Sannadku markuu ahaa 1776 (BC) dhalashadii Nebi Ciise ka hor, waxa dalkii la odhanayaa jirey Mesopotamia (dalkii labada webi u dhaxeeyey), iminkana ah Ciraaq iyo qaybo ka mid ah Suuriya, oo uu boqor ka ahaa ninkii la odhan jirey Hammurabi soo saaray sharciga loo yaqaano qodobadii Hammurabi (code of Hammurabi) oo ka koobnaa 282 qodob sharci. Waxuu boqorkaasi ku dhaartay ” inuu dalkiisa ka sameeyo cadaalad loo siman yahay, oo uu ka cidhib tiro dadka xun ee denbiilayaasha iyo aafada ku ah cadaalada, oo aanu ogolaan doonin inuu qofba qofkuu ka xooga weyn yahay midiidinsado”.
Sharciyada uu sameeyey waxa ku jira in qofkii qofkale il ka rida in isagana il laga rido, kii ilig qofkale ka ridana ilig laga rido. Waxa kale oo ka mid ahaa sharciyadaas in qofka wax lagu soo eedeeyey inta aan waxba lagu cadaynin uu yahay qof bilaa denbi ah (presumption of innocence), iyo in qofka wax eedeeyey iyo ka wax lagu soo eedeeyeyba ay xaq u leeyihiin markhaatiyo u marag fura. Sannadku markuu ahaa 1776 (AD) ee dhalashadii Nebi Ciise ka danbeysey bishii July afarteediina, waxa dalka loo yaqaano Maraykanku(USA) ay dadkiisu ku dhawaaqeen oo saxeexeen waxa loogu yeedho ” ku dhawaaqistii xornimada dalka Maraykanka (the Declaration of Independence of the United States).
Sharcigii ay ku dhawaaqeen waxuu ahaa inuu Ilaahay qof walba ku deeqay xaquuqdii dadnimadiisa ama bani-Aadamnimo oo aan xaquuqdaas cidina ka qaadi karin, oo ay cadaalada oo keliye ay dadka deeqdo. Labadaas taariikhood ee labadaas dal waxa u dhaxaysey 3552 sanadood. Hadaba innagu reer Somaliland ahaan waxaad inoogu dartaan 241 sanadood oo ka danbeysey xoriyadii dalka Maraykanka, oo marka taariikhdaas hore lagu daro ka digaysa 3793( Waxaynu hadda ka joognaa waqtigii Xammuuraabi mudo ah afar kun Oo sanadood oo todoba sano dhiman). Waxaynu haysanaa sharci ka kooban 130 qodob, oo uu nin Suudaani ahi inoo qoray.
Waxaynu kale oo haysanaa sharci kale oo la yidhaahdaa qabyaalad. Haddii inaadeerkaa wax soo dhaco waa fariid dadka intooda kale ka fiican oo libaax libaax dhalay ah, haddii uu inaadeerkaa oo madax ahi sharciga jebiyo waa raganimo, haddii inaadeerkaa uu kuu eexdo kaba sii fiican. Marka inaadeer kaaga tuuga ah wax laga sheego meel baa ku damqanaysa, haddii la amaano waad ku farxaysaa, farxadiisu waa farxaddaada ceebtiisuna waa ceebtaada. Laakiin haddii inaadeerkaa oo wasiir ama madax ahi wax soo boobi waayo waa nacas, haddii dad kale ay nacasnimadiisaa sheegaan dee markaas waad ugu markhaati fureysaa ilayn sunnihii buu ka baydhay oo hantiboobe ayuu noqon waayee.
Madaxda qabiilada kale markay hantida ummada dhacaan waa kuu tuug adiga, haday wax muusuqmaasaqaan waa kuu dad xun adiga, farxadoodu way ku dhibaysaa ceebtoodana waad ku farxaysaa. Hadaynu si kale u dhigno, madaxda reerkaagu waa malaa’ig oo kale oo maba denbaabaan, madaxda qabaa’ilka kale waa shayaadiinta denbiyada u aabaha ah. Innagoo sidaas ah baynu hadana dooneynaa cadaalad in a wada deeqda.
Wax la waayey geelow ninkii waalan baa u duda, miyey heestu ahayd? Anigu go’aan baan gaadhey: markaan madax noqdo in’sha’Allahu wax baan boobayaa, xoolaha aan soo boobana tolkay baan wax ka siinayaa, qabiilka ayaa qaran ii noqonaya. Laakiin soomtayda iyo salaadaydaba waan sii laban laabayaa, bisha ramadaan in’sha’Aalhu masaajidka Xarramka ayaan ku dhex soomayaa, halkaas baan Ilaahay ku weydiisanyaa denbi dhaaf iyo cafis. Hantida ummada qofna boobkeeda iga badsan maayo, oo guryo waaweyn ayaan ka iibsanayaa Nairobi, Dubai, London, iyo Toronto in’sha’Allahu. Guryaha yar yar ee dalkeena laga dhistaa waxay ii nooqon doonaan balibali.
Dee Koley Saamiley (shares) waxaan ka iibsan doonaa shirikadaha barakaysan ee ay wadaada reer Somaliland leeyihiin. Haa, waxaan ilaawey waxii qabiilkayga ah ee dhalinyaro ahna waxbarashooyin dibedaha u badan baan u dirayaa in’sha’Allahu. Tolow maxaan kale oo ilaabey? Haa kaalmaha shidaalka waxaan ka furanayaa koley Hargeysa, Burco, Berbera iyo tolow Booramena ma ku daraa. Tolow maxaan kale oo ilaabayaa? Haa, dee afar xaasna waa lagama maarmaan inaan yeesho, ilayn cunida hantida ummada waa lagu qooqaaye .
Aakhirona mar haddii aan bisha Ramadaan oo dhan aan ictikaaf Xarramka ku ahay, salaadna aanan salaad kale ku daraynin, oo aan zekadiina bixinayo, lacagtayduna ay Bank-gi islaami ah ii taalo oo aanay ribo-ba fulaynin, xajkana sanad walba aan gudanayo, dee waa Janatul-fidowsal alaclaa xaalkaygu in’sha’Allahu. Waxaan markaa ahay nin if iyo Aakhiroba ku guuleystey, oo libaax libaax dhalay ah, Qaranimo iyo Cadaaladba anigaa gacanta isugu haya. Dee ilayn waxaan ahay nin han Madaxweynenimo lehe, marka ururada la furona Xisbiga Cadaalada iyo Horuumarka Somaliland baan samaysan doonaa iyadoo xaafadaydu ay labo ama saddex qabiil oo kale la noqon doonaan gaashaanbuur xisbi, si aanu dalka hantidiisa u wada boobno In’sha’Allahu markaanu xukuumada noqono. Waxaan maqli jirey uun, Ilayn talo isuma kaa sheegto.
Aqoonyahan : Calikhadar Xasan Cismaan
Olso Norway