Maqaarsaar: Maansadii Labaad Ee Siciid Maxamuud Gahayr Kaga Qayb-Galo Silsiladda Miimleyda
Maansadan waxa magaceeda la yidhaahdaa Maqaarsaar, waa tixdii labaad ee uu Siciid Maxamuud Gahayr kaga qayb-galo silsiladda Miimleyda ah ee uu bilaabay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”. Waxa ay la mabda’ tahay hal-abuurka weysada u biyaystay talada iyo toosinta maamulka dalka.
Beri ayuu nin ma-dherge ahi iska daba-galay niman loo qisaasayo musuq ay geysteen. Waxa uu mooday in in casuumad loo wado. Markii raggii la toogtay ayaa isna tiirkii lagu xidhay, waxaana lagu yidhi “Adiga ayaa cagaagaha ku yimi madashii dilka”. Ma-dhergihi waxa uu yidhi “Aniga halkaa caloosha iga toogta, hunguri ayaa meesha i keenaye”. Maqaarsaar waxa ay la doodaysaa inta maanso ku taageeraysa nidaamka aanu mudduciga ku nahay.
Waxa ay tidhi:
Haddaan miimka heestiyo
Maanso “daa” is-odhan laa
Weedh maanku diidoo
I mirkicisa leylkiyo
Maad iyo wareer iyo
Mahadhooyin ugub iyo
War aan “maya” idhaahdaba
Mirir waayi maayoo
Macno-maleh tixdii aad
Kaga muuqo awgii
Ugu soo mashxaraddee
Musalliinigii iyo
Masar kaa halaagiyo
Xalab wiilka moorshiyo
Mugaabiga raqdaa iyo
Inta macangagiintaa
Waxa nool dar mahadshoo
Marlay marag-fur beenana
Ugu muusannaabee
Haddii aanay muruq iyo
Mug u yeelin geeduhu
Maasaartu damallada
Ma muquuniseenoo
Meydhada ma goysee
Milay hore shilkii dhacay
Maalintoo badhkeed tegay
Milic suudi wadatuu
Ma-dherguhu hamuuntii
Milicsaday dar loo wado
Madashii qudh-gooyiyo
In qisaas la mariyoo
Muud seydhintii iyo
Milikhsade dhareerkii
Wuxuu mooday nimankii
Dar macsuumad tegayoo
Maskaxdiisu waxay tidhi
“Iska daba mushaax oo
Murdisada ad leeftide
Manfaca iyo soortiyo
Oontaba la soo madhi”
Mujrimiinta goortii
Maaruqii qudh-jaristii
Magli oofta jarayiyo
Mishiiggaanka lagu dilay
Ma-dhergii wax lagu yidhi
“Mar haddaad iskaa timi
Meel shiishku faral yahay
Madaxaanu adiga
Midhcas kaaga nabaynnaa”
Manaayaha kolkii uu
Maqlay buu nixnixstii
Miirabay garashoo
Wuxuu yidhi “dil maandhow
Ma mutaysan dhagartee
Mar haddaan rawaxayana
Muraadkii hunguri baa
Mareegaha i geliyoo
Macmacaansi doonbaa
Madashaba i keenee
Barta midhicir uu yahay
Maadhiin ku toogoo
Mud calooshu waa tii
Mashaqadan horseeddee”
Wax metelaya ruuxaas
Milayadan abwaankii
Isagoo an moogayn
Mashaqada dalkii taal
Maansooday ee yidhi
“Inta maal adduunyaad
Dalku wuu ka madhan yahay”
Mabda’ayga sidan qabo
Wuxuun buu la meel yahay
Manaxaha saboolkii
Mirtay unugyadoodee
Dadkii uu makalay oon
Mijahoodu daahnayn
Micidiisa dhiigga leh
Goortii la milicsaday
Muuqaalka ciilka leh
Maro saar is yidhi ee
Yidhi “maanta waxan cunay
Hohobta iyo midhihii
Mawluhu dhulkeenniyo
Ku mannaystay ciiddee
Midabbada guduudka ah
Kolna ha u malaynnina
Madharaari geel iyo
Dux miskiinku leeyiyo
Mud guduudan inaan helay”
Murtiyahanka Daahow
Maamuus anoo sharaf
Ku majeertay qaayaha
Mudantiyo tixdaadii
Haddaad maandhe nagu tidhi
“Milayguu dhintaabaad
Milgihiisa qiraysaan”
Maahmaah horaa tidhi
“Mujrim iyo haddii tuug
Muddi geeri lagu dilo
Inaad meyd ammaantaan
Waa meheraddiinnii”
Nin maguurtadii iyo
Degay minanka iilkaa
Kuma sii mashquulee
Wixii uu mutaystuu
Mudnaan iyo shar kay tahay
Madalaha xisaabta leh
Mawlaha ka helayaa
Inkastuu masjiid galo
Ama Maalig tuugsado
Ama muuqa guudka ah
Muslin uga ekoon yahay
In munaafaq gaalkiyo
Murtad uu ka daran yahay
Milladdeennu waa tay
Muslinyahaw caddaysee
Manaayaha u dhigay iyo
Manfaciisa kee baa
Miisaanka fara-badan?
Maxaa maacaleeshkii
Manka ubaxu saarnaa
Murxiyee ka dhigay weyd?
Madidaydu dhaaxay
Markaan maalo toban dhiil
Mugga buuxinaysee
“Gabno weeye maarriin”
Maangaabka yidhiyow
Marinka iyo naaskii
Middi baad ku goysoo
Magaabada ka dhiiqdana
Adigaa murdinayoo
Mirta dhexe dadkoon kicin
Maala oo xasaystee
Bal musiibadaas iyo
Mashaqada haddeer tiil
Micnaheeda faallee?
Mashruuc kaaba qarankiyo
Maslaxaad hadduu wado
Bal muxuu u magansaday
Laaluushka madawga ah?
Mudanii dalkaygoon
Mirir eegin waxay tahay
Xaajada marsiiska ah
Maxaa loo marsiiyaa?
Malmalluuq kallahayiyo
Meeris aan heshiis iyo
Maslaxaadba noqon karin
Madarkii astaysnaa
Mooryaantu sawtay
“Maya” geesigii yidhi
Ku muraar-dillaaceen
Milatariga yaa diray?
Mooshin saaka uu yimi
Malab iyo inuu yahay
Mur anoon u kala garan
“Meel-maridu” ima marin.
Waan madax-bannaanahay
Manfacii ad keentaan
Ma mucaaridaadoo
Madhintiyo qalloocana
Ma muxaafidaayee
Adigaa masuulnimo
Madaxaaga saaroo
Xilkaan kugu milgeeyeed
Majaraha ka lumisaa
Maaggayga keenee
In maroorku toosiyo
Mililkoo la dhayo iyo
Murtidoo la dhuuxaan
Maandhow sugaayee
Muusannawga dhacayiyo
Maxaa beeray murugada?
Intay miino aaseen
Intay maalay qoosheen
Intay muuminiintii
Madaxaysu geliyeen
Intay milil abuureen
Inta ay mashaariic
Madawyada ku qaateen
Inta ay magaanniyo
Maxas-boobeyaal daran
“Marxabbaayda” leeyiin
Meeqaamka aan geyo
Intay ay murkiciyeen
Siday maamul-goboleed
Metelaan intii ay
Meeqaam liidka ah
Hadba meel fadhiisteen
Makalaadda lagu kacay
Ma malayn karaynnee
Muddadii xilkoodiyo
Maxaa mirirradoodii
Mustabaaqi uga hadhay?
Ninkaan maahir geeliyo
Maandeeq “daryeel” idhi
Maankaygu garan-waa
Halka uu ku maqanyoo
Maxas iyo carruur baa
Maax-dumiyay goobtii
Madaxtooyadeennee
Madaxnimo anoon cugan
Una xulan masuulnimo
Maqaarsaarka duulkii
Igu maali jiray baa
Maamuus-dhac keenee
Muuqaal qudhoo aan
Mar qudhaata talin iyo
Midab looma baahnee
Magacii la wiiqyow
Ama maashan naga qabo
Ama meesha soo dhaaf
Ama sheeg majarihii
Jin dagaagay maandhow
Inay kaa maroorsheen!
Ama muunaddaydaay
“Maya” iyo adoon “haa”
Milay “dooh” ku celinayn
Maalmaha wakhtiga hadhay
Nin muraadli uunkaba
Muruqyada ha gooyee
Mareegaalayaashaas
Mahad aanay geyin saar
Ku mafsuud sharkoodoo
Marka aan ku maagana
Mirta dhexe habeenkii
Waa meheraddaadee
Maryahaaga xooroo
Maanlaawennimadii
Adigoon u hayn marag
Igu sheeg mur iyo boog
Inkastoy is moodaan
Mahuraan waxqabad badan
Wax malyuun ka faraweyn
Mucsurkiyo dhibtoodoo
Haddaan maalin iyo leyl
Intay maangad beereen
Midkastaba si g ooniya
U micnee is-odhanlaa
Miimku koobee maayee
Intaan iino baal-maray
Murtiyahannadeennaa
Mudh-baxayaa caddeeyee
Maantiyo haddeertana
Maqaarsaar waxay tidhi
Madhaafaannadadiyo
Mudankiyo dadkaygow
Isma dhaafno meelnaba
Macsalaama idilkiin
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com