Abaar ba’an !
Qalinkii: Alice Rowsome
Turjumaadii: Yahye Xanas.
Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa qoraal kooban oo ay Alice Rowsome oo safar gaaban ku timi Somaliland ay kaga dareen celisay Abaarta dadka iyo xooluhuba ku le’deen ee ka dhacday Geeska Africa.
Hargeisa: “ Kani waa neefkaygii ugu dambeeyay”! ayuu ku cataabay Dacar Yusuf Galaydh, oo ah 75 jir dul-taagnaa dameerkiisa oo dhulka jiifa oo macaluul iyo gaajo awgeed boodhka galgalanayay. Markasta oo neefka mid ah xoolaha reerka uu ka baxo ama dhintaba Dacar waxa uu raqdiisa u jiidayay kambalka gurigiisa si uu halkaas haada iyo dugaagu si sahlan u cunaan. Tani waa abaarti ugu darnayd ee muddo labbo qarni ah ku dhufata Geeska Afrika, waxaanay dishay Lo’dii, adhigii iyo riyihii uu laha Dacar, Dhammaan waa wada dhinteen xattaa dameerkii kama hadhin, eeg wa kii ugu dambeeyay!
Halka aan safarka ku joognaa wa Buurta Gacan-libaax, oo ku beegan badhtamaha Jamhuuriyada Soomaliland, oo uu ku noolyahay Dacar 40 sanno kuna soo mareen waayo kala duwan. Haatana lasoo daristay xaaladii ugu adkayd iyo abaartii ugu cuslayd ee uu muddaas inta le’eg ku qiimeeyay tii ugu darnayd. Hase yeeshe warkooda lama qabo, waa la dayacay oo Hay’adaha gargaarka iyo Dawladduba wax tabantaabo ah kuma qabaan Dacar iyo boqolaal kale oo u dhashay Deegaankan iyo Guud ahaan Soomalilanba.
“ Waanu arki jirnay Abaar laakiin tan oo kale namay soo marin abid” . Fiiri da’dayda! Ayuu yidhi Dacar oo ku sii socda ceel engegan oo ay tuuladdu ka cabbi jirtay. Roobabkii Gu’ga oo aan ka di’in ayaa sababay in Abaartu jiitanto. Ceelashu gudhaan oo inkabadan labbo saacadood u dhaan tagaan iyagoo isticmaalaya dameerahooda. Haseyeeshe “haddeer xaalkayagu waa adagyahay oo waxan ku jirnaa xaalad deg-deg ah” ayuu yidhi Dacar oo ay ka muuqato quud darrayn hay’adaha gargaarka iyo gaabis uu ka tirsanaayay dawladda.
Deegaanka Gacan-libaax waa deegan ka tirsan Somaliland oo lagu xasuusto goob ay ku noolyihiin xayawaano kala duwan iyo kaymo quruxbadan. Dhulkan buuralayda ahi waxa saamayn taban kaga tegay dagaalkii ka dhacay dhulka Somaliland 1988. Ka dib markii colaadihii ay ku baaheen Gobolka oo dhan, ee ay hab-maamulkii iyo maarayntii dawladdu meesha ka baxday, waxa sidoo kala guuray magoolkii iyo milgihii dhulkana lahaa. Ku dhawaad Soddon sannadood, marka laga reebo Hay’ad aan dawli ahayn oo lagu magacaabo Candlelight oo waqti gelisay ka warqabkan iyo daryeelka Buurtan Gacan libaax. Waxa meesha ka baxay noloshii isku dhafnayd ee dadka, dhirta iyo xayawaankuba ka helayeen aasaasiyaadkooda nolosha sida hoy, hoos, iyo cunaba. Abaartan baahsan ee a jirta Gacan libaax waxa ay kala siman tahay badiba dhulalka Somaliland ee ay ku dhufatay isbedelka cimilada ee deg-dega ah (EL NINO) oo halkii ugu saraysay gaadhay kadib markii aan saddex sanno oo isku xigga la helin roobabkii Gu’ga iyo Dayrta, kuwaas oo lagu tiirsanaa.
Intii aan ku guddo jirnay socdaalkayagii waxaan la kulanay Xaawa Xuseen oo ah 65 jir kuna sugnayd isla deegaanka Gacan libaax. Waxay tidhi “ Waxaan lahaa labba tiro oo adhiya, lo’ badan oo ii ahaa il-dhaqaale oo caanahood iyo cadkoodaba aan gashi badan ka soo xarayn jiray. “Haatanna waxa ii hadhay hal Sac, wax kale ma hayo!” “ Dhaqaale ma hayo, anfaaco ama cunto ma hayo”. Haddii aan xisaabiyo dhammaan hantidayda waxay go’naysaa quudka aan ku noolan karo 5 caannomaal oo keliya, oo aan hal waqti oo keliya wax cunno shantaa cisho ee soo socota”!
Xaawi waxa kale oo sheegtay in caruurtay ayeyda u tahay dhamaantood nafaqo darro iyo macaluuli hayso. Laakiin Dacar oo ahaa Odayga reerka aya ku daray in haddii si deg-deg ah arrinkan wax looga qaban-waayo uu kasii cakirmi doono xaalku taasi oo keeni karta dhimasho ay sababto harraadka iyo gaajada haysataa.
Anoo dul-saaran gaadhiga boodhka iyo habaasku oogadiisa buux dhaafiyay oo aanu Hargaysa usoo laabanaynay waxa ay dhaayahaygu hayeen siigada, buska iyo dabaysha qalalan ee haysata degaanka oo ka dhigtay Lama degaan. Muuqaalkan iyo cabashadii ba’nayd ee Dacar iyo Xaawa ayaan ka garaabay kadib markaan indhahayga ku arkay balliyo gudhay, raqda xoolaha oo sit teel-teel ah u daadsan haaduna miranayso iyo kaymo xaalufsan.
Xooluhu waa isha dhaqaale ee ugu weyn ee Somaliland ka hesho lacag adag marka laga yimaado lacagaha Dibadda lagasoo diro. Dadyowga Somaliland boqolkiiba lixdan (60%) waa xoolo-dhaqato. Haddii ay xoolihii abaartan ku le’daan taas macnaheedu wa kumanaan kun oo Soomali ah bay ku qasbaysaa inay hayaamaan.
Gebagabadii, abaarahan ba’an waxay si toos ah iyo si dadban ba u daciifiyeen wax-soo-saarkii iyo horumarkii bulshada Somaliland iyada oo sababtay khasaare mid maal iyo mid nafeedba ah. Sidaa darted waxaan usoo jeedinaynaa xukuumada iyo hay’adaha gargaarka si ay u samato-bixiyaan dadkan tabaalaysan.
W/Q: Alice Rownsome
W/Turjumay: Yaxye Maxamed Cabdi (Yahye Xanas)
E-mail: xanas08@gmail.com
Alle Ha inaga soo jebiyo Abaaraha.