GOOGOL DHIG
Waa mihiim in aan ka hadalno, ka faaloono arimaha siyaasadeed ee dalkeena, geeska afrika iyo aduunkaba, waxa aan jeclahay in aan qormadaydan yar ee kooban aan ku sifeeyo doodii ay shalay qabatay idaacada BBC laanteeda afka somaliga.
Doodaasi waxa ka qaybqaatay khaasatan marka aan xuso masuuliyiinta Somaliland
Gudoomiyaha baarlamanka Somaliland ahna Guddoomiyaha iyo musharaxa xisbiga waddani CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI CIRRO
Geesta kalena waxa dooda ka qayb qaatay wasiirka madaxtooyada Somaliland, MAXAMUUD XAASHI CABDI
NOOCA DOODA
Doodani waxa ay sigaara u khusaysay saldhiga military ee berbera kaasi oo ay rabto dawlada imaaraadka carbtu, asaaska dooduna waxa uu ahaa dhanka sharciga uu ku ka cayo heshiiskani kuna xalaaloobaayo, labadaasi arimood wax ka baxsan doodu may khusayn. Cidii wax kale ku biirinaysaana iyada ayaa taqaan halka ay ka soo galinayso.
SIDII AY U DHACDAY DOODU
Doodu waxa ay u dhacday qaab ah duris iyo difaac, taasi oo uu duray gudoomiye cirro sharciyada qoraalkii la keenay labada gole, wasiirkuna qadiyadaasi difaacaayay sharciyadeeda
Dalka Somaliland waxa haga dastuur kaasi oo dhamaan shuruucdiisu ku dhisan tahay kana farcamaan xeerar qeexaaya dastuurka oo ay soo saaraan barlamanku.
Xukuumada Somaliland dastuurku waxa uu awood u siiyay in ay galaan heshiisyo, baarlamankana horgeeyaan si loogu ansixiyo ama loogu diido.
Haddii aynu si gaara u eegno mawduuceena ku sahabsan dooda ay bbcdu u qabatay labada masuul ee aan kor ku sheegnay.
Ugu horayn gudoomiyaha baarlamanka Somaliland dooda waxa uu ka istaagay dhanka sharciga isaga oo sheegay in waxa xukuumadu keentay goolaha aanu sharci ahayn dhankasta oo laga eego waxaanu ku sifeeyay dhawrkan qodob
1-sida uu dhigaaya qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland gooluhu man ansixiyo waxaan ahayn heshiis wixii la keenayna maaha heshiis dastuurkuna ma yaqaano waxa la yidhaa NUXUR.
2- sida uu dhigaayo qodobka 38aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegayaa in wixii heshiisyaa ee ay dawladu gasho waxa la horkeenaya goolaha wakiilada, sidaa darteed xukuumadu waraaqahan ay soo qortay waxa ay horgaysay labada gole mana ah taasi sharci.
3- waxa ay xukuumadu jabisay qodobka 49aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo dhawraaya ama ilaalinaaya xasaanada xildhibaanka, xukuumadu waxa ay xidhay xubno xildhibaanaa ciidan aan kuwii golaha ahayna wey soo galisay taasina waa af duub.
Dhamaan qodobadaasi marka aan eegno maaha sharci wixii ka dhacay labada gole hortooda waxaana sharciyada waafaqsanaa kaliya in la dhegaysto qudbada madaxweynaha.
Gudoomiye cirro waxa uu qadiyadan u dul istaagay si sharciya taasi oo aamusiisay wasiirkii madaxtooyada, dhamaan bulshadii reer somaliland ee doodaasi dhegaysatayna waxa uu u iftiimiyay sidii sharciyadu tahay dalkana waxa lagu dhaqaa waa sharci.
Dhanka kale wasiirka madaxtooyada maxamuud xaashi waxa sharci ahaan wuu difaaci kari waayay wixii ay goolaha keeneen waxa uu ahaa, qaladaadka uu galay sharciyan waxa ay ahaayeen in uu kala hadlo oo uu is buriyo
Mar wuxuu yidhi golayaasha waxa aanu horgaynay nuxurkii heshiiska
Mar waxa uu yidhi goolayaasha waxa aanu keenay heshiiska laftiisii
Markalena wuxuu yidhi ma jirto waxa heshiisa oo aanu galnay
Waxa kale oo uu yidhi wasiirku heshiiska rasmigaa waanu keeni doonaa golaha
Halkaasi waxa ka cad oo ka muuqda in wixii labada gole la horkeenay ay yihiin wax sharci daraa oo af duuba, wasiir maxamuud xaashi afkiisa ayuu isu tabceeyay.
Qaladka kale ee foolxumada ku ah wasiirku ee uu galay waxa uu ahaa mid weyn oo siyaasiya waxa uu tiraba dhawr jeer ku dhawaaqay in uu dalku uu ku jiro dagaal xulufaysiya oo u dhaxeeya SUNI iyo SHIICO, waxa is weydiin mudan sababta ku kaliftay wasiirka in uu qarankii nabdoonaa galiyo dagaal colaadeed
(habar dhali weyday aleelo ku foolatay)
Waxa dhibka intaa leeg galiyay wasiirka waa difaacida heshiiskan xaaraanta ah ee habayaraatee aan waafaqsanayn shuruucda dalka
Isku soo duubo waxa muuqdaa waa mushkilad siyaasiya oo xukuumadu dalkii galisay
Masiibadu aduunyada iyadaa umacalina
Nuuradiin Diini