“In uu qiimo-dhaco shillinka Somaliland, waxa kaw ka ah dawladda. Sababta oo ah iyada ayaa diiday in ay isticmaasho oo ka door biday Dollar-ka”.
Dawladdu waxa ay ka kooban tahay saddex haayadod oo muhiim u ah habsami u socodka nidaamka dawladnimo kuwaas oo is dheeli tiraya. Sidoo kalana isla xisabtamaya. Waxaana ay kala yahiin (Fulinta, Sharci Dajinta iyo Garsoorka). Fulintu waa qaybta ugu muhiimsan nidaamka dawladnimo. Fulintuna waxa ay hawlaha qaranka u fulisa si ay ugu adeegto Shacabka/muwaadinka. Waxaana ay ka kooban yahiin haayadu u abaabulan ama u igman shaqooyin gaar ah.
Hadaba marka ay timaado arinta qiimo-dhaca lacagta wadanka iyo marka ay timaado sicir barar uu keeno qiimo-dhaca lacagta wadanku. Arinta waxa u qaabilsan xukuumadda BAANKA DHEXE. tahayna in uu wax ka qabato.
Baanka Dhexe aya masuul ka ah lacagta dalka. Haday noqoto, soo daabicidda lacagta ama lasocodka lacagta suuqa ku jirta. (Loanable fund). Iyo dheeli tirka suuqa lacagta (Baahida iyo Baahi-tirka lacagta) (Supply and Demand for money).
Marka ay howsha Baanka Dhexe sidaa tahy. Waxaad mooda in Baanka Dhexe ee Somaliland aanu qaban dhamaan shaqooyinka aynu kor kusoo sheegnay, oo ay ahayd in uu qabto. Lakiin waxa uu noqday oo kaliya meel lacagta lagu xareeyo oo hadana laga soo qaato. (QASNADA DAWLADEED).
Waxaana hawshiisi haya cid kale. Sida Wasaaradda Maaliyadda oo iyadu caadaysatay soo daabicidda lacagta shillinka Somaliland. Waxaana sanadadhii 2012, 2013, 2014 iyo 2015 ay Wasaaradda Maaliyaddu soo daabacday. (180 Billion). Oo miisaaniyad kasta afarta sano waxa ku jiray 45 Billion oo Somaliland Shillin ah oo lasoo daabacay.
Dhanka kale marka ay noqoto in suuqa lacagta wax laga qabto. Sida qiimo-dhaca shilinka ku yimid. Waxaad arkaysa iyado oo golaha wasiiradu kulan dag dag ah ka galayaan arintaas.Oo ay go’aamo kasoo saarayaan wax lagaga qabanaayo qiimo-dhaca shillinka. Kaaga darane uu gudomiyahii BAANKA DHEXE ee shaqadiisa ay ahayd in uu arinta wax ka qabto ama amar kasoo saaro uu leeyahay sidii uu yahay cidamadii amniga Police. “Waxaanu fulinayna amarka golaha wasiiradda”! “Miyaanay ahayn, in aynu Tamaandho beeranayno oo aynu doonayno timir in ay inoo soo baxdo?”
Dhibta ugu badan ee keentay qiimo-dhaca shillinka waxa keenay dawladda Dhexe (Xukuumadda). Gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda. Oo iyadu soo daabacda lacagta, sida aynu kor kusoo sheegnay, halkii uu Banka Dhexe ee Somaliland ka soo daabici lahaa hadii loo baahdo. Waxaad ka arki karta Shaxda sawirka hoose.
DOORKA XUKUUMADDA EE QIIMO-DHACA SHILLINKA SOMALILAND.
- Dawladdu cashuurta waxay ku qaada Dollar.
- Dawladdu waxay wax ku soo iibsata Dollar!.
- Dawladdu waxa ay ugu deeqda arimaha abaaraha iyo wadooyinka ay beelahu dhisanayaan iyo dhamaan mashaariicda horimarineed ee ay ka qayb qaadanayso!.
- Kiradda guryaha ay dawladu ku jirto waxa ay ku bixisaa Dollar.
- Dawladdu waxa ay 2012, 2103,2014 iyo 2015 soo daabacday lacag Shillin ah oo ay sanad walba soo daabacaysay (45 Billion). Waliba noodh adag ah. Sida Slsh (5,000 iyo Slsh1, 000). Arintaas oo si wayn u qiimo riday lacagta shillinka Somaliland kana saartay lacagtii 100 shilin iyo 50 shilin ahayd.
- Dhamaan shaqadii Baanka Dhexe oo ay Wasaaradda Maaliyaddu ka qaaday kana dhigtay meel lagu xareeyo lacagta dawladda (Qasnadda Dawladda)
ZAAD IYO E-DAHAB MISE XUKUUMADA?
Wadarta wax soosar ee dalka ee afka qalaad lagu yidha (GDP). Waxa uu ka kooban yahay (Kharashka Dawladda + Isticmaalka + Maalgashiga + Waxaad dhoofiso – waxaad soo dhoofsato) (G+C+I+nx)
Dawladdu waa iibsadaha ugu wayn adeega iyo agabka dalka. Kharaashka dawladdu waxa uu saameye dhamaan saddexda qodob ee kale. Waxaana ay dawladdu cashuurta ku qaada inta badan Dollar. Waxaana ay wax ku soo iibsata Dollar.
Kharashka dawladda ayaa samayn xoogan ku leh saddexda qodob ee kale. Hadii Dollar loo isticmaalo kharashka iyo cashuurta la saarayo agabka iyo adeega oo aan SLSH dawaladdii isticmaalin?, dhib ayaa ka dhalankarta sida aynu hada inagu ku jirno. Waana sidaasadda maaliyadda (Fiscal Policy). Dawladeenu ma leh siyaasad maaliyadded oo cad oo ay wax kaga qabato sicir bararka iyo qiimo-dhaca shillinka ama u wanaagsan dhaqaalaha dalka. Aan ka ahayn miisaaniyaddi waanu kordhinay 27.5%.
Marka ay sidaa tahay sidee loo odhan kara ZAAD iyo E-Dahab halaga dhigo Shillin? Iyada oo lacagtii caadiga (Noodh) ka ahayd Dollar lagu isticmaalayo?
Ma Dollar-ka ZAAD iyo E-Dahab dhexmaraya ayaa qiimo tiray shillinka? Mise lacagta Dollarka bidaarka ah ee dawladu isticmaalayso? Haday noqoto lacagta ay Cashuurta ku qaadayso ama lacagta ay wax ku iibsanayso.
Mise marka uu caadiga yahay isticmaal kiisu waa caadi Dollar-ku oo wax uu qiimo-dhac ah kuma keenayo shillinka? Lakiin marka aad ZAADka dhigato ayuu shillinka meesha ka saarayaa?
Su’aalaha kore, wax jawaab ah oo ay xukuumadu ka bixisay ka hor go’aanadii ay ku xayiraysay ZAAD iyo E-Dahab ma jiraan!
Walina lama hayo wax cadayn ah ama cilmi baadhis dhaqaale yahan sameeyay oo lagu ogaaday in ZAAD iyo E-Dahab sababay qiimo-dhaca Shillinka. Aan ka ahayn in ay kor u qaadeen isticmaalka Dollarka (Dollarization). Taasina waa baahi ay xukuumadu hore u abuurtay in Dollar wax lagu kala iibsado markii ay iyadii si xoogan u isticmaashay Dollarka qiimo-ridayna shillinka.
Baahidda Dollarka waxa abuuray dawladda, iyadaana soo celin karta aaminaada iyo kalsoonidda Shillinka. Hadii ay cashuurta ku qaado shillin, waxna ku iibsato shillin. Waa la isticmaali lacagta shillinka Somaliland qiimana waa uu yeelan doona. Hadii kale waa ujeedo kale arinta ZAAD-ka uun looga dhigtay xalka.
Walina xal iyo siyaasad lagu xakameeyo qiimo dhaca shillinka may keenin xukuumaddu. Go’aamada ay soo saaraysaana waa xin iyo xaasid. Ee xal maaha lagu xaalinaayo qiimo-dhaca iyo sicir bararka ka jira dalka.
HADABA XALKU MAXUU YAHAY?
Waxaan ku talo bixin lahaan si xalka iyo xalinta dhibta qiimo-dhaca shillinka uu u noqdo mid midho dhal ah. Talooyinkan.
- In lacagta adag ee dalka ka baxaysa gaar ahaan lacagta, Qaadka ee Itoobiya inaga aadaysa xal loo helo. Waana in xukuumadu kusoo qancisa dawladda Itoobiya in ay lacagta Itoobiya (Birr) inagaga iibiso qaadka. Inta lagu mashquulaayo Madaarka Berbera ee kolba diyaarado loo raacayo wax aan dan u ahayn dalka.
- Baanka Dhexe waa in uu amar kusoo saara in dawladu isticmaasho lacagta Shillinka. Oo Cashuurta lagu qaado. Waxna ku soo iibsataa Dawladdu.
- In Wasaaradda Maaliyaddu ay shaqadiisa u dhaafta Banka Dhexe oo hada ah meel lacgata lagu xareeyo oo aan shaqadii Baanka hayn. Loona sameeya gudi (Board) Banka Dhexe.
- Marka baahida loo qabo Dollarku yaraato ee dawladu qaadato qodobka 1aad, 2aad iyo 3aad ayaa wax laga qaban kara ZAAD iyo E-Dahab. Inta aan Dawladdu fulin qodabada kore wax laga qaban karo qiimo-dhaca shiliilnka iyo sicir bararka majirto. Waxaana umuuqanaysa in ay ujeedo kale ka leedahay arimaha ganacsiga xorta ah xukuumadu oo aanay xal waara doonayn.
ARINTA JAANGOYNTA XUKUUMADDA EE QIIMAHA SARIFKA.
Xalku maaha in ay dawladdu tidha anaga ayaa qiimaha sarifka jarayna. Mana jirto aduunak meel ay dowladi qiimaha ku goyso amar. Lakiin waxa ay samaysa in ay dajiso siyaasad lagu xakameeyo sarifka. Sida siyaasadda lacagta (Monetary Policy) oo ay suuqa soo galisa lacag Dollar ah kana saarta suuqa lacagta shillinka si ay ugu fadhiisiso haka ay doonayso in uu ku fadhiisto sarifku. Sidoo kalena Dollar-ka Itoobiya taga xal dag dag ah laga gaadha. hadii kale waxan oo dhani shaqayn maayan. waayo wali qul qulka dolar-ka ayaa aad u badan. waana dhiig bax dhaqaale.
Yasin Calase
Senior Lecturer: University of Hargeisa
E-mail:calase21@hotmail.com