Xus iyo Xusuus :
Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale
Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka gobi leeday Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo Ku xasuuso ruuxii xil gaba suu u xuganaayey Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo. Waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato Geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye Qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun eebe.
Bahda Mareegta Farshaxan
April, 2017
Waa xilli ay ku beegnayd goor-sheegtu ilaa 2dii galabnimo, kal-tirsiguna uu ahaa bishii Febraayo 18,ee gu’gii 2017kii. Dhaxan xad dhaaf ah oo dhici jirtay xilliyadan, barafna ku weheliyo ayaan maalintan jirin. Dhul aan looga baran xilliyadan inay hawadu fiicnaato ayaa isbadal ku yimid. Naftaanu ku qancinaa doorkan jiilaalkii dhaxan iyo barafba lamuu iman. Maalin jawigaa laheyd bay aheyd. Waxaan ku soo socday guriga. Si lama filaana ah waxaa u dhawaaqdey koortii aan sitey. Gartey qofka soo hadlay oo tolnimo iyo saaxiibtinimaba naga dhaxeyso, markaanu wada hadalano aan dhinacyo badan isla soo qaadno. Hase yeeshee maalintan weedh naxdin leh ayuu ii sheegay, labadayadaba hadalkii wuu ku gudhay,noomayna suurtogalin inaanu sii wada hadalno. Waxaad moodaysay in jidhkaygu uu isgalay, dhawaaqa dhegahayga ku soo dhacey wuxuu siday dhiilo, badashey dareenkaygii iyo jawigii aan ku jiray maalintaa. Waxaa la igu wargaliyey inuu maanta uu geeriyooday Maxamed Cilmi Bulaale(IHUN).
Waan ka warqabay inuu xanuunsanayey. Hase yeeshee geeridani waxay igu noqotay waran si toos ah u abaarey wadnahayga,w axaan wareystay siday tahay Aamina Yaaxeen oo ah xaaska Maxamed. Intaanu warcelin i siin ayuu afkeygu la soo booday bal anigaaba la hadli. Waxaan markiiba maankeyga dhex jibaaxeysay erayadii Abwaan Xasan Daahir Weedhsame:
Dubaaqayga qiirada damaqaday igu dinnaaheeye Ilmo dabarku hayn waayey oo dhaba u dareeraysa
Hadba duugay waan duugayaa dooxse lama mooso!
Damal dhacay, docdiisii bannaan, deyrka naga liicay
Xulad damay, hal-door lagu goblamay, deeqsi naga hoyday,
Nimay dihatay hooyaba wed baan laga dabbaalayne
Rabbi baan durraansaday baryana waan u dirayaaye
Inta loo darraadiyo ilaah kaama dhigo deyro
Duddo nabada iilkaagu noqoy daarad naxariisa
Qabrigaagu daartii Jannada daa’im idamkiisa
Markay saacado ka soo wareegtay eey naftu isku qancisay “Geeridu waa lama huraan, noole dhamaantiina wuu dhadhamin doonaa” ayaan koortii haleelay una holadey inaan tacsidayda gaadhsiiyo Aamina Yaaxeen, iimay suurtogalin ee waxaanse helay Raage oon ka tacsiyadeeyiey geerida aabihii,farina u farey hooyadii.
Ilaa aasaaskii Mareegaha Farshaxan oo ku beegnayd gu’gii 2003 xidhiidh joogta ah ayaanu laheyn reerka, Garab iyo gaashaan ayey noo ahaayeen dhinaca suugaanta, dhinaca ururinta taariikhda dadka iyo dalka Soomaalland, dhinaca eraybixinta afka hooyo, iwm.
Gu’gii 2012 ayaanu wadney qoraalo ku saabsan taariikhda kacdoonkii ardeyda iyo kaalintii kooxdii UFFO. Qoraaladaa waxaa summad u ahaa “Dhagaxtuurkii ardeyda iyo dhiiranaantii UFFO”. Waxaanu qoraalada la wadaagney mareegaha u heelan danta ummada reer Soomaaliland. Marxuum Maxamed ayaa ka mid ahaa dadkii qoraaladaa arkey, akhriyeyna. Qoraaladaasi sooyaalka ay xanbaarsanaayeen isaga ugumay koobneyn akhris ahaan uun ee intuu qaatey koortiisa ayuu soo hadley “ Fu’aadoow erayga dhagaxtuur ka saar, taarikhda ayuu inaga leexinayaa, dad taalada dhagaxtuur ee Xamar arkey ayaa isku ladhi doonee”. Aragti fog oo ku salaysan waayo aragnimo dheer ayaa ku ladhneyd odhaahdaa marxuumka. Gu’gii 2013 ayaa magaalada Hargeysa maalintii loo qoondeeyey dhacdadaa ee 20ka Febraayo ayaa dad ku barbaarey Xamar ku qabteen magaalada Hargeysa xaflada lagaga hadlayey, lagu boqray summada “100-ka Qof ee Loo Xushay Haldoorka Somaliland ee 20-kii Sanno ee Tagay”.
In la xuso boqolkaa iyo in ka badanba waa guul, ee waxaa is qaban waayey maalinta lala doontay oo siduu sheegay marxuum Maxamed u dhacdey hal gu’ ka dib. Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dhalintii UFFO, maalintaana joogay magaalada Hargeysa ayaa codbaahiyaha qaatey, dhawaaq dheerna ugu sheegay saxaafada in gef weyn laga galey taariikhda Soomaaliland, sheegayna in la hanbalyeeyo boqolkan way wanaagsan tahay ee miyaa maalin kale lala doonto, maalmuhu kala badanaeee…
Gu’gii 2012kii wuxuu soo jeediyey marxuum Maxamed in la adeegsado summada ah “Kacdoonkii ardeyda…” . Marxuumku wuxuu in badan noloshiisa ku qaatey soo saarista eray bixinta afka –Soomaaliga iyo waxbarista bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu barre sare ka ahaa Jaamiacadii Lafoole, wuxuu ka mid ahaa guddidii loo xilsaarey in la helo eray bixin aqooneed oo dugsiyada lagu dhigto, wuxuuna hormood ka ahaa qaybta eray bixinta xisaabta.
“Marka la isku soo xoorsho waxbarashada dugsiyadu in ay noqoto Af Soomaali waxa ay ku timi go’aan siyaaseed. Waxayse ku hirgashay go’aan maamul oo Wasaaradda Waxbarashadu ku dhaqaaqday in manaahijta loo tarjumo Soomaali, buugaagta casharada( text-books) iyaguna noqdaan Af Soomaali ”ayuu mar aanu ka wareysaneyn barre sare Maxamed Bulaale socdaalkii dheeraa ee qorida Af-Soomaaliga.
Gu’gii 1956kii ayaa la soo dhameystiray qorista Afka Soomaaliga, laguna soo bandhigay dalkii Somaliland British Protectorate xilligaa la odhan jiry iminkana ah dalka Soomaaliland. Hase yeeshee dadka taariikhda bawdsadey ay dulxaadisna ku tahay ayaa u haysta in la qoray 1972kii. Afka waxaa la hirgalyey 1972kii , hase yeeshee afka waa la qoray oo diyaar buu ahaa. Marxuum Maxamed wuxuu ka mid ahaa dadka aqoonta dheeraadka u lahaa taariikhdaa afka Soomaaliga iyo dadaalkii dadkii reer Soomaaliland.
Gu’gii 1972kii markii la isku raacey in la hirgaliyo Afka Soomaaliga ayaa dib u eegid lagu sameeyey hababkii waxbarasho ee kala duwanaa kana jiray labadii dal ee isku darsamey ( waa Soomaaliya iyo Soomaaliland ). Waxaa gu’gan la sameeyey guddiyo iyo waaxyo u xil saaran hirgalinta iyo ururinta eray bixinta aqooneed.
Barre sarre Marxuum Maxamed Bulaale oo arintaa faahfaahinaya ayaa yidhi:“Markii meel la isla dhigay xubnihii gudiyada lana sameeyey waaxihii kala duwanaa ayaa waxaa dib loo eegay nidaamkii waxbarasho ee ka jiri jiray dalkii. labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay kala lahaayeen laba hawlgal waxbarasheed,oo salka ku hayey hab waxbarasheedkii labadii gumaysi ee Ingiriiska oo Somaliland ku dhaqmeysay iyo kii Talyaaniga oo Soomaaliya ku dhaqmeysay”.
Marxuum Maxamed Bulaale ayaa isagoo ka waramaya sida ay u suurtogashey in eray bixin Af-Soomaali ah la soo bandhigo, laguna adeegsado dugsiyada hoose ilaa sare ayaa inala wadaagey in loo kooxeeyey qaabkan:
1-Erayada si toos ah u leh eray tabin Af-Soomaaliya :
Tusaale :
Cell = Unug ;Average : Celcelis;Addition =Isu-geyn ;Bisect= Kala badh;
Square: Laba-jibaar; Inequalities= Dheeliyada;
Discriminant of quadratic equation: Takooraha Isle’egta Saabley.
2- Erayada Labaad waa qaar ku salaysan aragti (concept )
Tusaale:
Compound interest: Dheefkor ; Simple Interest= Dheefta Fudud; differentiate=xig;
hypotenuse=shakaal; sequence= susun; vector= leeb; Imaginary root=xidid Maangad .
3- Erayada laysla qaatey in sidooda loo daayo:
Tusaale :
Logaritham iyo Trigonometry,iwm.
4- Erayada la eego muuqaalkooga laguna saleeyo taasi eray-bixintooda:
Tusaale:
parabola=saab; ellipse=qabaal;Rhombus=qardhaas; rectangle=laydi ;
Quadratic Equation = Isle’gta Saabley;
5- Erayada muuqaalka aan raacin ee dhaqanka looga meel dayey:
Erayadani waxaa runtii loo galay safaro badan oo marmarka qaarkood qaatey muddo
badan. Dhabar-adeyg ay muujiyeen aqoonyahanadaasi ayaa suurtogalisay in ay guul ka
gaadhaan.Waxaa la eegay qaab dhaqanka erayga shisheeye iyo fariinta uu gudbinayo ka
dibna lagu sargooyey eray Af-Soomaali ah oo dhaqankeena raad ku leh lana jaanqaadaya
erayga shisheeye iyo fariinta uu sidaba.
Tusaale :
-Erayga “ Area” : Runtii muuqaal la raaco lama helin eray si toos ah ula fanqaadana muu
jirin.Sidaa darteed ayaa waxaa la ogaadey in Beeraleydu markay beerta qodayaan ay u
isticmaal erayga “bed” baaxada beerta…
-Ereyga “Diagram”ma aha wax ku jira fikirka Soomaaliga; waxase jirta in kaboolayaashu inta aanay ruux kabo u tolin ay cagta ruuxa saan ku sargooyaan, taas oo la yidhaahdo jaantus. Sidaas ayaa, marka , ereyga diagram uu jaantus ku noqday.
Haddaba dhinaca miyiga ayaa aad uga hodan ah adeegsiga Af-Soomaaliga. Sidaa darteed ayey xilligaa habonaatey in dib loogu noqdo eray bixinta iyo adeegsigooda. Marxuum Maxamed Bulaale oo ka waramaya siduu miyigu kaalin mug u leh uga qaatey helitaanka erayo aqooneed oo dugsiyada lagu dhigan jiro,lagana maarmi akro adeegsiga eryada aqooneed ee laga soo ergisanayo afafka qalaad.
Waxaanu yidhi Marxuum Maxamed Bulaale oo arintaa nooga waramayey “Haddaad dhuuxdo, adhigu marka uu hayaamayo, iyo laba daraadle,marka uu aroorayo intuu is dabogalo ay uu susumaa. Aragtidaas ayaa, marka, keentey in “sequence” oo asal ahaan macnaha uu xambarsan yahay waxa midba mid daba socdo lagu tarjumo susun. Ereyo badan oo tarjumaada loo adeegsaday waxa lagala soo baxay aqal Soomaliga waxa uu ka kooban yahay ama weelka hoos yaala.Sidaasna waxa loo yeeley iyada oo alaabta aqal Soomaaligu ka koobmo ay muuqaal ah aan u eeg yihiin shaxanao joomateri. Shaxanada qaarkood ereyga loo bixiyey waxa laga habraacay aqal soomaaliga qaab dhismeedkiisa. Tusaale ahaan: “meridian” dhig ayaa la yidhi iyada oo laga eegey meesha ay dhigtu aqalka ka gasho. Ereyada miyiga laga keeney waxa ka mid ah “leeb” iyo “ligane” oo lagu kala bedeley vector iyo normal oo fisikiska iyo calculus labadaba ku jira.Maadaama uu vector loo qeexo in uu yahay xariiq jihaysan oo leh jiho iyo xajmi waxa la garawsaday in leebku uu leeyahay dhumuc iyo ganaf (>) tusaya jiho. Sidaas awgeed ayey, marka, u haboonaatay in vector lagu tarjumo leeb. Ligane sida loo qaatay xiiso ayey leedahay; Cayaar carruurtu cayaari jirtay ( mooyi in ay imminka jirtoe) ayaa agabkeedu ahaa jajabyo eeriyo am bilaalayaal dhinac xardhan yahay dhinacna cadaan yahay.Jajabkaas ayaa la ruxruxaa oo daba deed dhulka lagu sii daayaa.Haddii dhinac isku mid ah ay u dhacaan warfac ayaa la yidhaahda a. Mararka qaar se waxa dhacda in midh ama kabadaniba ganaf isku taaga ao oo u u dhiciwaayo. Marka ay sidaa noqoto, waxa la yidhaahdaa “ligan”. Maada ama normal uu xisaabta iyo fisikadaba yahay nooc perpendicular =qotome ah sidaa s ayaa ,kolka, loogu bixiyey “ligane” …….”
Hodantinimada afkeenu in la soo bandhigo oo la hirgaliyo ayuu kaalin mudan oo mug leh ka qaatey marxuum Maxamed Cilmi, Qoraal dhan oo ku suntan “Afkeenu Hodansanaa, Ummadiisuna hiil yaraa” ayaanu arintaa ku soo bandhignay oo helitaankiisu fudud yahay.Hase yeeshee qoraalkan waxaynu u banbaxeynaa in aynu isla wadaagno in yar oo dul ka xaadis ah, naguna ah hal-ka haleel kuna saabsan sooyaalkii nololeed ee marxuum Maxamed Cilmi Bulaale…..
Xilli ku beegnayd bishii Juun,gu’gii 1942kii ayaa Aabo Cilmi Bullaale iyo hooyo Raxma Diiriye (Illaahay labadaba ha u naxariistee) uu wiil ugu dhashay magaalada Sheekh.Waxa ay labadaa waalid wiilkooda ugu wanqaleen Maxamed. Waxa la dhashay oo ay walaalo yihiin mudanaha afar inan iyo saddex hablood. Waxbarashada asaasiga ah iyo ta hooseba waxa uu ku qaatay Dugsiga Hoose ee Sheekh iyo Dugsiga Dhexe ee Sheekh gu’yaashii 1952kii-1959kii .
Dayrtii 1959kii ayaa Maxamed waxbarashada dugsiga sare ka bilaabay Dugsiga Sare ee Caamuud ee gobolka Awdal ku yaala iminka.Hase yeeshee bishii Maarso,1960kii ayaa dugsigii sare ee Caamuud gebi ahaantiiba loo raray Magaalada Sheekh oo dugsi cusub laga dhisay. Waxa uu Maxamed dugsiga sare ee Sheekh ka qalinjebiyey gu’gii 1963kii.
Dugsiga sare dabadeed, waxa uu Maxamed ka hawlgalay dugsiga dhexe ee Sheekh. Muddadii u dhaxeysay bishii November 1963kii ilaa bishii Maayo 1964kii, wuxuu ka dhigi jiray maadooyinka Fisigiska iyo Xisaabta. Goor ku beegnayd bishii Juun 1964kii ayuu Marxuum Maxamed Bulaale tegey Xamar halkaas oo muddo sannad ah uu ka shaqeeyey. Dayrtii 1965kii ayaa uu Marxuum Maxamed Bulaale waxbarasho jaamicadeed ugu baqoolay wadanka Maraykanka, gaar ahaan magaalada New York.
Dalka Maraykanka ayaa xilligan siin jiray deeq waxbarasho wadamada Afrikaanka. Waxaa markan ku guuleystay deeqdaa oo ka gudbey imtixaankii dhinaca dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya afar ardey. Ardeydaa ayey ka mid ahaayeen Barre Sare Maxamed iyo Dr Cismaan Sh. Axmed. Deeqdaa waxaa xilligaa Afrika ka helay 200 ardey. Waxaa ardeydaa la dajiyey gobolka Vermont ee cariga Maraykanka, si ay laba toddobaad ugu qaataan aqoonta looga baahan yahay qof dalkiisii ka baxey, dal shisheeyena wax ku baranaya dhaqan ahaan, (Experience for International Living) etc.
Waxaa ardeydaa ka kala imanaya dalalka Afrika ay ku kulmayeen Nayroobi, Lagos, iyo Dhahar. Diyaarada ay soo dirtay dawlada Maraykanku ayaa isku soo mareysay goobahaa, kana kala soo qaadeysay. Marxumm Maxamed wuxuu ka mid ahaa kuwa u baqoolayey Nayroobi.
Waxa uu Marxuum Maxamed Bulaale ka qalinjabiyey jaamacadda New York University bishii May 1969kii,helayna shahaadada koowaad ee BA, isaga oo ku takhasusay maaddada xisaabta.
Markii uu jaamicadda ka qalinjebiyey dabadeed ayaa uu Marxuum Maxamed Bulaale bishii Diisembar 1969kii ku noqday Jamhuuriyaddii Soomaaliya uuna ka mid noqday barrayaasha Kuliyada Waxbarashada ee Lafoole.Bare Maxamed waxa uu Kuliyadaa Lafoole ku sugnaa hal sanno,waxaana loo badaley in uu bare xisaabta dhiga ka noqdo Dugsiga Sare ee Banaadir, kuna yaalay magaalada Muqdisho.
Gu’gii 1973kii ayaa waxaa Bare Maxamed noqday gudoomiyaha Kormeerka Guud ee dugsiyada Wasaaradii Waxbarashada ee magaalada Muqdisho.Xilkan waxa uu Maxamed hayey ilaa 1976kii. Waxaa marka waxtar weyn laga geysanayey kaalmeynta dadkii danwadaagaha ee dhibaatadii abaaruhu wax yeeleeyeen, waxaana marxuum Maxamed loo badaley inuu noqdo agaasimihii tababarka ee Hay’adii Danwadaagaha, jagaadaas oo uu hayey ilaa 1977kii.
Gu’gii 1977kii dabayaaqadiisa ayaa mar labaad marxuum Maxamed dib ugu noqday Kuliyadii Waxbarashada ee Lafoole isaga oo noqday hormoodka kuliyada ee ku taalay magaalada Afgooye. Muddada xilkan uu hayey waxa kale oo barre sare Maxamed garab wadey in uu sidoo kale ka dhigo xisaabta isla kuliyadaa.
Dayrtii 1979kii ayaa bare Maxamed deeq waxbarasho ku tegey Jaamicada UCLA ee ku taala gobolka Kaalifoorniya ee carriga Maraykanka; waxbarashadaasi oo ku qaadaneyey shahaadada sare ee labaad (MA) uuna wadey ilaa horaantii 1981.
Maxamed u baqoolay gu’gii 1981kii dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya, kuna noqday barista xisaabta ee kuliyadii Lafoole,isagoo wali xilkii maamulkana haya.
Gu’gii 1982kii dhexdiisa ayaa Maxamed loo magacaabay xilka Guddoomiye ku Xigeenka Jaamicadda Ummadda iyo guddoomiyaha guddiga Cilmibaadhista ee Jaamicaddii Ummadda.Hawshan oo uu hayey ilaa 1987kii,waxaa u dhexeeyey in :
-Bishii Maarso ilaa Juun 1983kii uu safar waxbarsho ku saabsaneyd maamulka jaamicadeed (University Management) ugu baqoolay gobolka Kalifoorniya ee carriga Maraykanka, labadaraadle jaamicada UCLA.
– Bishii Janaayo ilaa Diisamber 1986kii oo uu waxbarasho luqada Af-talyaaniga ah u tagey machadkaa Politechnico Internazionale per lo Svilluppo Industrie ed Economico,Jesi , iyo Universita’ per Stranieri,Perugia ee dalka Talyaaniga. Waxa safarkan waxbarashada afka Talyaaniga ku whelinaysey xaaskiisa aqoonyahan Aamina Xaaji Aadan Yaaxeen.
Markii uu waxbarashadii Afka Talyaaniga uu ka soo noqday bishii Janaayo ee 1987kii wax uu ku soo beegmay Siyaasadii Soomaaliya oo cakiran,dadka Somaliland u dhashayna aad loo cadaadinayo. Looma dayn in jagadiisii Jaamacadda uu dib u hanto balse shaqadii ayaa laga joojiyey. Hase ahaatee,saddex bilood dabadeed waxa lagu magacaabay guddoomiyaha Machadka Maamulka Horumarinta iyo Maaraynta (Somali Institute for Development Administration) loona soo gaabin jiray “SIDAM”. Xilkan wuxuu hayey ilaa 1990kii.
Kuliyadan waxaa la asaasey horaantii Lixdameeyadii.Waxaana la odhan jiray xilligaa magaceega SIPA(Somali Institute of Public Administration).Waxaana kaalin mug leh ka qaatey hay’adda ILO( International Labour Organization).Waxaa kaloo kaalmo laxaad leh la garab taagnaa jaamicadaha Maraykanka oo ay ka mid tahay ta magaalada Fresno (Fresno University).Xilligan waxaa furfurmay xidhiidhkii dawladii Soomaaliya iyo dawlada Maraykanka.Waa xilliyadii ay suurtogashey in ardey badan oo Soomaali ah (badankooda waxay ka soo jeedeen wadanka Somaliland) ay u suurtogashey inay deeq waxbarasho ka helaan dawladii Maraykanka. Ardeyda ka soo baxa dhinaca Soomaaliland ayaa ahaa kuwa ka gudbi kara imtixaanada la qaado, waxaanay ka mid ahaayeen hormoodka dalalkii ku jiray barwaaqo sooranka (Commonwealth). Waxaa ardeydaa ka mid ahaa Maxamed Bulaale,Ibraahim Maygaag Samater(IHUN), Cali Khaliif, iyo Maxamuud Cabdi Dacar oo iminka ah safiirka Soomaaliland ee magaalada Buruusels oo laga hogaamiyo midawga Yurub.
Marka laga yimaado Wasaarada Waxbarashada oo uu Maxamed ka soo qabtey xilal kala duwan ee barre, kormeere, maamul,iyo cilmi baadhe waxaa u dheeraa inuu shaqooyin kala duwan ka soo qabtey qaybo kala duwan oo ka baxsan wasaaradaas .Shaqooyinkaas waxa ka mid ahaa :
-1964kii – 1965kii inuu noqday Sahamiye Mashruuca Sanduuga Gaark ah ee Qaramada Midoobay/Ururka Cuntada iyo Beeraha ee “sahaminta beeraha iyo biyaha”.(UN special Fund/FAO agriculture and Water Survey Project.) .Waxa uu Kaaliye Sahamiye (surveyor Aide) u ahaa Injineerka Waraabinta ee Mashruuca (Surveyor assistant to Project Irrigation Engineer)
*Xagaagii 1967kii ayuu tababar shaqo ka sameeyey Maamulka Guryaynta iyo Horumarinta ee Magaalada New York (New York City Housing and Development Administration).Xilka uu ka hayey wuxuu ahaa Kaaliye kormeer guryayn (Housing Inspector Aid) . Xilkani waxa uu ahaa soo ururinta tirakoobka guryaha wadeecoobay (rundown or dilapidated housing units).Wuxuu fursad u heley in uu la kulmo oo islana sawiro Mayor John V. Lindsay oo aad loogu jeclaa magaaladaas, mar uu soo booqday xarunta Maamulka Guryaynta iyo Horumarinta.
*Xagaagii 1968kii :Tababar shaqo ayuu ku sameeyey Maamulka Guryaynta iyo Horumarinta ee Magaalada New York (New York City Housing and Development Administration).Xilkiisuna waxa uu ahaa Kaaliye tirakooba (statistician Aide).
*Dayrtii 1969kii tababar shaqo ayaa uu ka sameeyey Urban Design ee magaalada Detroit. Tababarku waxa uu ku saabsanaa xog ururin guryaha kharaaba (data collection of housing decay)
*Cilmibaadhis iyo Qoraalo:Waxa uu ka qaybqaatay cilmibaadhis wadareed iyo daabacad mashruuc buug soo saarid oo ay u igmatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Xilalka gaarka waxay ahaayeen buug qorid dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sare. Mashruucan waxa uu xuu ka ahaa gudoomiyaha Guddiga Xisaabta. Maaraynta guddiga ka sokow, qorista kutubta ayuu ka mid ahaa waxana uu ahaa dhilaha (editor) qoraalada xisaabta, waxaana uu ka mid ahaa guddiga gudoomiyeyaayasha gudiyada buug qoraalada ee la shaqeeya Xafiiska Manaahijat ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Labadaraadle waxa uu qore -wadaag (co-author) ka ahaa: Xisaabta Fasalka 6aad iyo Xisaabta dhamaan fasalada kala duwan ee Dugsiyada Sare
*Waxa uu guddoomiye ka ahaa Kooxda Dersida waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Kooxda waxa loo igmaday in ay sadaaliso koritaanka waxbarasho iyo baahida macallinnimo ee dugsiyada. Tani waxa ay koobaysey in si qoto leh loo indha-indheeyo baahida macallinnimo, shaqaalaha taageero (support staff) iyo sida koritaanka waxbarashadu u saamaynayso tababarist macallinka.
*Waxa uu diyaariyey: Oddoros cunwaankiisu yahay ifafaalaha waxbarasho: 1976- 1986. (Education Prospects: 1976- 1986) Daraasaddani waxa ay oddorosaysey sida waxbarashadu dalku tobankaas sannadood u jaanqaadayso, marka laga eego xag arday, macallin, tabar macallin, baahi dhismo, maamul iyo miisaaniyadba.Waxa iyaguna jira warbixino iyo daraasado uu u diyaariyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, Wasaaradda Ttaclinta Sare, Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Machadka SIDAM iyo Hey’adda Danwadaagaha.
*Bare Maxamed iyo Maxamed Saciid Samatar oo bare ka ahaa Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jammacadda Ummadda waxa ay wadajir warqad (paper) ugu diyaariyeen madal ra’yi qaad (Symposium on Khat) oo cinwaankeedu ahaa Raadka qaadku ku leeyahay dhaqaalaha qaranka (The effects of Khat on the National Economy). Xamar, 1983
*Intaas waxa weheliya shirar tacliimeed ama hawleed oo uu ku tegey dalal ka tirsan, Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe, Yurub iyo Maraykan
Maxamed Bullaale ayaa ka mid ahaa aqoonyahanada reer Soomaliland ee leh mudnaanta dheeraadka.Wuxuu ahaa gudoomiyaha ururka Sopra.Waxaa lagu tilmaamaa Maxamed inuu ahaa aqoonyahan aad u afgaaban,hase yeeshee markuu hadal u holaddo dhaguhu jeclaystaan dhageysigiisa.
Xasan Cabdi Madar oo ahaa agaasimaha wasaarada madaxtoyada ee Soomaaliland kana mid ahaa ardeydiisaa ayaa yidhi: “Maxamed Cilmi Bullaale wuxu noo ahaa maamule sare.Runtii waagaa waa la iska yaraa, madaxdana xidhiidh badan lalama samayn jirin, bale mararka aan xafiiska ugu tago si gaar ah buu ii soo dhoweyn jiray. waxa is kaaya baray Cali dheere (AUN) oo ahaa agaasimaha maamulka iyo lacagta. Bullaale nin aad u deggan oo aqoonyahan ah buu ahaa.Nin dadka dhegaysta oo aan iska weyneyn buu ahaa”.
Muddooyinkii u dabeeyey wuxuu Maxamed Bulaale ahaa tabeeye maadada xisaabta ka yahay kuliyada Orange Coast College ee gobolka Kalifoorniya.Waxa u dhaxdey aqoonyahanadda Aamina Xaaji AadanYaaxeen oo buuni ( professor) ka ah Orange Coast College,Illaahayna ugu deeqay inankooga Raage.
Waxaa muddo aan sidaa u sii badneyn u jiifay xanuun. Hase yeeshee bishi Febraayo 18, 2017 ayuu barre sare Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale ku geeriyooday magaalada Anaheim, ee degaanka Orange County, kana tirsan gobolka California ee cariga Maraykanka. Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo xaaskiisa aqoonyahan marwo professor Aamina Xaaji Aadan iyo Yaaxeen iyo inankiisa Raage.. Sidoo kale Ilaahay helekiisa iyo dhamaan bukshada Soomaaliyeed gaar ahaana ummada reer Soomaaliland samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga wada siiyo…. Ilaahay ha ugu deeqo adoonkiisa marxuum Maxamed Bulaale Jannatu Fardawsa.. Aamiin ..Aamiin
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
http://www.farshaxan.com ama http://www.farshaxan.org