“Buugga DUCO-QABE halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal oo uu qoray Xasan Cabdi Madar. Lagu daabacay Hargeysa-Somaliland. Ay daabacday shirkadda Sageljet. Tarmintiisii koowaad la sameeyay 2016. Ka kooban 333 bog. Markii aan akhriyay waxa ila qummanaatay in aan faallo ka sameeyo. Aniga oo inta karaankayga ah isku dayaya in aan si caddaaladdi ku jirto u lafo-guri buugga. In qalinka runta lagu sheegaa waa gobonnimo heerkeedu sarreeyo. Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee. Maxamed Xaashi Dhammac “Gaarriye” Wuxu yidhi:
“HADDII QALINKA LOO TUDHO,
WAX QORAALKA LAGA TAGO,
LAMA TAABBO-GELI KARO.”
“HADDII QALINKA LOO TUDHO,
WAX QORAALKA LAGA TAGO,
LAMA TAABBO-GELI KARO.”
Buugga Hagar-laawe. Maansada Tanaad 1972. Bogga 201aad.
Sidaa darteed, ayaan qoraal kooban uga samayn doonaa anigoo niyadda ku haya murti-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.
Sidaa darteed, ayaan qoraal kooban uga samayn doonaa anigoo niyadda ku haya murti-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.
Hor iyo horraan ba waan bogaadinayaa Qoraha hawshan mugga weyn isku xilka saaray. Cigaal waxa ay ahayd in dawlad ama Hay’addi wax ka qorto. Hasa yeeshee, dedaal badan ayaa ka muuqda buugga, wixii iila muuqday in uu il-duufayna waan xusi doonaa.
Goortaan akhriyay buuggan waxa jiray arrimo dhowr ah oo aan u arkay in habboon tahay in wax laga yidhaa. Sidaa awgeed, ayaan si kor ka xaadis ah gorfeyntaydan ugu taataaban doonaa. Haddii Rabbi i garansiiyo. Kuwaas oo kala ah; Buugga iyo aragtidayda, laga bilaabo oogada buugga, farriinta buugga. Qoruhu sida uu xigashooyinka iskaga dhawray, ama sida uu xilka iskaga saaray in uu sugo dhammaan ilaha uu soo xiganayo. Aragtidayda arrimo ahmiyad badan buugga u lahaan lahaa oo qoruhu il-duufay iyo guud ahaan dhalliilihii iiga muuqday intii aan akhriyay. Intaas kooban ayaan halkan ku wadaagi doonnaa.
OOGADA BUUGGA: jalleecada ugu horreysa ee Duco-Qabe, waxa aad arkaysaa in shaqo mug leh gashay nakhshadayntiisa. Foolka hore ee jaldiga waxa kaaga muuqanaya, oday Soomaali, reer magaalnimo iyo ilbaxnimo qoto-dheer ka muuqato. Suudh dhuxuli ah, shaadh-cad iyo xadhigga qoorta lagu xidho (Tia) guntiinkiisa xirfad heersarraysa ka muuqato. Waxa intaa weheliya muraayad-indhoodda aalaaba lagu yaqaanno ruug-caddaadiga cilmigu biyo dhigay. Madaxiisa waxa saaran koofiyad dambari ah; midabkiisa oo maarriin dhalaalaya ah, waxa sii bilay dhoolla-caddayn aanu ku talax-tegin. Hab maamuuska uu sawirka u galay, sida uu labada gacmood isku dhex galiyay iyo gacanta bidix oo uu ku xidhan yahay saacad dahabiya oo widhwidhaysa.
Intaas oo arrimood marka la isku soo xooriyo, waxa kuu soo baxaya hab-maamuus madaxnimo oo dad cilmi leh ka soo talo bixiyeen in uu sawirka u galay. Ama ba Diyaar garow badan ka muuqdo.
Qofka aan Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aqoonta u lahayn waxa iskugu fadhiisanaya sifooyinka quruxda badan ee aan kor ku xusnay ee sawirka jildhiga ka muuqda iyo magaca farta waaweyn ku qoran ee oogada jaldiga ku xardhan oo ah DUCO-QABE.
Jaldiga buugga oo aad u qaro-weyn iyo warqadda buuggu ku daabacan yahay oo ah xaashi-cas oo isha wax ka akhriyaysaa aanay suurto-gal ahayn in ay dhibsato. Iyo Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal” oo ahaa hoggaamiye yoollahaa “Visionary Leader” oo dadkuna u jeellaanayeen in ay wax ka ogaadaan taariikh nololeedkiisa. Labadaa qodob ee aan kor ku xusnay ayaa ah awoodaha ugu waaweyn ee kugu riixaya in aad buuggan gudaha u sii gasho.
XIGASHOOYINKA BUUGGA: Mugga kalsoonida ee buugga waxa qayb libaax ka qaata nooca xigashooyinka uu cuskaday qoruhu. Si xatooyada hanti-maskaxeedka looga hortago ayaa adduunka Qalinka sida bakhtiga loo xaaraantinimeeyay qofku in uu adeegsado qurub xog ah ama sawir ah amaba fikir ah oo aanu lahayn isagoo aan sheegin cidda leh.
Buugga Duco-Qabe waxa intii aan akhriyay aan ku arkay warqado wareegtooyin dawladeed ah oo goobta ugu dhow ee laga heli karaa ay tahay “Xafiiska keydka Warqadaha Qaranka” oo buugga ku xusan tiradoodu waa (25) iyo Sawirro Iyana tiradoodu tahay (25) guud ahaanna tiradoodu waa (50) Intaas oo dhan qoruhu meesha uu ka keenay ama ka soo xigtay, buugga kuma sheegin. Hoos ka akhri meelaha ay ku yaallaan, sawirradaas iyo warqadahaasi;
Bogagga; 5, 16, 31, 45, 59, 61, 100, 142, 147, 149, 153, 156, 157, 159, 162, 166, 169, 173, 175, 186, 196, 199, 205, 213, 215, 222, 234, 242, 243, 247, 249, 253, 256, 273, 274, 280, 282, 285, 288, 316, 324, 325, 326, 327.
Bogagga; 5, 16, 31, 45, 59, 61, 100, 142, 147, 149, 153, 156, 157, 159, 162, 166, 169, 173, 175, 186, 196, 199, 205, 213, 215, 222, 234, 242, 243, 247, 249, 253, 256, 273, 274, 280, 282, 285, 288, 316, 324, 325, 326, 327.
YAA WAX KA YIDHI MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL?
Qofka wax laga odhanayo marka uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim ama qof u dhigma taariikh ahaan, waxa ila habboon inta aan wax ba laga odhan in la is-weydiiyo yaa wax ka odhan kara? Dadka qaar in ay wax ka yidhaahdaan, waxa ay wax u dhimaysaa buugga laftiisa, xataa haddii ay yaqaannaan. Dadyowga wax ka yidhi ee buugga ku jira waxa ay u badan yihiin Isaaq oo ah jilib yar oo Ummadda Soomaalida ka mid ah. Waxa aan door u arki lahaa in Cigaal ay wax ka yidhaahdaan cid aan ahayn reerkiisa.
Dadka wax ka yidhi Cigaal ee buugga ku qoran waxa ka mid ahaa:
– Yuusuf Xaaji Aadan,
– Axmed Siciid Cige,
– Kornayl Sulaymaan Cumer-ku-joog,
– Aadan Muuse Jibriil,
– Bashiir X. Xasan Geele,
– Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax,
– Xuseen Axmed Caydiid,
– Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,
– Cabdilaahi Maxamed Ducaale,
– Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan.
– Cabdi Ibraahim Jaamac.
Magacyadan kore marka aad aragto waxa kuu soo baxaysa dadkii Cigaal wax laga weydiiyay ama wax ka yidhi in ay u badnaayeen Reer Sheekh Isaxaaq. Aragtidayda Cigaal waa mid ka mug weyn Somaliland.
Qofka wax laga odhanayo marka uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim ama qof u dhigma taariikh ahaan, waxa ila habboon inta aan wax ba laga odhan in la is-weydiiyo yaa wax ka odhan kara? Dadka qaar in ay wax ka yidhaahdaan, waxa ay wax u dhimaysaa buugga laftiisa, xataa haddii ay yaqaannaan. Dadyowga wax ka yidhi ee buugga ku jira waxa ay u badan yihiin Isaaq oo ah jilib yar oo Ummadda Soomaalida ka mid ah. Waxa aan door u arki lahaa in Cigaal ay wax ka yidhaahdaan cid aan ahayn reerkiisa.
Dadka wax ka yidhi Cigaal ee buugga ku qoran waxa ka mid ahaa:
– Yuusuf Xaaji Aadan,
– Axmed Siciid Cige,
– Kornayl Sulaymaan Cumer-ku-joog,
– Aadan Muuse Jibriil,
– Bashiir X. Xasan Geele,
– Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax,
– Xuseen Axmed Caydiid,
– Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,
– Cabdilaahi Maxamed Ducaale,
– Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan.
– Cabdi Ibraahim Jaamac.
Magacyadan kore marka aad aragto waxa kuu soo baxaysa dadkii Cigaal wax laga weydiiyay ama wax ka yidhi in ay u badnaayeen Reer Sheekh Isaxaaq. Aragtidayda Cigaal waa mid ka mug weyn Somaliland.
Aragtidayda fikirka kale ee aan isna ila mudnaa ee qoraagu il-duufay ama gafay waxa ka mid ah in aanu qoraagu dadkii wax ka sheegay Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal aanu ku darin Haweenkiisii. Haweenku waa isha ugu xoogga badan ee laga heli karo xogo sugan oo ku saabsan shakhsiyadda saygooda ama odaygooda. Waxaana laga soo xigan karaa arrimo door ah aadna u xiiso badan. Marka la qorayo taariikh nololeed ”Biography”
Waxa aan is-weydiiyay sababta aanu mid ka mid ah haweenkii Cigaal waxba uga weydiin taariikh nololeedkiisii. Isaga oo qoraagu buugga ku xusay, in uu Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal” guursaday shan haween ah oo kala ahaa;
1. Caasha Siciid Caabi.
2. Adna Aadan Ismaaciil.
3. Xaawa Axmed Caynab.
4. Deeqa Maxamed Ciid.
5. Kaltuun Xaaji Daahir.” Duco-Qabe. Bogga 12aad.
1. Caasha Siciid Caabi.
2. Adna Aadan Ismaaciil.
3. Xaawa Axmed Caynab.
4. Deeqa Maxamed Ciid.
5. Kaltuun Xaaji Daahir.” Duco-Qabe. Bogga 12aad.
Waxa aan akhriyay buugga uu qoray Obama ee magaciisa la yidhaa, “The audacity of the hope” Wuxu Mishaal Obaama ku soo daray hordhaca buugga, isagoo qoraalkiisa ku caddaynaya sida ay ugu samirtay ee ay ugu dul-qaadatay isaga oo aan wakhti badan la qaadan oo aad uga mashquulsanaa. Odhaahdaasi waxa ay furaysaa daaqad laga arki karo nolosha qoys ee Obama, sidaas oo kale ayaan u door-bidayaa in xog wanaagsan laga heli lahaa haweenkii Cigaal. Xogtaas oo aan ku baran lahayn, Cigaal kumuu ahaa wakhtiga Qoyska?
Haweenkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa ka mid ah Adna Aadan Ismaaciil oo aqoon-yahannad ah, waanan hubaa in ay dhacdooyin xiiso badan buugga macno-weyn u sameeya ay buugga ugu deeqi lahayd. Sidoo kale, Kaltuun Xaaji Daahir waxa ay wax badan oo ka sheegi lahayd Cigaal noloshii goorihii ugu dambeeyay. Fursad wanaagsan oo qoraagu dayacay ayaan u arkaa buug taariikh nololeed fursad u helay haweenkan oo kale…
LA SOCO…