Hooyadood Muumini aduunyada waxay ka eegtataa afrataa qof , iyadoo aad u jecel, waa hooyo cibaado badan, isla markaana ku barbaarisay caruurteeda samaha iyo wanaaga iyo jidka toosan, waa hooyo jaarku jecelyahay oo u samo fasha, alle ha daayee waa hooyo dadka ugu yeedhay khayrka iyo wanaag.
Alle ha- unaxariistee Abbihii dhalay afarta caruur ah Marxuum Cali wuxuu xijaabtay 4 sano ka hor , iyadoo markii uu xanuunka uu u geeriyooday uu haleelay aabahood ay hareero joogeen labadiisa wiil Sheekh Weli iyo Waaberi,walaashood Qamar iyo hooyadood muumina, waxa uu kula dardaarmay in ay illaaliyaan hooyadood oo ay daryeelaan, isla markaana ay dadka ehelkooda ah caawiyaan , xidhiidhiyaan qaraabada iyo ehelka, isaoo inamadiisa ugu dar-daarmay in ay isku duubnadaan, waanu u duceeyey marxuumku afartiisa ubad ah iyo oridiisa muumina.
Sheekh weli waxa uu soo maray rafaad aduunyo, isagoo ahaa xaraaska xoolaha , kaari iyo shaqooyin kale oo adag, dhar wuxuu ka lahaa shaadh iyo surwaal keliya, balse hadda sheekh weli ayaa la yidhaa gadhka ayuu la baxay surwaalkana wuu gaabsaday waana malqabeen ganacsade ah, isagoo illaahay unimceeyey kana baxay rafaadkii aduunyo, Sheekh weli intiii hore waxa uu ku jiray hanti urursi iyo shaqo aduunyo, lakiin hadda ayuu guursaday.
Walaalkii Waaberi waa deeqsi dun wacan oo qofka bartaa aanu ka xiisa goyn, shantiisa saladood uu tukadaa, balse jeebka ayaa ka madhan, waa aqoon yahan cilmiga diinta iyo maadiga bartay.
Waaberi iyo Sheekh weli ayaa habeenkii xigay haddana isgugu yimi kullan ka culus kii hore, isagoo waaberi usheegay in aanu hore duunyo uga soo martiyin , balse uu maanta ka rabo lacag ka yar & 1000 , taasi oo uu doonayo inuu ku darsao in uu meelahaasi ka soo ururiyey, kuna d doonayo gabadh uu jecel yahay, isla markaana uu rabbo inuu dhakhso ugu soo celiyo lacagtaasi , lakiin nasiib darro Sheekh weli ma tixgelin dalabkii walaalkii waaberi waxaanu galay calaacalkii iyo qiiq isku qarintisii, i iyadoo ay xusid mudantahay inuu sheekh weli maal-mo yar ka hor lacago dhawr kun oo doollar ah uu siiyey nin kale sidaana waxa noo xaqiijiyey ninka ay qisadan aan idinla wadaagnay ay ku dhacday.
Gunaanad Waaberi ayaa kala huleeyey farro madhnaa iyo calool xumo, isagoo walaalkiisi uu miciinka soo biday u juuqi waayey, isla markaana moodaya aduuynyada in xoog iyo xirfad lagu hello,
Waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan Tuducyo yar oo aan ka soo dheegtay Gabay uu tiriyey Waaberi Cali oo aan sheekadan ka soo xiganay
Tuducyadan waxay kamid yhiin gabay uu Waaberi u tiriyey walaalii Sheekh Weli.
Lasoco Gabayadan iyo qisadan taxana ah oo aan dib idiinla wadaagi doono