Muddo kow iyo labaatan gu’ ah waxa aan goobjoog u ah xuska loo sameeyo maalinta 18ka Mey, waxa aan Hargeysa joogay abaabulka 19 munaasibadood, laba ka mid ahna waxa aan ku maqnaa dalka dibaddiisa, laakiin saxaafadda ayaan kala socday hannaankii loo agaasimay. Gu’yaalka 2001, 2009 iyo 2017 ayaan filayaa inay ahaayeen kuwa aan la samaynnin isu-soobax ballaadhan ama sida ugu kooban loo xusay maalinta qarannimada Somaliland. Waxa aan qormadan kooban ku milicsan doonaa xasuusaha aan ka hayo maalintii la soo noqoshada xornimada Somaliland lagaga dhawaaqay Burco 1991kii.
Waxa aan si joogto ah uga qayb-galay xusaskii 18ka Mey ee 1997kii, 1998kii, 1999kii, 2000 iyo 2001da oo uu Madaxweyne Cigaal ka hadli jiray Khayriyada Hargeysa. Dabbaal-degga ugu ballaadhan waxa la sameeyay sannadkii 2000. Waxa faras-magaalaha Hargeysa gaaddo-ka-ciyaar ku maray kumannaan ciidan ah, iyada oo Somaliland bandhigtay cududdeeda. Dhoolla-tuska waxa la tusayay kooxihii Soomaalida ee uu Jabuuti uga socday dawladdii Carta ee uu madaxda ka ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan. Haddii aan afkii Wasiir Caddaani ku hadlo “Waxa la qabtay bakhaanbikhii waayadaas ugu qiirada iyo qaayaha badnaa”. Sidoo kale waxa uu is-marin-waa siyaasadeed u dhexeeyay Somaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo sababay in soohdinta labada waddan la xidho muddo saddex gu’ ah (2000-2002), waxa dib loo furay xadka markii Madaxweyne Cigaal geeriyooday Ilaahay godka ha u nuuro’e.
Sannadkii 2001da lama qabannin dabbaal-deg mug leh, waayo ummadda Somaliland waxa ay mashquul ku ahayd u diyaar-garawga aftida Dastuurka oo qorshaysnayd 31ka Mey 2001da. Sannadkii 2002da waxa markii kowaad la xusay iyada oo uu talada la wareegay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. “Ma doonayo in cadawgeennu ogaado awooddeenna, sidaas awgeed wax ciidan ahi ma soo marayaan” ayaa uu yidhi. Iyada oo ka xiise iyo xamaasad yar kuwii hore ayaa uu damaashaadku dhacay. Waxa aanu tebaynnay daawashada ciidamada qalabka sida oo riyaaq ah niyadda gelin jiray. Wakhtigan waxa uu dalku ku jiray xaalad baroor-diiq ah oo ka dhalatay geerida Madaxweynihii dalka oo xijaabtay laba toddobaad ka hor xuska 18ka Mey.
Sannadkii 2003da waxa magaalooyinka Somaliland qaarkood dib loo dhigay xuska 18ka Mey, waayo xisbiga KULMIYE oo bishaas laga helay doorashada ayaa laga baqay in uu bannaan-bax sameeyo. Gu’gii 2004ta, inta uu arooryo hore Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin yimi khayriyada ayaa uu markiiba fagaaraha banneeyay. Kumannaan dhallinyaro ah oo ay dhaaftay khudbadda madaxweynuhu ayaa khayriyada yimi goor la kala dareeyay. Waxa ay ku ciil-baxeen inay shiid iyo dhagax is-weydaarsadaan. Kuwo badan ayaa loo gudbiyay Xabsiga Mandheera, laakiin wixii arday ahaa markiiba waa la soo daayay.
Sannadkii 2005ta ayaa markii kowaad xuskan laqu qabtay beerta Xorriyadda Hargeysa. Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ka hadlaya fagaarahaas ayaa yidhi “Ninkii saaka beerta xorriyadda ka hadlayay adeer baan u ahaa, waan ku farxay gabaygiisa”. Garo oo ninka uu sheegayaa waa qofka maqaalkan qoray. 13kii Mey 2005ta ayaan markii kowaad maanso u duubay Radio Hargeysa, waxa in badan txdaas la saaray xuskii Mey ee sannadkaas. Dadka goobjoogga u ah hadalka Xaajigana ka mid ayaan ahaa. Madaxweyne Rayaale waxa uu maalintaas gaashaanka u daruuray Baarlamaankii hore oo rabay in soo dhigaaan mooshin xil-ka-qaadis ah. Xuska lagu qabtay beerta xorriyaddu waxa uu lahaa soo-jiidasho gooni ah, waayo waxa ay ahayd madal ka ballaadhan khayriyada Hargeysa oo riixriix, cidhiidhi iyo buuq lahayd.
Si la mid ah ayaa Beerta Xorriyadda loogu qabtay Xuska 18ka Mey sannadihii 2006da, 2007da, 2008da iyo 2009ka. Hal-abuurro loo qoonddeeyay in ay Beerta Xorriyadda ka maansoodaan 2009kii ayaa aan ka mid ahaa, laakiin waxa aan u baaqday sababo markaas dalka ku gedaannaa. . Sannadkii 2010ka waxa mashquul lagu ahaa beddelidda kaadhadhkii muwaaddinka iyo codbixiyaha ee muranku ka dhashay. Sidaas awgeedna lama aloosin damaashaad sheeggan.
Sannad-guurada 18ka Mey waxa sida ugu mugga iyo miisaanka weyn leh abidkeed loo abaabulay sannadkii 2011ka, waana damaashaadkii u horreeyay ee la agaasimo intii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxa dareen waddaniyadeed lagu muujiyay daafaha caalamka iyo dalka gudihiisa. Intii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxa si niyadsami ah xusaska 18ka Mey uga soo wada qayb-galay mucaaridka iyo muxaafidka. Halka wakhtigii UDUB Xisbiyada Mucaaridka aan lagu marti-qaadi jirin xafladaha Qasriga ka dhaca habeennimada, waxa ay xukuumaddani isku dayday in si laga midaysan yahay loo alooso xafladaha lagu muunaynayo maalinta qarannimada.
Amintii sooyaalku ahaa 2012ka waxa beerta xorriyadda lagu qabtay munaasibad uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay hadallo ay ka mid ahaayeen “Aniguba waxa aan doorashada kaga hadhay 80 cod” isaga oo u quus-goynaya urur-siyaasadeedyo lagu reebay diiwaan-gelintii ururrada. Dildilaaca ay keeneen ururrada siyaasaddu awgeed, waxa sannadkaas xuska qarannimada barbar-socday cabsi laga qabay in ay mudahaaraaddo sameeyaan siyaasyiintii hankooda lagu curyaamiyay kala-reebista ururrada siyaasadda.
Gu’yaalkii 2013ka, 2014ka, 2015ka iyo 2016ka waxa xuska 18ka Mey loo beddelay in Madaxweynuhu ka hadlo bannaanka Qasriga Madaxtooyada, dadkuna waxa ay kala socdeen Warbaahinta.Waxa meesha ka baxay dhegaysigii tooska ahaa ee ay dadweynuhu khudbadaha ku maqli jireen iyo kulankii weynaa ee Beerta Xorriyadda lagu qaban jiray.
Hilaaddii 2014ka waxa la asteeyay in 18ka Mey laga dhigo “Maalinta Waddada Ceerigaabo”, waxaana la qoonddeeyay in lacag loo ururiyo jidkaas. Laakiin dad aan ka mid ahay ayaa gaashaanka u daruuray in waddo qudha qaadhaan loo ururiyo, waxaanu ku baaqnay in hawshaas la joojiyo ama tabaruca lagu daro waddooyinka Dawgacad, Balligubale, Oodweyne iyo Sallaxley. Ujeeddadaasina ma ay noqon mir hirgal noqota.
Waxa aan xukuumadda Somaliland ku bogaadinayaa jihada fiican ee ay sannadkan u jeedisay xuskii 18ka Mey, waxa xalay ummaddeennu ku yaboohday lacag dhan $3,100,000 (Saddex milyan iyo boqol kun oo doollar) oo loogu talo-galay wax-ka-qabashada iyo ka-hortagga abaaraha. Haddii dhaqaalahaas loo maamulo, loona soo xareeyo sida ugu fiican, waxa aan hubaa in uu kaalin weyn inaga buuxinayo. Haddii la leexsadana, waxa dambaysa xisaabtii Eebbe.
Dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland waxa ay tallaabadan ku soo dhaweeyeen gacmo-furan, waxaanay talo ahaan soo-jeediyeen in xuska 18 Mey loo rogo maalin horumarineed oo sannadba lagu falanqeeyo/daboolo mid ka mid ah baahiyaha ummadda. Ugu dambeyntiina waxa aan Alle ka baryayaa in uu wanaag ku abaal-mariyo samafalayaasha maskaxdooda, maalkooda, muruqooda iyo dedaalkooda u huray hirgelinta himiladii aynu muddada haabka ku haynnay.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Qoraa, hal-abuur iyo cilmi-baadhe
Attachments area