Waxa aan caawa (15ka Abril 2017ka) daawaday Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ka jawaabaya eedaymo uga yimi Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga Waddani Hal-door Barkhad Jaamac Xirsi, kuwaas oo ku saabsanaa Xadhigga Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Md Maxamed Siddiiq Cabdillaahi iyo Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Waddani Md Yoonis Axmed Yoonis. Ugu horreynna waxa aan cambaaraynayaa xadhigga saraakiishaas ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee muddada shanta dharaarood ah cabudhinta ugu xidhan saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Taliye ku-xigeenku isaga oo xadhigga ka hadlaya waxa uu yidhi “laba nin oo dembiileyaal ah baanu xidhnay”. Weli ma aynu arag go’aan maxkamadeed oo masuuliyiintan ku heshay dembi. Illaa haddana waa eedaysanayaal, eedda xeer-ilaalintuna ma aha dembi. Hadalkiisaas waxa aan ka leeyahay “illeen hadal ‘ax’ kuma yidhaahdo”. Mar kale waxa uu yidhi “Ama annaga ayaa dembiileyaal noqon, ama iyaga ayaa dembiileyaal noqon”.
Haddii siyaasiyiintan lagu helo dembi, waa la garanayaa habka ciqaabtooda loo marayo. Haddii se wax dembi ah lagu waayo, waa ayo cidda la xisaabtamaysa ciidanka booliska ee caadaystay ku-tumashada xuquuqda muwaaddiniinta?
Waxa ay ahayd 20kii Ogos 2016ka markii ay xabsiga ii taxaabeen ciidanka Booliska Somaliland, toddoba cisho kaddib oo 27kii Ogos 2016ka ah ayuu xadhiggayga ka hadlay Af-hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, hadalladiisa waxa ka mid ahaa “Ninkaasi waxa cad in uu dembi galay sida uu qabo xeerka habka ciqaabtu. Ninkaasi dembi cad ayuu galay, caddaymo buuxdana waa loo hayaa, markhaatina waa loo hayaa”.
Hadalkiisa waxa buriyay go’aankii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay soo saartay 15kii Oktoobar 2016ka oo lagu caddeeyay in aanan wax dembi ah gelin. Aaway caddaymihii la ii hayay?. Marka ay sidaas tahay waxa aan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland weydiin lahaa “Haddii aan dembiile noqon waayay, waa ayo dembiiluhu?”.
Mar kale af-hayeenku isaga oo ka hadlaya xadhiggayga waxa uu yidhi “Ninkaas la leeyahay Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu la shiray dadweynihii laga raray Masallaha Hargeysa, waxaanu ku guubaabiyay in ay dib ugu soo noqdaan garoonka, si nabadgelyo darro ay halkaas uga sameeyaan”. Weedhanina waa deelqaaf qaawan iyo ged ay u badheedheen ciidanka Booliska ee uu metelayay Af-hayeen Faysal Xiis Cilmi. Marna lama shirin dadka ay dawladdu dhulkooda qaramaysay. Marka ay sidaas tahay, miyaanu masuulkani u qalmin in la guddoonsiiyo shahaadada caddaalad-darrada?
Sadarro ka mid ahaa tix aan xabsiga ku tiriyay oo fal-celinaya gurracaas afka iyo addinkaba leh ee la igula kacay ayaa ahaa:
Inkastoo la buunbuuniyoo, beenta lala yaaco
Xaqiiqada wixii baal-maraa, waa bar-kuma-taalle
Inta uu bannaan-baxay shacbigu, “buuqa” maan odhanne
Sida uu bilayskeennu yidhi, baaddil maan wadinne
Boobkiyo dhacaan diiddanaa, baahay waayadane
Intii baylah ii muuqatiyo, boogo maan dedine
Ummaddaa la bara-saaray baan, “baanta” leeyahaye
Hafarka iyo wanjalkaas oo aan ka dhegaysay Radio Hargeysa isla maalintaas uu halay af-hayeenku booliska, waxa uu ahaa mid aanan jeclaysan. Waxa uu igu kellifay inaan ku gacan-saydho waanwaan la rabay in aan ku soo baxo, haddii aan ku soo baxo wada-hadal, dammaanad iyo heshiis aan saxeexana waxa la ii arki lahaa dembiilihii ay sheegayeen ciidanka boolisku. Taas beddelkeeda waxa aan ku adkaystay in maxkamadda aanu isla galno ciddii ay markaas dacwaddu naga dhexaysay.
Waxa caddaan noqotay in aan dulmi ku xidhnaa 88 cisho. Mana dhicin in cid kale loo ciqaabo gabbood-falka la igula kacay. Haddaba sidee ayaa loo caddaynayaa in ay ciidanka Boolisku dembiileyaal yihiin? Halkee ayaa dacwad looga gudbin karaa?
Xisbiga WADDANI waxa aan ku bogaadinayaa in ay kalsoonida kala noqdeen Ciidanka Booliska Somaliland. Sababta oo ah ciidankani waa gacmaha ay xukuumaddu u adeegsato dulmiga iyo duudsiga shacabka, saxaafadda, siyaasiyiinta iyo cid kasta oo loo tirinayo in aanay u dhego-nugleyn cidda ay amarkeeda ku shaqeeyaan.
Waxa kale oo la-yaab igu noqotay in Taliye ku-xigeenka Boolisku uu ka jawaabo eedaymo uu madaxweynaha Somaliland u jeediyay Suldaan Daakir. Goorma ayuu boolisku noqday af-hayeenka xukuumadda? Waxa aynu arkin in madax-dhaqameedku hadallo is-weydaarsadaan, maxaa sabab u ah in ay ciidankii booliska iyo shacabku ka murmaan saxaafadda?
Ugu dambayntii, haddii ay ciidanka boolisku doonayaan in aan la fara-gelin arrimahooda, waa in ay si xilkasnimo leh u eegaan xadhigga ay dhaqanka ka dhigteen.
Siciid Maxamuud Gahayr