Cumar Axmed Cali
Ummadkasta oo ay la soo darsaan dhibaatooyin iyo dib u dhacyo saameeya nolosha Bulshadooda waxa tiirdhexaad u sida u maamulaan geedi socodka waayahooda nololeed.
Ummadina kuma hungowdo hamigeeda iyo himiladeeda haddii aanay asiibin aafo ka burburisa aayaha iyo unugyaya ay Bulshooyinku irkadaan.
Hadaba waxa Bulshadeena aafeeyay maandooriyaha Qaadka kaa soo ka weeciyay dhabihii horumarka iyo hanaqaadka Ilbaxnimo lagu hodmo.
Qaadku waxa uu sabab u yahay mushkilado taxane ah oo midba mid ka sii daran tahay, kuwaa soo aanan halkan ku soo koobi karaynin, laakiin waxaan marka hore sikooban u tilmaamo doonaa masiibooyinka is barkan ee maandooriyaha Qaadku ina dhaxalsiiyay, anigoo marka danbena haddii RABI idmo si guudmar ah isku dultaagi doonaa sida Qaadka iyo Musuqu iskugu xidhayihiin iyo dhibta laga dhaxlo markuu Dal bariinsado.
Maandooriyaha Qaadka waa masiibo ku habsatay Bulshada Reer S/land taa soo uurkutaalo iyo xanuunba kugu reebaysa, marka’ aad si dhugmo leh u eegto haadaanta iyo jarka aynu ka laadlaadno, haddii’se aan si guud u inshaaro sunta iyo waabayda ka soo burqanaysa maandooriyaha Qaadka waxa ka mid ah;- Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, Sixirbararka iyo dhaqaale xumaanta, Tabcasho la’aanta iyo tamaro xumaanta, Cadaaladdarada iyo eexda, Cibaado la’aanta iyo caasinimada, Dhaqan xumada iyo dhilaysiga, sinaan la’aanta iyo qaraabo kiilka, Dawarsiga iyo damiir xumaanta, Fadhi ku dirirka iyo afmiishaaraynta, Laaluushka iyo waji ku macaashka, warwarka iyo waalida, duminta Qoyska iyo dayaca Ubadka, dabargoynta Geedaha iyo duunyo la’aanta.
Hadaba dhibaatooyinka uu Qaadku ina baday laguma soo koobi karo maqaal iyo labotoona waxay’se u baahan tahay in si xeeldheer cilmi baadhis loogu sameeyo dhibta uu ina gaadhsiiyay inta ay leeg tahay.
Laakiin imika waxaan u socdaa in aan farta ku fiiqo, in maandooriyaha Qaadku sabab u yahay dib u dhacyo fara badan oo maanta Bulshadeenu u dhutinayso, ku waa soo dhabarjab iyo dhiigbaxba ku ah koritaanka dhaqaale ee Wadankeena.
Ugu horayn Bulshadeenu waa sabool aan haysan wax kafeeya baahiyaadka dhaqaale ee ku xeeran.
Dadka xooga leh ee shaqada u diyaarka ahina inta badani waa bilaa camal aan haysanin wax shaqo ah oo ay noloshooda ku dabaraan, inta shaqada haysaana ma helaan wax daboola baahida ku gaaman Guryahooda.
Iyadoo hadaba xaalku sidaasi yahay, ayay inoogu darsantay ku walfida Balwada Qaadka taa soo u baahan Dakhli dheeraada oo maalinle ah.
Dadka caadaystay cunitaanka Qaadku waxay u baahan yihiin Lacag xad dhaaf oo ay maalin kasta ku qayilaan, Qofku markuu ku mamo balwada Qaadka waxa la soo darsa baahi ka badan tii aas aasiga ahayd ee Qofka Aadamaha ahi u baahnaa, waxaanuu yeeshaa hamuun iyo walaf badan oo aan xadlahayn,taa soo ku riixda in uu ka waaban waayo meelkasta oo aan munaasib ku ahayn Qofka damiirka leh.
Markay Qofkii balwada lahaa iskugu darsamaan baahdiisa oo badan iyo dakhligiisa oo yar, waxay taasi sababtaa in Qofkii shaqaalaha ahaa ku mashquulo sidii uu u heli lahaa lacagtii uu maanta ku qayili-lahaa, markuu wixii yaraa ee uu haystay masaariiftii iyo qayil ugu qaybsami waayaan waxa uu faraha la galaa musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, islamarkaana waxa uu ku tagrifaa masuuliyadii lagu aaminay, waxaanuu ku xadgudbaa hanti Ummadeed ama mid gaar loo leeyahayba.
Si kastaba ha ahatee maandooriyaha Qaadku waa masiibo sida xanuunada faafa ugu kala gudba Bulshada dhexdeeda, waxayna taasi keentay in ay dhibtiisu Shacabka wada saamayso,
Maanta Bulshadeena intii xooga lahayd waxay ku hafteen balwda Qaadka, taa soo sabab u ah dib u dhacyo fara badan oo Qarakeena ka muuqda, waxa kale oo ka sii daran Qofka qabatima balwada Qaadka waxa uu maalinba maalinta ka danbaysa ku sii durkaa in uu gacanta la galo wax aanuu lahayn, waxaanuu ku danbeeyaa in ay iskugu mid noqdaan wixiisa waxa kale.
Hadaba marka shaqaalaha Wadanku leeyahay ku ibtiloobaan musuqmaasuqa iyo wax isdabamarin, waxa laga dhaxlaa mushkilado murugo leh oo midba mid ka xanuun badan tahay, waa ta koobaade; waxa AYAX ku habsadaa Ilaha dhaqaale ee Wadanku leeyahay, islamarkaa waxa yaraada koboca dhaqaaluhu samaynayo, waxay Bulshadu madaxa la gashaa baahi joogta ah iyo wax la’aan, waa ta labaade; waxa yaraada sharafta iyo karaada aad Caalamka ku dhexleedahay, waa ta sadexaade; waxaad u nuglaataa faragalinta Dawlaha shisheeye ku hayaan Dalkaaga, waa ta afraade; waxa badata eexda iyo kala saraynta Bulshada dhexdeeda. Waa tashanaade; waxa kordha curuurta waxbarashada ka tagaysa iyo dibjirka Suuqa meehanaabaya, waa ta lixaade; waxa laga talaabsadaa shuruucda iyo mabaadi’da lagu heshiiyay Ninwalibana waxa uu gacanta ku qaataa Sharciga, waa ta todobaade; waxa Bulshada dhexdeeda ku bata dulmiga iyo cadaaladdarada, waa ta sideedaade; waxa Bulshada dhexdeeda ka abuurma khilaafyo joogto ah, waxaana siyaada iska hor’imaadka iyo isa’seega Bulshada, waxa dhaawacma wadajirka iyo is aaminka, waa ta sagaalaade; waxa Bulshada ku faafa dhaqan xumaanta iyo fasahaadka, waxa dhaawacma qiyamka iyo sharafta Islaamnimada, ta tobnaade; ugu danbaynta Nolosha ayaa cidhiidhi ku noqota Bulshadaa, waxaanay madaxa la gashaa cuqubooyin isdabayaal sida Abaaraha, cudurada, Daadadka, duufaanada, Colaadaha, Sixirbararka, iwm. Hadaba tolaw caqli ma leenahay aynu kaga tashano Maandooriyaha Qaadka?. Cumar Axmed Cali, cumaraxmed331@gmail.com/ tel; 0634244802.