Mahadhooyinkii Prof Maxamed C/Laahi Riiraash Soo Xigasho Ilyaas Cabdi Carte Qaybti Labaad

Geedigiisii daraasaynta afka iyo Suugaanta Soomaalida wuxuu markan isa soo taagay horaantii sideetamaadkii. Dood-cilmiyeedyadii lagu lafogurayay Afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ayuu xidig iftiimaya ka noqday. Waxay ahaayeen doodo wax wayn ka taray cilmi-baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta oo lagu qabtay sanadkii 1982 wadanka Djibouti.
Kulanadaa doodeed waxay sii huriyeen aragtiyihii aqooneed ee prof Riiraash uu ka lahaa lafagurka iyo hurumarinta cilmiga afka, dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida. Waxay ku dhaliyeen in hadii la si cilmiya loo daraaseeyo afka, dhaqanka iyo Suugaanta laga heli karo aqoon ka xeel-dheer inta muuqata ee Soomaalidu moodayaan. Ka muu daalin taas; waanu sii waday halgankiisii shakhsiga ahaa ee baadhista, kaydinta, daryeelka iyo hurumarinta aqoonta afka, dhaqanka iyo suugaanta soomaaliga ah. Sanadkii 1983 kii, Riiraash waxa uu la kulmay Cumar Macalin oo ahaa nin cimi-baadha suugaanta. Riiraash iyo Saaxiibkiisaa cusubi waxa ay bilaabeen in ay si gaar ah isugu yimaadaan si ay u sii amboqaadaan waxyaabihii lagu ogaaday dood-cilmiyeedyadii ka dhacay Djibouti iyo aragtiyaha ay hore u lahaayeen.
Guri ku yaalay xaafada siis ee Djibouti ayay bilaabeen in ay isugu yimaadan. Baadhiso badan iyo doodo adag ayay ka yeelan jireen arimo ay ka mid ahaayeen Miisaanka tixda ama goddodka badaha suugaanta soomaalida, Ciyaaraha dhaqanka iyo guudahaan afka iyo halabuurka maansada. Markii dambe waxaa iyaguna fadhigoodaa ku soo biiray rag hor leh oo ay ka mid ahayeen Jaamac Cilmi Good, Cali Muuse iyo rag kale oo badna. Doodo badan iyo qoraalo Ka dib, waxaa kulanadaa ka dhashay barnaamijkii caanka noqday ee Dhaqan iyo Suugaan oo uu soosaare iyo tebiyeba ka ahaa Prof Riiraash. Wuxuu ahaa barnaamij idaaciya mar dambena u gudbay muuqaal tilisfishan oo aad u heersareeyay. Waxaa lagu soo bandhigi jiray cilmi-baadhiso badan oo lagu saameeyay afka, dhaqanka iyo Suugaanta.
Barnaamijkaasi waxa uu ka gurmaday baahida fahanka, kaydinta iyo sii horumarinta goddodka Maansada soomaaliga ah. Wuxuu daaha ka rogay qurux iyo aqoonta xeesha dheer ee ciyaaraha, tixda, afka iyo dhaqanka Soomaalida. Waa raadraacyada cilmiyaysan ee dhif iyo naadirka ah ee maanta nool ee la heli karayo. Waa aqoon aslan oo meel sugan loogu hagaagi karo. Dhaxalkaa ma guuraan ka ah ee uu hindisaheeda lahaa Riiraash, waa hub horumarsan oo ay ku hawlgalidoonto cid kasta oo ku hawlan daraasaadka afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. U dambayn wuxuu barnaamijka dhaqan iyo Suugaan ibafur u noqday barnaamijyadii kale ee taxanayaasha tisqaadka ah noqday ee golaha radiyoga iyo tilifishanka Djibouti ee loo soo gaabiyo RTD, ay ka sameeyeen arimaha dhaqanka, afka iyo suugaanta soomaaliga ah.

hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso