20kii Jeneweri 2017ka ayaa Mukhtaar Xasan Cilmi lagu xidhay Xarunta Dembi-baadhista (C.I.D) ee magaalada Hargeysa, isaga oo lagu eedeeyay in uu maryo u eg calanka Soomaaliya ku iibinayay magaalada Hargeysa. Waxa hortii xabsiga loo taxaabay afar haween oo lagu qoonsaday in ay ku lebbisteen dhar u eg midabka buluugga ah ee calanka Soomaaliya. Mukhtaar waxa uu suuqa Hargeysa ku haystaa meherad kooban oo dharka lagu iibiyo, mana aha ganacsade hu’ga soo dejiya. Si uu u daw-baxo, waxa uu sheegay meheradaha waaweyn ee dharkan dalka keena, laakiin xukuumadda iyo ciidanka boolisku wax tallaabo ah kama ay qaadin tijaarta sida sharciga ah u soo dejisa dharkan lagu taxaabay lixda muwaaddin ee aan waxba galabsannin.
Lixdaas qof waxa ay magacyadoodu kala yihiin
Mukhtaar Xasan Cilmi
Cabdirisaaq Xasan Ibraahin
Umalkhayr Maxamed Muuse
Shaadiya Rashiid Shidane
Umalkhayr Farxaan Axmed iyo
Iqra Ismaaciil Cige
Falkani waxa uu shabbahayaa sababtii uu Abwaan Gaarriye Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e u curiyay maansada Hashii Cosob 1980kii. Waxa ay muujinaysay in nidaamka Soomaaliya uu naas-nuujiyo ganacsato waaweyn, isla markaana uu jeebleyaasha ku eedeeyo in ay suuq madow abuureen. Meerisyadeeda waxa ka mid ahaa:
Anaa Cabdillaahi
War-geys u ah caydha.
Caloosha danleeyda,
Anaa cabbiraaya.
Anaa carrabkayga
Xammaalku cabbaayo,
U diiday cir-weyne
Inaan ku casuumo.
Gafuur cadho yeelki
Intaan cosob-raaco,
Wallee is-ma caayo.
Waxsay tahay caawa
Calaacalimaayo.
Haddeerse caleenta
Xagaagu caddeeyey
Cimraa u run-sheegay.
Dhurwaaga ciyaaya
Cabaadku naf weeye.
Haddaad caqli leeday
Intaad cilmi-baadho,
Car suuqa madoobi
Cidduu yahay soo hel!
Ma jeeblahan cawlan
Ayaa ku curyaanshay?
Kumaa cadawgaa ah?
Fulaa cararaaya
Maxaad ugu ciidmi?
Dhiqlaa ku cunaaya
Intaad ka cabsooto,
Maxaad naf cagaagan
Islaan cimri-goys ah
Cibaado sabool ah
Culayska u saari?
Eedaysanayaasha waxa la horgeeyay maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanay maxkamaddu 08dii March 2017ka soo saartay qaraar ah in xorriyaddooda loo celiyo lixda muwaaddin ee muddada xidhnaa. Go’aankani waxa uu yimi markii dacwadda la dhegaystay, ee wax dembi ah lagu waayay Mukhtaar Xasan Cilmi iyo afarta gabdhood ee xidhan. Waxa la-yaab ah in Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodijeex sii-deyntooda ay ka qaadatay rafcaan, waxaana wakiil ka ahaa Xeer-ilaaliye Farxaan Mire Cismaan oo hore rafcaan uga qaatay qaraar 15kii Oktoobar 2016ka, la igu sii daayay.
Farxaan Mire Cismaan waxa uu wakiil u noqdaa oogista kiisaska la walaaqayo sida kii sannadkii hore lagu qaaday lixdii Kalkaaliye ee uu gudaha dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Cali Suudi Diiriye, eedihii loo jeediyay Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon, wanjalkii aan 88ka cisho u xayirnaa iyo kuwo la mid ah.
Inkasta oo uu sharcigu dhigayo in dhegaysiga rafcaanka lagu fuliyo muddo bil ah oo ka bilaabanta maalinta rafcaanka la qaato, waxa afartan cisho laga joogaa maalintii ambiilka laga qaatay eedaysanayaashan. Welina mar labaad lama hor keenin maxkamadda si dacwaddooda loo horgeeyo maxkamadda rafcaanka Maroodijeex. Waxaanay muddo saddex bilood ka badan ku xeraysan yihiin xarunta C.I.D iyo saldhigyada Hargeysa.
Waxa aan si xooggan u cambaaraynayaa xadhigga mudda-dhaafka ah ee lala beegsaday muwaaddiniintan aan waxba galabsannin. Iyada oo Somaliland lagu dhex adeegsado boqollaal calan, waxa iga degi weydays sababta lagula colloobay midabka buluugga ah. Waxa aan ku baaqayaa in xeer-ilaalintu si dhakhso ah uga laabato racfaanka aan qiilka wadannin ee ay ka qaadatay dacwaddan male-awaalka ah iyo in si dhakhso ah xorriyaddooda loogu soo celiyo muwaaddiniinta lagu xadgudbay.
Waxa aan ciidanka booliska ku dhaafayaa sadarradii uu Abwaan Gaarriye ku xoo xidhay maansada Hashii Cosob oo ahaa:
Miyaan cadda-loolka
Habeenki ciyaarta
Carruurtu ku heesin:
“Maroodi cadhoole
Haddii col la sheego
Cadaadda-ku-meere
Hashii Cosob waa tan!”
Siciid Maxamuud Gahayr