Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar Qaybtii lixaad

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Lixaad (6-aad)”

Murti soomaaliyeed baa tidhaahda, Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed, “Reerku ha guuro waa gar,  Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”
Guud ahaa dadka reer Somaliland waxa ay leeyihiin xeer dhaqan oo ay ku kala gar-bixi jireen marka ay soo dhex-maraan arrimo la xidhiidha dhinaca dhaqanka iyo wada-noolaanshaha ay ku timaado dhibaatooyin, khilaaf iyo degenaansho la’aan.
Qabiilo kasta ama Beelo kasta oo isku dhaqan ah oo isku deegaan ahiba waxa ay leeyihiin xeerar ka dhaxeeya oo ay kuwada macaamilaan, kuna kala baxaan oo ay ku xaliyaan marka ay dhibaato kala gaadho.
Waxa kale oo iyana jirta in reer kastaaba ama qabiilkastaaba dhexdiisa waxa uu leeyahay xeer hoosaadyo ay isku maamulaan, xeerarkaas mar waa xanaan marna waa la isku anshax mariyaa marka qof reerka ka mid ahi qalad galo, isla-markaana, waxa uu xeerkaasi noqon karaa xeer-san ama xeer-qalafsan oo aan xanaan lahayn, sidoo kalena, waxa uu xeerkaasi siinayaa qof-kasta oo ka mid ah beesha inuu leeyahay xuquuq iyo waajibaad u gaar ah, sida, Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isaguna uu wax ka bixiyo, kaalo la isa-siiyo, waxaana xeerarka dhaqanka ku dabakha Oday-dhaqameedyada beelaha hoggaamiya ee sida, Odayaasha, Nabaddoonadda, Caaqilada, Suldaannada, Garaadada, Boqoradda. IWM, kuwaasoo yidhaahda , sidaas ayaa inoo xeer ah.
Boqor, Ugaaska, suldaanka, caaqilka iyo darajooyinka la mid ka ah waxa loo eegi jiray ninka loo dooranayo hab-dhaqanka iyo dabeecadaha uu leeyahay, sida; Diinta, Deeqsinnimo, Geesinnimo, Garyaqaannimo, codkarnimo iyo Dhaqanka.
Boqor asal ahaan waa kalmad giriig ah oo macno ahaan noqonaysa “ Qoraxda iga illaali biyahana iigu roonow”, taasoo ka soo jeeda boqorka aboorka iyo boqoradda shinidu ay leedahay.
Haddaba, marka uu geeriyoodo boqor la calleema saaray waxa dhaxli jiray wiilashiisa ka ugu weyn, haddii aanu wiil lahaynna waxaa dhaxli jiray ragga ay walaalaha yihiin mid ka ah, hase yeeshee, dumarka darajadaas qabiiladu umay dooran jirin dhaxalna umay siin jirin, laakiinse, darajooyinka kale waxa ay ku iman jireen hadba sida uu dhigay xeerarka dhaqanka qabiilkastaaba dhexdiisa uu ku leeyahay, taasoo ahayd in uu ku yimaado hab-xulasho ama dhaxal.
Sidaa darteed, waxa aynu halkan ku eegi doonaa Beel ama qabiil xeer-dhaqan soo jireen ah u lahaan jiray inay ku soo xushaan hab-doorasho gadh-wadeenka reerka marka uu geeriyoodo ama uu hawl-gab noqdo, waxaana ka fadhiisan jiray xubno ka mid ah guddi hoosaadyo ay beeshaasi lahayd, kuwaasoo ka soo dhex-xullan jiray beesha ninka caaqilnimada reerka u noqonaya.
Ka dibna, waxa ay guddidaasi u eegi jireen, Diinta, sharafta, karaamadda iyo daacadnimada uu leeyahay, iyagoo ku qiimeyn jiray dhinaca, Dhaqanka, Codkarnimo, Garyaqaannimo, Hawl-karnimada, Caqliga, Aqoonta, Xikmadda, Da’da iyo waayo-aragnimada uu leeyahay ninka gadh-wadeenka reerka u noqonayaa.
Waxa dhacday inay sameysteen Suldaankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan, kaasoo ay ku soo xusheen sidii uu dhigaayey xeerka dhaqanka beeshu ee ahayd habka xulashada, isla-wakhtigaas, waxa xafladii caleemo saarka suldaanka lagaga dhawaaqay in aanay ahayn sandaladani mid ku timid dhaxal ama aanay noqon doonin mid la kala dhaxlo, balse, suldaanku cusub ee ka danbeeyaa uu ku iman doono habka-xulashada rabitaanka aqlabiyada reerku ninka ay u soo doortaan suldaannimada.
Muddo toban sannadood ah ka dib, markii uu geeriyooday suldaankaas (AHU), waxa la isku khilaafay oo la siku qabtay in loo caleemo saaro wiil uu dhalay, taasoo aan waafaqsanay sidii uu dhigayey xeerka dhaqanka beesha uga yaalay marka ay banaanaato jagada caaqilnimada iyo suldaannimadu.
Nasiib darro’se, xaajadaas kumay dhamaanin guul iyo is-afgarad, waxa taasi sabab u ahaa ka dib, markii faro-galin kaga timid, suldaanno ka mid ah 14- suldaan oo ay isku beel-wadaag ahaayeen, kana mid ahaa 71-ka suldaan ee ka jiray deegaankaas, kuwaasoo sandaladoodu ay ahayd mid ku timid dhaxal iyo arrimo siyaasadeed oo kale, balse, aan ku iman habka xulashada doonista rabitaanka beelaha ay matalaan.
Waxa kale oo arrintaasi ku abuurtay cabsi, ku dhalisay inay sas ka qaadaan habka xulashada dimuquraadiyada ku dhisan caqliyadda ee lagu soo xulanayey suldaannimaddu ay wiiqi doonto sandalada dhaxaltooyada ah, waa haddiiba ay maqlaan beelaha ay ka soo jeedaan, isla-markaana, iyagoo ka duulaaya siyaasadda ay ku illaashadaan sandalada dhaxalka ah, waxa ay isku dayeen sidii ay u sii hurin lahaayeen khilaafkii yaraa ee beeshaasi soo kala dhex-galay, waxaanay qayb laxaad leh kaga qayb qaateen kala jabinta beel xoog ku lahayd wada jirka iyo walaaltinimada, isla-markaana, xeer -dhaqan u lahayd habka-xulashada rabitaanka beesha aqlabiyada ugu badan inuu ku soo baxo gadhwadeenka reerku…… la soco..
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso