Dhawaaq ayaa yeedhaya, kollaybana dhawaaqaas iyo dhegahaygu immika isma baranayaan oo hore ayey isku yaqaanneen, marmarka qaarna magacayga ayaa buu halkiiisa ii buuxiyaa! Gartay sanqadhu in ay tahay mid Aleen (moobil) ka timid, haddii aan gacanta ku tiigsadayna waxa aan wajigayga hor-keenay muraayaddii Aleenka, waxaana iigu qoran magaca saaxiib qiimo badan agtayda ka gooya, Yaxye Maxamed Jadeer, salaan ka gadaalna waxa uu I xasuusiyey ballan aanu ku lahayn Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa, goor-sheegtuna waxa ay tilmaamaysay 7:26 aroornimo, maalintuna waxa ay ahayd 25.Febr.2017. Kulan habeennimo, kaakac aroornimo ayaa uu leeyahaye, waxa aanu xalay aniga iyo dhallin-yar kale oo dhowr ahi ku ballansanayn in aanu iskugu nimaadno Maxkamadda, si aanu u dhegaysanno eedaha gacan-ku-rimiska ah ee lagu soo oogay Qoraa Sare Maxamed Baashe Xaaji Xasan, inkasta oo aanan anigu goob-joog ka ahayn halkii ay ballantu ka dhacday, haddana Aleenka ayaa uu saaxiibkay Mustafe Cabdi iiga soo sheegay aniga, Yaxyena sababtaas ayaa uu ii soo wacay, kadibna waxa aan si hal-haleel ah oo aan nidaamsanayn u qabsaday hawlo iga qabyo ahaa, muddo kadibna waxa aan u dhaqaaqay jihadii ay iga xigtay Maxkamaddu. Inkasta oo aan wakhti daahay (habsaamay), haddana waxa aan tegay iyada oo dacwaddii weli socoto, balse jawigu sidee ayaa uu ahaa.
Markii aan illaa soddon tallaabo u jiray Maxkamadda iyo kambalkeegaba, waxa aan arkay baabuur badan oo dhinac walba kaga xeeran Maxkamadda iyo buuq iyo sawaxan cirka isku shareeray. Buuqa iyo baabuurtu waa caado lagu yaqaanno agagaarka Maxkamadda, inkasta oo uu maanta buuqu intii hore ka sarreeyey. Waxa kale oo maanta indhahayga ku cusbaa askar badan oo ku hareeraysan agagaarka Maxkamadda, albaabada xidhan ee aan cidina geli karin iyada oo ay saacaddu tahay siddeedii aroornimo oo ah xilliyada ugu mashquulka badan iyo dad anfariirsan oo si aad ah u yaabban! Erayada dhegahaygu ay soo qabanayeen waxa ka mid ahaa: “Nin argagixiso ah ayaa immika la geliyey Maxkamadda”, “Mayee malaha nin dhagar-qaba ayaa la xukumayaa” iyo hadallo badan oo kale oo dhammaantood wada muujinaya sida ay ula yaabban yihiin ninkan meesha loo soo jiidanayey iyo sida loo ilaalinayo. Aniga laftaydu waxa aan rumaystay in dadka malahooga ay wax ka jiri karaan, maadaama oo aanan arkayn markii ninka lagu sii waday Maxkamadda, ugu yaraanna waxa aan aqoonsaday in aanu fududayn kiiska ninkan la keenay Maxkamaddu ee jawiga sidan u cakiray. Markii aan soo gaadhay goobtii buuqu ka jiray, waxa aan si ku-meel-gaadh ah u fadhiistay meel Makhaayad ah oo ku dhow xafiiska Xeer Ilaalinta ee ka soo hor-jeeda Maxkamadda, isla markiibana waxa aan la xidhiidhay saaxiibkay Jadeer, wax yar haddii aanu is dhaaf-dhaafnayna waanu is helnay, waxaana uu ii kaxeeyey halkii ay joogeen kooxdii ballanka aanu ku wada jirnay. Markiiba waxa ay indhahaygu qabteen Mukhtaar Ciise, C.raxmaan Saleebaan, C.kariim Axmed Mooge iyo Khadra Halgan oo dhammaantood iyaguna kooxda ku jiray. Waxa la iiga warramay sidii ay wax u dhaceen intii aan maqnaa, waxaana la ii tafaariiqeeyey sheekadii oo laga soo bilaabay mijaha illaa madaxa. Weli dacwaddii waa ay socotaa oo natiijo ma hayno, balse waxa aan ka waraystay sidii loo keenay goobta Qaraa Maxamed Baashe, sidii loola dhaqmay indhaha dadka hortooda iyo sidii uu jawigu ahaa markii Maxkamadda la geynayey, sidan ayaanay sheekadu u dhacday:
“Waxa la maqlay cod gaadhi ambalaas ah, markii uu dareenkii dadku u jan-jeedhsamay dhiniciisana, waxa ay indhaha dadku qabteen laba gaadhi oo midkood xaajiyad yahay, kaasi oo ay ciidan ka buuxeen, ka kalena uu yahay Laankaruusar nooca Cabdi-Bilaha loo yaqaanno ah, kuwaas oo is daba socday, midabkooguna buluug ahaa. Isla markiiba waxa is beddalay jawigii goobta, waxa heegan la geliyey dhammaan ciidankii ku hareeraysnaa Maxkamadda, waxaan cirka isku shareertay xaaladda cabsida leh ee meesha ka socota. Baabuurtu markii ay soo hor-istaageen Maxkamadda, Laankaruusarka waxa ka soo degay nin da’diisa lagu qiyaasay da’aha kontameeyada, madiixiisuna waxa uu leeyahay cirro, inkasta oo ay timihii madaxa qayb ka mid ahi is casishay (bidaar), katiinadna ay gacmaha kaga xidhan tahay oo laba nin oo dirays ciidan xidhanina ay hareeraha kaga jiraan, kuwaasi oo giir iyo qaroof iska kicinaya, iskana dhigaya in ay gacanta ku dhigeen cadow weyn oo dalku lahaa, iskuna haysta geesiyaal qaran. Sida loo ilaalinayana waxa lagu qiyaasi karaa ugu yaraan ninkani in uu qof dilay ama uu qaraxyo iyo falal argagixisanimo ku hawlanaa, ninkan magiciisu waa Maxamed Baashe Xaaji Xasan, waa Qoraagii weynaa, halgamaagii ummadda iyo geesigii hal-adayga lahaa, oo sidaas shacbiga hortiisa loogula dhaqmayo! Daqiiqaddaasina waxa ay ahayd tii ugu foosha-xumayd! Askari aan garanayn xurmada muwaadinka iyo maamuuska halyeeyada qarankani leeyahay, waa ayaan-darradii laga dhaxlay kali-taliyihii Siyaad Barre illaa iyo maantana xal iyo maaro loo la’yahay, shacabka iyo booliskana sii kala fogaynaysa!
Iyada oo ay xaaladdu sidaas u cakiran tahay, ayaa markii gaadhiga laga soo dajiyey Qoraaga, waxa loo jiiday dhinaca xafiiska Xeer-Ilaalinta oo ku yaalla ka soo hor-jeedka Maxkamadda, halkaasi oo la doonayey in lagu qoro dambi ku-sheegga ay u soo alliftay kooxda budhcadda ah ee dalka walaaqdaa. Intii uu ku jiray xafiiska Xeer-Ilaalinta, saaxiibkay Cabdirisaaq oo la kulmay waxa uu ii sheegay in wajiga Maxamed Baashe uu caafimaad badani ka muuqday, farxadna laga dheehan karayey, isaga oo aad mooddo in aanay uba muuqanba sidan loola dhaqmayo iyo xabsiga xaq-darrada ah ee uu ku jiraa. Dhowr su’aalood oo uu Cabdirisaaq ku shiiday oo caafimaadkiisa khuseeyeyna, waxa uu Cabdirisaaq ii sheegay in uu fiicnaan u sheegay (Kollayba anigu waan ku farxay in uu caafimaad qabo qoraagu)”.
Maxamed Baashe Xaaji Xasan, isaga oo 19 jir ah ayaa uu ku biiray dhaq-dhaqaaqii SNM, isaga oo noloshii dhiciska ahayd ee waagaa jirtay dhimasho ku doorsaday! Waa halyey af iyo adinba kaga soo qayb-qaatay halgankii liddiga ku ahaa nidaamkii kali-taliska ahaa, waana nin wax kasta oo qaali ahba dalka u soo huray. Waxa uu sidoo kale kaalin ku lahaa kacdoonkii dhagax-tuurkii 20.Febr.1982-kii ka qarxay Magaalada Hargeysa. Kacdoonkaas dhallin-yaradu samaysay xilligaas, taalladii loo dhisay waxa ay ka soo hor-jeeddaa Maxkamadda saaka lagu xukumayey Maxamed Baashe, waxa ay ku dhowdahay halka lagu bah-dilayey Qoraagan (Bah-dilaad ayey ugu talo-galeen balse isaga waa u sharaf). Taalladaasina waxa ay igu sii kicisay ladhkii awalba laabtayda gubayey! Waa Qoraa qalin fiiqan oo kayd badan oo dhaxal ummaddeed ah u reebay jiilka nool iyo jiilal badan oo soo socdaba,waa hanti qaran, waana dan-guud, waana nin ka qaalisan 70-ka wasiir ee dalka diirtay, dhuuxiisana feentay ee in ay boobaan mooyaane aan waxba u soo kordhin!
“Markii laga soo saaray xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa loo kaxeeyey dhinaca Maxkamadda oo aan waxba ka fogayn goobta, markii sidaas loo dhaafiyey Albaabadiina, isla markiiba waxa xadhiga loo jiiday oo la soo ooday albaabadii Maxkamadda qof dambena looma ogolaan in uu ka daba galo, marka laga reebo Xuuto oo magaca saxaafadda sitay iyo qof kale oo aanan illaa hadda hubin waxa uu ahaa. Muddo illaa saacad kor u dhaafaysa markii la wada sugayey dacwadda iyo waxa ka soo bixi doona, loona dheg-taagay natiijada, ayaa aanu aragnay baabuurtii lagu keenay Qoraaga oo sii socota, waxa aananu ogaannay in dib loogu celiyey xabsigii. Kadib waxa aanu u kuur-galnay in aanu ogaanno sidii ay wax u dhaceen, waxa aanu aragnay Xuuto iyo kooxdii gudaha ku jirtay oo soo baxaysa, kadibna waxa aanu ogaannay in la rabo in dammaanad lagu soo daayo, Xuutana lagu amray in uu soo qoro warqadda dammaanadda. Xuuto markii uu soo qoray warqaddii waxa uu dib ugu noqday Maxkamaddii, kadibna waxa lagu war-geliyey in ay xukuumaddu racfaan ka qaadatay in dammaanad lagu sii daayo (yacnii waa ay diidday in dammaanad lagu sii daayo), halkaasna waxa aanu ku ogaannay in dacwaddan ay Gar-soorayaasha qaadayaa iska yihiin uun hadh, balse ay cid aan la aqoonsani daaha dabadiisa ka hagayso dacwadda. Waxa aanu ogaanannay in aanu Maxamed Baashe sharciga u xidhnayn ee uu shakhsiyaad u xidhan yahay, waxa kale oo aanu garannay in uu iska huuhaa yahay faanka Aadan Xaaji Cali ee dhanka caddaaladdu. Sharciga in uu shakhsigu ka weyn yahay waa mid iska caadi ah dhexdeenna balse qarannimadeenni god ku hubsatay, inta ay caddaaladdu sidan tahayna nin damiir lihi kuma faani karo!
Ugu dambayn, waxa maanta taariikhda gashay in taalladii loo dhisay Maxamed Baashe iyo dhallin-yartii la midka ahaydba si loogu maamuuso, in isla taalladii agteeda uun lagu dulmiyey, waana waxyaabaha lagu xasuusan doono xukuumadda hoobanaysa ee Siilaanyo iyo budhcadda ku daba faylsan!
Qore: Maxamed Sharma’arke