Siyaasadda Togani waxay qayb ka tahay farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira.
Mar kale, waxa loola jeedaa awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa arragtida maamulka xisbiyadda siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda, mararka qaarkoodka waxa loogu yeedhaa inay tahay go’aan ama hadal ujeedo leh, sida; siyaasadda dadka, ururrada, kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo amaba ay tahay mabda’a hanuuniya go’aannada.
Fahamka ama marka loo isticmaalo sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay waxa lagu tilmaamaa Siyaasadda Tabani inay tahay farshaxan illaaq ah, danno loo eekaysiiyey in lagu tartamaayo mabaadi iyo hoggaamin, loogaga faa’ideysanaayo danno gaar ah, danaha-caamka ah ee guud.
Waxa iyana sidoo kale barbar socda Siyaasadda Togan, Siyaasi ama Wasiir, kaasoo oo ah siyaasiga haysta xafiiska guud ee ugu mudan Qaran- dowladeed, waxa kale oo lagu tilmaamo inuu yahay sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniint, loona carbiyey cilmiga siyaasadda kaasoo ku shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta, kuwaasoo noqda SiyaasiToggan oo ka fikira jiilka soo socda, ama Siyaasi Taban oo had iyo jeer ka fikira doorashadda soo socota.
Xisbiyadda siyaasadeedna waa koox nidaamsan oo iskuna duuban oo ka mid ah dadka, kuwaasoo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah, una diyaarsan sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen uu ugu guulaysan lahaa awooda dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo danno gaara leh oo dhaq-dhaqaajiya bulshada, isla-markaana jeclaysta inay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiin xisbiyada qaarkoodna ma jeclaystaan kooxahahaasi danaha gaarka ah leh, sababtoo ah, waxay ka lumiyaan ujeedada illaalinta awoodda qaran iyo xakamaynta geedi socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka iyo habka sharcigu u siiyey qaab-dhismeedka shaqo.
Laakiinse, haddana siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood waxay u haystaan siyaasaddu in ay tahay hab lagu day-dayo xanuunka, kuwaasoo heli og, ha jirto ama yaanay jirinbee, ama farshaxan qabow oo lagaga urursanaayo tijaarta kharashka tar-tanka ollolaha, codkana dadka saboolka ah, iyagoo waliba balan-qaadyadoodii kala illaalinaaya.
Dimuquraadiyaddu waa hab loogu tartamo siyaasadda awooda dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiye ku hoggaamiya nidaamka siyaasaddeed ee dejisan dalka, iyadoo loo marayo awood siyaasaddeed iyo in nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay, uu u badelo xukuumada hab-doorasho xor iyo xalaala ah.
Badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda, gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban, Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya, waxaan maxsuulka qormadaydan ku iftiimin lahaa waa sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, in Siyaasigu uu yahay Dadka (cod-bixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka iffaya hogga, waanay u soo baxaan iyagoo iibsanaya hoggag badan, waxaanay kala xushaan musharaxiinta xisbiyada siyaasadda, halka dadka qaarkoodna ay qiimeeyaan weedhihii diifta badnaa, qaarkoodna kuwii dheefta lahaa ee ka socday hareeraha xayn-daabka ay ku xeersanaayeen, soona gaadhayey qaybta kaydka xog-ururineed ee maskaxaha Dhageystayaasha, Daawadayaasha, Akhristayaasha iyo Qorayaasha, kuwaasoo kaga fal-celiya innay u noqdaan gaadh iyo gabood, halka kuwo kalena ay u soo qaataan tusaale iyo masaal.
Qoraa. Maxamed Faarax Qoti