli jirtay ganaciga iyo xoolaha nool oo hoos u dhacday(Trade deficits)

 

Wadankastaaba waxa uu dhoofiyaa(Export) waxa uu hodanka ku yahay waxaana kasoo gala lacag badan waxana uu lasoodagaa wuxuu u bahan yahay(im port). Haddii aykala bataan waxaad dhoofiso iyo waxaad lasoo degtaa oo ay badato qarashka aad lasoo degtaa waxay keentaa sixir barar waana ta manta ina haysata.

Somaliland waxa ugu badan aydhoofisaa waa xoolaha nool waxaana lagu qiyaasaa sanad kasta inay inaga soo galaan ugu yaraan 250 million oo dollar oo haddii lasii daadago noqonaysa bilkasta 21 million, maalinkastana noqonaysa 700000$. Markaad ina barbardhigto wadamada caalamka ee horumaray waxay ka noqonaysaa wax yar lakin inaga waxay inoo tahay wax wayn waayo waxa ugu wayn ee aynu adduunka ka iibino noloshenuna ku xidhantahay waa iyaga.

Dhanka kale waxaynu samaynaa import oo waxbaynu la soodegnaa waan ta ugu badan ee ay inagaga baxdo lacagta adage e dabda u baxda sababtana inuu dollarku yaraado. Markasta oo lacagta kaabaxaysa iyo ta kusoo galaysaa aykala bataan oo waliba ta kaabxaysaa badado waxaa qasab ah in lawaayo lacag lagusoo bedesho waxaynu lasoodegi lahayn.

Waxaynu ka warhaynaa in lajoojiyey xoolihi aynu dhoofin jirnay kadibna halkaa waxaa hoos u dhacwayni ku yimid lacagti inasoo gelijirtay waxanay sababtay in ganacsatadi wax  soodejin jirtay radiso lacag dollar ah ooy kusoo iibsadan maceshada iyo alaabta  ay debeda ka keenan taasoo keentay in lawayaba dollar oo Somaliland shillinkuna qiimihisu hoos u dhaco.

ZAADA IYO E-Dahabku waa local waa lacagyow dollar ah oo aynu isku wareejino qof to qof, gobol to gobol ee maha lacag debeda inooga baxda. Waxad arkaysa xafiisyada shirkadaha dad lacag kala baxaya iyo qaar dhiganaya taas oo ku tusaysa inay tahay give and take.

Waliba ku darso ZAADKA IYO E-DAHABKA waxaa inoogu soodhaca lacgyowga dollarka ah ee debeda inooga yimada ee ah fundska amma income kale ee marka xoolaha laga tago inasoo gala ee eheladena qurbuhu inoosoo diran markaa cash outflow ma sameyan ee tii laynoosoo diray iyo yanu dhiganayba waynu isku dhex wareejiraa ee debeda uma saarno.

Labada qodob ee kalana la soco iyo samayntay ku leeyihiin sixirbararka iyo xidhiidhka ka dhexeya Zaad iyo E-Dahab…..wa Billahi towfiiq……..

By Jama Mohamed Ali

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso