Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 13aad Sadaqada iyo soonka

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 13aad

 

Sadaqada iyo soonka

Sadaqadu waa qashinka ka baxa qofka ee uu ku helayo dambi dhaaf iyo naxariis, gaadhigu haddaanu saliidda iska badalin noqon maayo mid raandhiis sii lahaada ee marka dambe wuu is duqeeya, sida oo kale sadaqadu waa dambigii qofku sameyey oo uu iska bixiyey, waana ta uu Alle SWT leeyahay, “Ka qaad xoolahooda qayb, si ay iskugu daahiriyaan, una ducee.” Bal u fiirso aayaddaasi sida mugga leh ee ay wax u bidhaaminayso, marka xoogaa lagaa qaado aan ku damqayn waxa aad helaysaa fudayd dambigaagi lagaa dul qaaday, sidoo kale waxa aad helaysaa duco.

Sida oo kale waa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda haynta ku kala sarreeya, mar kasta oo qofka hodanka ahi uu ka war hayo bulshadiisa liidata waxa dhexdooda ku beermaya kalgacal iyo is jeclaysii, qof kasta oo wax bixinaya marka la yidhaa kaaga liita wax sii, wuxuu dareemayaa in aan xoolihiisi meel kale ka tagin waana ta uu Rasuulku CSW ka duuleyey ee uu ku lahaa Mucaad ina Jamal Rc, “Ka qaad xoolaha intooda ladan, kuna celi intooda saboolka ah.” Waa xoolahaagii oo adiga kaa baxay isla adigiina kugu soo noqday.

Se haddii aad ku dheggenaato xoolahaaguna barako yeelan mayaan adiguna mid culays saaran yahay unbaad ahaan, Rasuulku CSW isagoo muujinaya in sadaqadu aanay qofka mid musalaf ah ka dhigin wuxu yidhi, “Sadaqadu xoolaha waxba kama nusqaamiso.”

Haddaad lahayd wallee shilinkaa kaa baxay kuu soo noqon maayo, inta kaa baxday in ka barako badan baa ku soo geli, sida oo kale inta kugu hadhay ayaa noqon doonta in ku barakowda. Alle SWT isna isagoo qofka xoolihiisa bakhaylka ku ah la hadlaya ayaabu yidhi, “Yaanay u malayn kuwa xoolaha Alle siiyey lexejeclaysanaya inay sidaasi u khayr badan tahay, hase ahaate waa u shar.”

Haynta iyo kaydinta xooluhu maaha mid la diidan yahay, se waa in aad ogaataa in xoolahan uu Alle SWT ku siiyey, sababta lagu siiyeyna aanay ahayn jacayl khaas ah oo adiga laguu qabo, hase ahaate ay tahay imtaxaan lagugu eegayo, sida aad ka yeeshana masiirkaagu noqon doono.

Sadaqadu waxa ay ka qayb qaadata cimri dhererka; marka laga hadlayo in cimrigii laguu qoray wax lagugu darayo maaha, sida culimo badani ku tagsan yihiin, hase yeeshee waa in cimrigii lagu siiyey barako ku yeesho, Sidaasu Rasuulku CSW u lahaa, “Sadaqadu cimriga way dheeraysa.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 14aad

 

Sadaqada iyo soonka (2)

Haddii sadaqo aynnu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada?. Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku CSW ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix.

Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, “Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen, waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba.

Soonka dhexdiisa in aad wax sadaqaysato waa mid la dhiri galiyey oo dadku wax wada qabaan, Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, “Qofka, qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.” Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisi ee ajarkiisa oo kale ayaa isna la siinaya.

In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kugu filan in adoo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan inaan dabba loo shidin, taa soo keentay inay ka dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan, Alle SWT isaga oo wax walba inooga xogogaal badan, waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, “Ka wax ma garatada ahi wuxu u malaynaya dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxa aad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle inoogu naxariisto.

Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soo saarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso