Maxaa Keena Sixir Bararka Balse Saamayn intee Leeg Ayuu Leeyahay!!

 

 

 

 

Maxaa Keena Sixir Bararka Balse Saamayn intee Leeg Ayuu Leeyahay!!

 

❶Wax soosaarka oo yaraada: Ummadi waxa ay ku nooshay waxa dhulkeeda ka soo go’a ama ay kala soo baxdo khayraadka badaheeda, wixii la soo dhoofsadaa waa laba uun; in lagugu guumaysto caawimo lagu siiyo oo khalkhala galiya ganacsiga beeralayda yar yar suuqa ku cidhiidhya ama in ganacsatadeena lagu qaaliyeeyo waxa laga soo iibiiyo iyaguna dib bulshada ugu sii qaaliyeeyaan.

❷Shilinka oo suuqa ku soo bata: Mushaharaadka shaqaalaha dawlada, lacagaha qaadka, ta xoolaha iyo lacago kale oo shilin ah oo mar kaliya dadku suuqa ku soo daabulaan si loogu badalo dollar iyo bir waxay keentaa hoos u dhac ku yimaada lacagta qaranka maadaama ay sarifkeeda jaangoynayaan ganacsatada iyo sariflayaasha waa taas oo aanu banigaga dhexena faragin toos ah ku samayn Karin.

❸Shaqada bangiga dhexe oo meesha ka baxda: Shaqada aasaasiga ah ee bangiga dhexe waa inuu xaddido qulqulka lacageed ee qaranka, hogaamiyo siyaadda lacageed (monetary policy), ku maamulo bangiyada ganacsi xeerarka sharci dajintu meel marisay, isla markaana xaliyo qulqulatooyinka dhaqaale (financial crisis).

❹Sarifka oo is badbadala: Markasta oo lacagteena si raqiis ah ugu badalabo lacagaha qalaad, ogow lacagteenu way qiimo beeshaa, maadaama oo ay lacagteenu qiimo beeshana waxa aynu wax ku soo dhoofsanaa lacago badan, halkaasna waxa ka dhasha sixir barar soo dhoofsi badeecaadeed (Imported inflation).

❺Ribada oo la xalaashado: Dulsaarku(Interest) waxa uu markasta caqabad ku noqdaa la amaahiyaha oo marar badan caqabado ka soo waa jahaan soo celinta lacagtaas dulsaarku ku lamaan yahay taasoo aakhirka keenta in la xaraasho hantiyo badan oo muwaadiniintu lahaayaeen, waxa kale oo iyana jirta in markasta oo la bangiyadu shaaciyaan inay bixiyaan lacago cadaan ah waxa badata qaadashada lacagahaas dulsaarka, taas oo suuqa ku keenta mid amaah ku dhisan oo wax kala iibsigu ku yaraado.

❻Kharashaadka dawlada een daruuriga ahayn: Kharashaadka dawlada (government expenditures) ee aan daruuriga ahayni wuxuu booska ka cidhiidhsadaa kharashaadkii lagu kafaynlahaa adeegyada bulshada si muwaadiniintu si bilaash ama lacag raqiis ah ku fushan lahaayeen adeegyada bulsheed sida caafimaadka, warbarasha, IWM. (Kharashaadka dawlada ee aan daruuriga ahayn waxa ka mida safarada badan, xafladaha joogtada ah iyo kaambaynada doorashada oo kolba xisbiga xukuumiga ahi ku takrifalo miisaniyadda dawlada.

 

 

             Saamaynta uu leeyahay sixir bararku

 

Sidaan hore u soo xusay dhaqaalaha somaliland waa nidaam dhaqaaleedka suuqa xorta (free market econmy) waliba waa ka sii xoriyad badan yahay madaama aanay jirin xakamayn dawli ah (government restrictions). Ma ogi sharci ahaan inay jiraan sidaan Firaayana ma jirto badeecad ka mamnuuca suuqyada ee somaliland sida aduunyada kale.

 

Tusaale waxaan u soo qaadan karaa in laga heli karo suuqyada somaliland sida la sheego sunta (DDT) oo aduunida ka mamnuuc ah markii la ogaaday dhibaataday u leedahay naflayda iyo deegaanka.sidoo kale waxaa u soo dhoofa dawooyin copyga ah tayadoodana la hubin iwm.

 

 

 

Qaabkan xoriyada dhaqaale wuxuu ina dhaxalsiiyay inay dhacaan isku dhexyaacsanaan iyo qalaalaase dhaqaale oon mararka qaarla dareemi karin

xaaji(5)

 

mararka qaarna la dareemi karo balse waxaa si wanaagsan looga qiyaas qaadan karaa heer nololeedka bulshada {standard living}.

 

Bal aan balaysimo qeexid iyo iswaydiina ishuwino kana bixino kalmada sixir barar iyo sida aqoonta dhaqaalaha loo adeegsado?

 

Sixir barar (inflation) marka lagu qeexayo luuqada dhaqaalaha waa korodh guud oo ku yimaada xisirka/qiimaha guud (general price) ee ascaarta ama badeecadaha iyo guud ahaanba adeegyada kala duwan kaas oo socon kara mudo lagu qiyaaso ilaa lix bilood. Badiyaa sax maaha sida dadku u yaqaanaan ama u adeegsadaan kalmada sixir barar oo ah korodhka qiimaha ascaarta ama badh ka mida badeecadaha mudo gaabana socon kara  kor u kacan ay ku dhacaya badhka mida ascaarta waa ka duwanyahay waxaana sababa inta badan kala goa ku yimaada ascaarta. Hadaba sax maaha macne ahaan siday u yaqaanaan ama u adeegsadaan dad badani kalmada waxaana ka haboon in la yidhaahdo qiime korodh ama qaali sababtoo ah adeegsiga erayga aqoonta marka lagu eegayo iyo luuqada suuqu waxay samaynayaan macne aad u kala fog iyo xeeldheeraan xaga muga erayga iyo macnaha ah.waxaa se kalifa qalad u adeegsiga eraygan iyo qaarkaloo badanba xadays la”aanta afkeena hooyo ooy naan af aqooneed wali noqon iyo ka madhnaanta miqiyaaska cilmiga dhaqaalaha.

 

NOOCYADA SIXIR BARARKA.

 

Halkani waa halkaan diirada saari doono waana meesha mucda u noqon doonta maqaalkan iyo beegsiga dulucdeena soo bandhigida dulka xaadis iyo hoga tusaalaynta.

 

Sida dhaqaalayahanka dunidu u qaybiyaan ama la isla yaqaano walaw qaarkale jiri karaan-balse aanay sidaas u sii ridnayn xaga saamaynta raad ee dhaqaalaha-waxaa loo kala saaraa laba qaybood oo ka kala yimaada laba geesood oo kala ah

 

  1. Korodhka waxa iibsiga dadka (demand pull inflation).

 

  1. Korodhka qiimaha alaabta (cost push inflation).

 

Aan horaysiiyo taladaade tan badiyaa keena korodh ku yimaada sicirka allaabta sida waxa laga sameeyo (input) alaabta shaqaalaha,kirada,laydhka,iwm. Ta kale waxay ka ka timaadaa dhanka dadka sida iyagoo lacag helay aadna wax u iibsada waana sababta loo leeyahay wax iibsi (demand pull). Hadaba sidaynu wada garankarno dhaqaalaha kama yimaado labadan dhinac midkoodna sababtuna waxay noqonaysaa somaliland malaha wax soo saar {production} mana dhoofiso waxaan xoolaha ahayn oo la taaban karo dal ahaana waxay ku tiirsantahay soo dajinta {import} 99% waxa lagu dhex isticmaalo wadank waa wax laga keenay wadamo kale. mana jiro korodh lacageed iyo wax iibsi qayral caadi ah oo ka yaabinkara suuqa ama keeni kara sixir barar {access demand} taana waxaa kaaga maraga shaqo la’aanta baahsan iyo mushahar yarida ka jirta guud ahaanba gayiga somaliland.

 

Waxaa se ka jira somaliland waxay kaga gooni kaga tahay cajiibna ku tahay (unique) kagana duwantahay gabi ahaanba dhaqaalaha caalamka oo ah SIXIR BARAR ka yimid dhanka SARIFKA LACAGAHA (exchange rate inflation). Hadaba miyaanay ahayn halkii uu ninku lahaa hashu maanka gadaye ma masaarbay liqday oo kale waayo dhaqaale yahanku ma suurayn karo inuu jiri karo nooc sixir garasho caadiya iyo cilmiga dhaqaalaha dunida taariikhdiisa lagu arag intii la soo joogay diwaan dhaqaalana samaysmay dhibaato dhaqaale oo qiime barar iyo busaarad keeni karta.

 

Lasoco Qaybaha danbe.

 

Eng Mahamed Bedel

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso