Warbixin kooban – Sierra Leone – qaybtii 2aad


Soomaalidu Sierra Leone waxay u qoraan Siiraaliyuun oo waxay ka soo qaadaan kilmad ama magac is raacsan. Sierra iyo  Leone waa laba kilmadood oo asalkoodu boortaqiis yahay. Micnaha Sierra waa buur, Leone-na waa Libaax. Sierra Leone markaa waa buur libaax, laakiin intaan joogay dalka libaax kumaan arag, waxaanse aad ugu arkay mulac, qoroto iyo jirjirroole xad dhaaf ah. Guryaha danyarta way ka buuxaan oo way iska kaa ag marmarayaan. Maalintaan Freetown soo galay markaan sii seexanayey qoroto yar baa qolka hudheelkayga igu salaantay. Waxaan idhi Taagow waad daalan tahaye iska seexo qorototan yar wax ku yeeli maysee. Inyar markaan hurday waxa i baraarujiyey shanqadh wayn – sidii bahal wax xagxaganaya. Waxaan idhi way kuu dhamaatay, shanqadhani ama waa qorotodii yarayd hooyadeed ama waa masacagaley. Hurdadaa iga tanwaynaydoo waan iska seexday.

Illaahay amarkii  Soomaalidu siyaasadda si qayral caadiya  ayey u xiiseeyaan oo malaha waxaynu ka baqanaa in la ina siyaasadeeyo. Intaa dhagaheenu way taaganyihiin oo warka siyaasadda caalamka iyo ka dalka hooyaba waynu la soconaa.  Markaa bal aan wax idiinka yara taataabto siyaasadda Sierra Leone iyo xaalka mujtamacani wuxuu ku suganyahay .

Dalka waxa Madaxwayne u ah nin madaxwayn oo la yidhaa Ernest Bai Koroma. Isaga iyo xisbigiisa Sierra Leone people’s  Party (SRPP) waxay dalka xukumayeen 10 sannaddood in ku dhaw xilkuna sannadkan buu Madaxwaynaha kaga eegyay, mooyi laakiin in Guurtida Sierra Leone xilka u kordhin doonto iyo in kale. Imika dalku doorashooyinkii buu sugayaa. Waxa la filayaa in xisbul xaakim SRPP uu guulaysandoono. Dalka waxa ka jira 11 xisbi. Xisbiga xagga awoodda ku xiga SRPP waxa la yidhaa People’s Movement Democratic change . Waxa kaa ku sii xiga All people’s Congress.

Dalku waa dal Afrikaan ah. Madaxwaynuhu markuu meesha marayo ee uu shaqo tagayo ama ka soo noqonayo saxmad xun baa bilaabmata oo kolba wadada uu marayo waa la baneeyaa. Madaxwanaha marwalba waxa galbiya meelaha 20  gawaadhi oo Laankuruusar ah oo iyana saxmada qaybtooda ka ciyaara. Dhaqanka noocan ah waddamada caalamka ee hormaray ku arki maysid. Waa dhaqan dunida saddexaad siiba Afrikaanka u gaar ah oo ujeedadiisu tahay ‘ i arkaay i maqlay’.

Dadku badi waa sabool oo shaqala’aan xun baa dalka ka jirta. Waxbarashada dugsiga hoose iyo ka sare waa lacag laakiin waa lacag macquul ah oo la awoodo. Digriiyada Jaamacaduhu waa $600 sannadkii iyo lacag u dhow.  Ardaydu markay jaamacadaha dhameeyaan meelaha 10% ayaa shaqo dawladeed waasto inta badan ku hela, 20-30% waxay u shaqeeyaan shirkadaha ama meheradaha ganacsiga,  inta kalena waxay ku soo biiraan liiska shaqo-la’ida ee dalka. Liiskaa si ay uga baxaan, dhalinyaro  badan waxay ku kaliftaa in ay shahaadadahooga jaamacada laalaabaan oo ay galaan mihnado ay ka cilmi sareeyaan si ay quutal yoomkooga u soo saaraan. Waxaa shaqooyinkaa ka mid ah tagaasida iyo dhugdhugleeyo iyana hab tagsi oo kale  loo kireeyo.

Dhinaca caafimaadka, dhakhtaradu waa u bilaash caruurta wixii ka yar 5 jir, inta kale waa lacag. Waddanka kaneecaa ka buuxda oo dadka badi xanuunka  Maleeriya ayaa ku dhaca. Intaan joogay Sierra Leone maalintii markaan soo tooso dawo kaneecada loogu talagalay baan isku buufin jiray wakhtiga cashadana waxaan cunni jiray kiniin isna maleeriyada ka hortaga. Qiimaha dawooyinkaasi waa laba qof mushaharadood muddo bil ah qaataan  Sierra Leone,  markaa waad iska fahmaysaan waxa xanuunka Maleeriyadu dalka ugu badanyahay.

Inkastoo qurbajooga Sierra Leone dadkooga maciishadda ka soo caawiyaan, kolay sideena tuunbu lacag ah oo dahabshiil ku xidhani dadkooga kuma socoto.  Meel walba ood marto iyo wado walba yar iyo wayn waxbaa la iibinayaa. Gawaadhidu markay yara istaagaan markiiba waxa alaab iiba kula soo orda ganacsato dukaan lugaynaya ah oo qaarba alaab gooniya iibinayaan.

Dalka Lubnaani iyagu dabaqadda sare ee Sierra Leone ka tirsan iyo rag baddan oo shiina ah ayaa ka buuxa. Lubnaanidu xagga ganacsiga ayey fara baas ku hayaan oo hudheelada dalka sidaan qaybtii hore ku sheegay iyagaa leh ama maamula, dhaymanka Sierra Leone na hoostay ka nuugaan. Ubadka Lubnaanidu iskuuladda shacabka ma dhigtaane waxay wax ka bartaan Iskuulo u gaar ah. Iyaga Shiinuhu dhismaha dalka wadooyinkiisa iyo mashruuca madaarka cusub ee Freetown bay qamdaraads ku haystaan. Dhakhaatiir iyo cisbitaalo u gaar ah ayey leeyihiin.

Dadka saboolka ah ee reer Freetown badi waxay degan yihiin bariga magaalada,  dadka ladanna galbeedkeeda.  Waxa kaloo galbeedka caasimadda ku yaala hudheelada waawayn ee lagu soo dego. Maalmaha fasaxa ee wiiga dadku siiba dhalinyaradu waxay u soo tamashle teggaan buur dheer oo galbeedka magaalada ku taalla. Xaggaa oo marna ay buurta daawadaan marna iyagu is daawadaan.

Maxamad Cumar Maygaag – Taag

Advertisement

Ku Xayeysiiso