Shirkadda Dhismaha Ee Al Baraka ayaa maanta Magaalada Hargaysa Afur-Sharafeed ugu samaysay Hawl-wadeenada Iyo Madaxda Shaqaalaha Shirkadaasi .
Waxaana afurkan ka soo qeyb Galay Gudoomiyaha Shirkadda Al Baraka Eng Cali Aw Cumar iyo madax kale .
Ujeedada Afur-sharafeedkan ayaa ahayd dardar-galinta hawlaha shaqo ee shirkadda iyo dhiiri-Galinta Madaxda Shaqaalaha Shirkadaasi .
Afur-Sharafeedkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa jawwi-Farxadeed ku soo dhamaaday .