Sheeko: Jacayl, Nolol iyo Inta u Dhaxaysa.
Qaybta Kowaad….
Sabti.
05/2016
“Waxa Lagu Wargelinaya Dhamaan Rakaabka Qiimaha Badan Ee Diyaradda KLM-547, In Dib u Dhac La Xidhiidha Xaga Farsamadda Ku Yimid Socdaalkeeni Amsterdam Ilaa Dubai, Wakhtiga Cusub ee aynu Duulayna Waa Sagaalka Iyo Badhka Subaxnimo”. Sida Waxa Laga Baahiyey Sameecadihi Ku Yaaley Guddaha Madaarka.
Inkasto Soo Gaadhay Gudaha Garoonka Caalamiga “Amsterdam Airport ‘Schiphol’ Qaybta Looga Duulo Debedda Saacadu Markay Ku Dhaweyd Sadexdi Subaxnimo, Dib u Dhaca Afarta Sacadood Iyo Shan Iyo Afartanka Daqiiqo ahi Waxay ii Xaqiijisay Inay Noqonayso Maalin Daal Iyo Caajis Badan. Ma Jeceli Dib u Dhaca Ku Yimaada Diyaaraddaha Markan Safar Hawada Ku Jiro , Khaasatan Markan Ku Guda Jiro Socdaal Shaqo. Hase Ahaate, Waa Xaqiiqo Inan Waxba Gacantayda Ku Jirin Haatan , Marka Laga reebo Xakamaynta Cadho Ku Waajahan Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Diyaaradda oo Caajis Badan Ka Muuqday.
Xaadiyo!, Waa Gabadh igu Wehelisa Safarka, Waa shaqaaale Ka Mid ah Xafiiska. Waxay u Eekayd Mid Aad Uga Cadhootay Dib u dhaca Ku Yimid Socdaalkayagi.
”Waa Karaahiyo “ Ayeey tidhi Iyadoo Cabiraysa Siday Uga Xuntahay Dhawrka Saacadood ee duulimadkayagi Hakadka Galay.
‘Fadhiiso Oo Isdeji,Xaadiyo! Waa Saacado Yar oo Kaliya, Insha Allah ’. – Ayaan Ku Idhi, Waxaan Ku Dadaalayey inaan Cadhada Ka Biiyo.
“Ina Keen Bun Iyo Cuno Fudud Doonane, Maanta Safarku Waa Dheeryahe ’-Xaadiyo Ayaa Iigu Jawaabtay.
Waxaan u Dhaqaaqnay Dhanka Dukaan Bunka iibiya oo u Dhaw Gate 6 Gudaha Madaarka, Qaybta Looga Duulo Debeda.
Cimiladda Iyo Jawiga Banaanku Wuxu Ahaa Mid Aad u Wanaagsan, Jilaal Dheer oo Qaboow iyo Beref Badan Ayaa Laga Soo Baxay, Waxana Dhacaysay Neecaw Macaan, Maalintina Waxa Jirta Qorax aan Kolayl Badan Lahayn . Laakin Gudaha Madaarku Waa Buuqa Iyo Sawaxan ,Dadka Ku Jira Safarradda Kala Duwan Ayaa Sanqadhooda iyo Hadalkooda la maqlaya. Dadka Qaar Waxay Safaf Dhaadheer Ugu Jiraan Xarumaha Diyaraduhu Ku Dhex Leeyihin Madaarka , Qaarka kalena Waxay Isu Diyaarinayeen Inay Fulaan Diyaraddaha oo Hore Ka Sii Wataan Socdaalkooda.
‘’Waryaa Guhaad! Ma Aragtaa Ninkaa Fadhiya Gudaha Dukaanka, Miyaanu u Eekayn Qof Aan Wejigisu Inagu Cusbayn?’’- Xaadiyo Ayaa Su’asha ii Waydiisay Iyadoo Tilmaamaysa Dhinaca Nin Ku Labisan Suudh Madoow, Gacanta Bidix Ku Haya Shandad Yar oo Nooca Kobuyuutarka lagu qaato, Gacanta Midigna Ku Cabaya Koob Buna. Wuxu La Sheekaysanayey Labo Qof oo La Fadhiyey Dukaanka..
“Ala Haa, Waa Runta Wuxu Aad Ugu Eegyahay Qof Aan Hore U Arkay”- Ayaan Ugu Jawaabay. Degdeg Waxaan Ku Soo Saray Tilifoonkaygi gacanta, Waxan Galay Facebook Anigo Baadhaya Liiska Asxaabtayda Facebook. “ Walee Waa Caagane,Saxiibki Yaraanta Isku Fasalka ahayn. Iminkana Aanu Saxiib Ku Naahay Facebook – Anigoo Isha La Raacaya Sawirada Ugu Jira Facebook, Qaarkamida Waa Sawiro Caagane Iyo Aniga Yarantayadi Wada Galay Xiligi Iskuulka Wadda Dhigan Jirney ’- Xaadiyo Ayaan Ugu Jawaabay;
“Haa Waakan …..Waa Caagane”, Anigoo Tusaya Sawir.
“Waa Run! Waa Halkaan Wajigiisa Hore Ugu Arkay,Waxaan Kalo Ku Xusuusta War Laga Daabacay Shaqadiisa oo ku Baxay Wargeeska ,- Xadiyo AyaaTidhi.
Waxaan Aad ugu Farxay Araga Ninkaan Saxiibka ahayn, Mudo Badanse Waayaha Adduunku Nakala Mashquuliyen.
“Waa Inaan La Kulmaa Markaan Bunka Dhamayno” – Xaadiyo Ayaan Ugu Baaqay.
Weli Waxaanu Ku Dhexjirna Duukanki Bunka, Miis yar oo Horaanta qotoma waxaa noo saran Cuno Fudud, Gacantana Koob Bun Ku Jiro Ayaan Ku Haya , Bunki Intan Miska Ku Hubsaday oo Xadiyo u soo Dhawaaday Ayaan ku Idhi, Hadalkana Deeqsinaya.
‘Ma Ogtahay Caagane!, Waa Qof Mudan Heerkasare Ka Gaadhay Xirfadiisa Shaqo, Wuxu Ka Mid Yahay Shaqsiyaadka Aadka Looga Yaqano Looguna Ixtiraamo Shaqadiisa, Waa Injineer Caan ah , Waayo-Aragnimo Dheerna u leh Dhismaha Guryaha. Magaca Iyo Lacagtu Maaha Mid Iloowsisay Qofnimadisa Iyo La Dhaqanka Bulshada, Balse Waa Qof Xiisogeliya, Kuna Beera Dhiirigelin Cidkasta Oo La Kulanta .Caagane!, Wuxu Ahaa Qof Aad noo Gacan Qabtay Beri Hore oo Nolosha Shaqa Radiintu nagu adkayd. Waxaanu Ku Aamini Jirney Sirar Badan oo Ku Sabsan Noloshayadi Adkayd. Laakin, Heerkan Sare Ee Maanta Gaadhay Ma Ahayn Mid Si Fudud U Soo Martay Isaga. Wuxu Ka Soo Guulaystay Wakhti Ka Mid Ah Noloshiisa , Marxalado Kala Duwan Oo Aad u Adag Saamayna Yeeshay Inu Noqdo Qofka Uu Maanta Yahay.
Ma Caynkaasa, Guhaad, ? Hadaa Waa Inaad Sheekadisa Oo Dhamaystiran Maalin Iiga Sheekaysa- Xaadiyo Ayaa Sida Tidhi Iyado Muujinaysa Xiiso Gaara oo Qabto Sheekada iyo Nolosha Caagane i
Waxaan Hayaa Fikrad,Guhaad!- Xadiyo Ayaa Raacisay
Fikrad Nooce Ah?
“Waa Adiga Wax Qora Ee Maad Nolosha Caagane Wax Ka Qortid Haday Tahay Mid Sidaa U xiisobdan’.
Waa Fikrad Fiican, Laakin Beryahan Danbe Wax badan Kalama Socdo Waayihiisa Nololeed Iyo Marxaladu Ku Suganyahay, Maanta Waa Fursad Wanaagsan oo Waxkaga Ogaankaro Arimo Badan Oo Caagane Iyo Aniga Noo Kala Danbeeyey, Sahalna Maaha Inaan Ku Dayaco- Ayaan Ku Idhi Xaadiyo.
Waxay Nagu Qaadatay Qadar Ilaa Toban Daqiiqo Oo Kale Ah Inaan Ku Dhamaysano Cuntadi, Nasiib Wanaag Caagane Weli Wuxu Dhex Fadhiyaa Dukaanki Bunka, Mashquul Wuxu Ku Yahay Taatabashada Tilifoonkisi Gacanta. Hadba Kor buu jaleecaya Hadana Wuxu Hoos ugu jeesanaya tilifoonka , Arinkaasi Wuxu Igu Noqday Fajiciso- Kumaan Aqoon Caagane Nin Jecel Isticmaalka Badan Ee Tilifoonada , Wuu Necbaa Dadka Ku Mashquula Tilifoonka Gacanta Markaan Aqaanay
“ Ii Waran Caagane “…Ma Wanaagsantahay?.
“ Oh Haye! Qadar Ilbidhiqsi ah kabacdi , Waa Saxiibkaygi Yaranti… Guhaad!. Wakhti Dheer Kabacdi, Ugu Danbaynti Nolol Iyo Meel Ka Baxsan Barta Bulshada Ee Facebook Baynu Ku Kulanay.- Caagane Ayaa Sida Yidhi.
Caagane Maha Qof ilooba Wajiyada Dadka iyo Asxaabta, Sidayda.
“ Wakhtigu Waa Isguraya, Saw Maaha?”-Ayaan ku idhi.
“Caagane!’ Isbarta Xaadiyo, Waa Gabadh Ila Shaqaysa.
“Waan Ku Salaamay, Xaadiyo’-
“Waan Kaa Qaaday Mudane, Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay Inaan Kula Kulmo. Sheeko Badan Ayaan Kugu Hayey”.-Xadiyo Ayaa Ku Jawaabtay.
“So? Maxaad ka Qabanaysay Amsterdam, Caagane? Weli Ma Sidi Baad U Socdaal Badantahay?” Ayaan Waydiiyey.
Dhankiisa Midig Intuu Jaleecay Gacantana Ku Fiiqaya Gabadh Dhinaca Ka Fadhida, Ayuu Yidhi,”Guhaad Waxad Is Barataan Xaaskayga Caasha Iyo Wiilkan Dhalay ee Xamse. Xaaska Ayaa Qaliin Fudud Galaysay, Ayu Raaciyey.
“ii Waran Dumaashi, Barasho Wanaagsan, Xamse Adeer Ma Fiicantahay “ Intaan Kor U Yare Kacay Oo Madaxa Ka Taabtay’.
“Barasho Wanaagsan Ayeey Igu Jawaabtay Xaaski Caagane,Xamsena dhoolocadays quruxbadan”.
“Caagane, Guurma Ayuu Caasha Guursaday? Caasha Maaha Gabadhi Xiliga Iskuulka Iyo Weliba Sanadki Ka Danbeyey Jacaaylka Xad dhaafka ee Dhalinyardo Dhani Isku Ogayd Wada lahayeen?’
‘Maxaa Ku Dhacay Balanti Ka Dhaxaysay Caagane iyo Gabdhu Jecla, Maagaceedu Awal Muxu ahaa ……………’? Su’aalaha Talantaliga ah ayaa Maskaxdayda Ka dhex Guuxaya.
………..La Soco Qaybta Labaad.
Ahmed Abdullahi Ali
jemeli2@hotmail.com
USA